Shir
madaxeedka Wadamada
Africa oo maanta ka
furmaya magaalada
Addis Ababa ee
wadanka Itoobiya .
Calayaale News
Magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya waxaa maanta ka furmay shirka madaxda wadamada AFrika , shirkaas oo ay ka qeyb gelayaan inta badan madaxda sare ee dalalkaasi ayaa marka hore inta aanay guda gelin ajandayaasha rasmiga ah waxay dooranayaan Guddoonka Wadamada Afrika , bacdamaa guddoomiyihii hore xilligiisii uu dhammaaday.
Shir madaxeedka Afrika ee sanadkaan oo halku dhigiisu yahay "Xoojinta isku xirka dhaqaalaha wadamada Afrika" ayaa waxay madaxda Afrika uga wadahadlayaan arrimaha wadamada Afrika qaarkood oo uu ku jiro dalka Soomaaliya.
Sidoo kale madaxda Afrika ee ka qeyb gelaya shirka ayaa madasha shirka waxay ka jeedinayaan khudbooyin ku aadan arrimaha dalalka Afrika iyo sidii ay isugu xirmi lahaayeen dalalka Afrika dhaqaalaha siyaasadda, horumarkooda iyo waliba xiriirka ka dhaxeeya.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa isagu halkaasi ka jeedinaya khudbad ku saabsan xaaladda wadankiisa, gaar ahaan sidii loo taageeri lahaa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya , isla markaana dalalka Afrika ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.