|

Umadeena soomaaliyeed waxaan wada nahay
ummad wada muslima 100%, isla markaana jecel ku dhaqanka
shareecada islaamka, laakiin nasiib darro wali ma helin xukun
islaamiya ama dawlad nagu dhaqda dastuurka rabaanigaa ee
kitaabka munazalkaa iyo sunnada nabigeena muxamada, NAXARIIS IYO
NABAD GALYO KORKIISA HA AHAATEE.
Haddaan u soo noqdo hogaanka maxkamadaha islaamigaa ee ka hana
qaday wadankeena hooyo,gaar ahaan magalaada caasimada noo ah ee
muqdishow waxay noqdeen kuwo lagu diirsado, dadkuna ay soo
dhaweeyan iyagoo ka dugaashanaya iney mar uun helaan xukun
caadila oo shareecada islaamka ku hogaamiya, wallow ay taasi
jirto hadana qaabka loo dhisay maxakiimta waxaad ka dareemaysaa
hab beeleedkii is aaminid la,aanta iyo kal qoqob badan, iyadoo
beel waliba ku xalisato arrimaheeda iyada u gaara ha noqoto
dhaqan celinta dhalinyaradooda amaba tuugada iyo falalka
burcadnimadaa. Intaas waxaa dheer sidoo kale in beel walba ay
leedahay hogaamiye beeleed dadka laaya, qaarkood iska haystaan
dhul beereed amaba gobolo aan ahayn degaan ahaan kii lagu yaqiin
oo awood qabiil ku haystan iyagoon u turin dadka danyartaa oo
aan hubasnayn loona yaqano SACABOOLEEY, Iyadoo waxaasi jiraan
ayaa waxaa soo if baxay isbahaysi la magac baxay argagixiso la
dirir, taasoo cado u ah inay xilligiiba shaarka badashaan oo ay
magac cusub jeebka kala soo baxan si ay ugu cimri dheeraystan,
talaabadas waxa aad uga carooday midowga maxkamadaha oo inta
badan ay isku eedayn jireen iney ka dambeeyaan falalka lagu
qaarijiyo culimada aqoonta leh, laba daraadle dhinaca kalena
lagu eedeeyo iney iyaguna ka dambeeyaan qaarijinta aqoonyahaynka
iyo saraakiisha oo labduba ah runtii qodobada lagu carqaladeeyo
magalada muqdishow, walibana caalamka loogu beer laxowsado iney
meel bahala galena tahay caasimadu, sidaasi darted ay wali ka
meermeerayan xata dawladdii ku meel garka ahayd, dadka qaarna ay
iyaga laftooda ku xantan xasuuqa dadka aqoonta leh, ha noqoto
diin amaba mid maadiya labadaba.
Waxaan ognahay marka iney isku dhaceen midowga maxkamadaha oo
gacan ka helay ganacsato iyo hogaamiyayal ku caana shar
badalashada sida ninka aadka looga yaqaan gobolka shabeelada
hoose eek or ku xusan iyo isbahaysigii akabiirta oo awalba
dadlaynta ku soo can baxay, runtiina waxaa la dhihi kara waxay
isku qaadeen dagal aan naxariis lahayn oo mindhicira jeexa oo
masaakiintii reer muqsishow lagu barakiciyey, caruur, dumar iyo
waayeelba lagu laayey, lagan dhigay hal dhintay, hal dhawacmay
iyo waliba hal haaday iyo hal haybshay, taas macnaheedu waa
dhinac u turay reer muqdishow ma jirin, taariikhdaana xusi
doonta.
Marka waxaan si khaasa ugu dhimrinaa sheikh shariif oo ah nin
aqoon diineed leh, kuna cusub masrixiyadan waa inuu iska
ilaaliya durdurada iyo dagalka wajiyada badan oo lagu laynayo
umaddii barri shareecada islaamka lagu xukumi lahaa, batatanba
wa inad ka fiirsata in dobol lagu duulo, dawlad lagu duulo,
tuulo lagu duulo, garoon ama deked lagu duulo, bacdamaa lagu
le,anayo, laysna waydiin doono oo xisaab aakhiro noo wada
dambayso, intaasan kuugu nasteexayna, daacadnimadaada darted
yaan lagu nasakhin oo meesha ay joogaan yey ku gayn, talabo aad
hubto waa inad mar walba qaada, dadkana wacgalin iyo wada hadal
waa inad ku soo dumataa, midda kale adiga iyo dhallinyarada
balcad waa inadan wax arsi la yira aadan samaynina, si looga
badbado dagaal lagu hoobto oo ka dhaca goboladii EX banaadir,
isla markasna waa inad googol u dhigtiin degmada balcad ama meel
kale oo ku haboon dadka aad ka dhalateen oo midaysiin si dhibku
u yaraado oo umadaha kalena daris wanag loo muujiyo, ka dibna
waxaa la gari doonaa goolka la hiigsanaayo dhimasho la,aan,
walaalnimada islamku na faray wa inad ku shaqasiin. BADBAADIYE
NOQO SHEEKH SHARIIFOW.
WABILAAHI TOWFIIQ.
Januune6@hotmail.com
Webmaster@calayaale.com
|