TALKING POINT BY

MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN HOGAAMIYAYAASHA MUDULOOD IYO KUWA MADARKICIS?

By:Januune Maxamed   Januune6@hotmail.com

Ra'yiga Dadweynaha
 April 15/2006

Maxamed Axmed Calasow (Januune)

 


Ciidan beeleed ayaan wataa, cidba cawaan la hoyanaa, cirrana waan ahay, caafimaadkayguna ma fiicna, camal xumana waan u dhashay, colaad badana waa soo joogay, calafkayguna caasimaduu ku xiran yahay oo caqliga caalamka oo dhan baa sidaa isku raacay, ee cududda aan colaadiyayeey mar uun  CALANKA CAD II TAAGA

 

 

 

 

MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN HOGAAMIYAYAASHA MUDULOOD IYO KUWA MADARKICIS?

markaan dhab u fiirino farqiga u dhexeeya labadaan kooxood oo kor ku xusan oo ka kala dhashay labo beelood oo wada dhalatay, laakiin kala degaan ah, aadna u kala argti duwan ayaa kuwa madarkicis oo degaan ahaan ka soo jeeda ama ka soo hayaamay gobolada gal-gaduud iyo mudug iyo kuwa muddulood oo intooda badan degaankoodu u dhowyahay caasimadda amaba ex-banaadir goboladii laysku dhihi jiray ayaa waxay qayb ka ahaayeen USC dii rajiimkii siyaad barre oodda u rogay, kadibna iyagu isku noqday dibidii hardantay oo aad moodo iney wali shacab laynta hamuun u qabaan.
Haddii aan in yar ka soo qaadano koox walba:-
1) kuwa madarkicis waxay marka hore ku soo caan baxaan iney gobolada midba mar ku duulaan oo shucuubta iyaga ka baxsan laayaan, aadna u cadaadiyaan, maleeshiyooyinkoodana marba SHAAR u galiyaan, shaar maxkamadeed, mid qabiil iyo mid maamulba, waxayna sidaas ku xalaalaystaan ilaha dhaqaalaha, sida dekedaha, garoomada, beeraha, gaadiidka, tichnikada IWL.waxayna ka midaysan yihiin danta guud ee beeshooda, iskumana qilaafaan, kumana xadgudbaan, mana laayaan maatidooda, meesha ay dadyowga kale dharbaaxaan, isbaarooyinka dhulka, cirka iyo baddaba waa ku caan baxeen, waxaana intaas u dheer saxaafadda oo ay ummadda soomaaliyeed waxay rabaan ugu bandhigaan, hadey noqon lahayd kuwa dibadda amaba kuwa gudaha ku sugan.
2) haddaan barbardhigno kuwa mudulood waxay marka horeba ku soo caan baxaan iney dadkooda laayaan, iyagu labo labo isu dagaalaan, dadkooda ama maatidooda barakiciyaan, nin walba goob yar isbaaro iska dhigto reerkiisana ku cuna qabateeyo, wax xiriir maamul ahna ma wadaagi yaqaaniin, xataa maxkamadaha beelahoodu leeyihiin wax iskaashiya ma wadaagaan, waa hogaamiyayaal iyagu isu xoog badan oo aan waxba curin iney wax dumiyaan maahee, degaankooda ex-banaadirtii horana wax sumcad ah kuma lahan.
Runtii labada kooxood waxay ka midaysan yihiin wada dhalashada maahee, waxay ka soo wada hor jeedaan nidaam dawladeed walaalkoodba ha hogaamiyee,waxayna aamin san yihiin iney ku waynayaan waxa ay sharcidarada ku kasbadeen.

waa socotaa..........

WABILAAHI TOWFIIQ.

januune6@hotmail.com
Webmaster@calayaale.com

_________________________________________________________