Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Guddoomiyaha IFAD lana hadlay Ardeyda Jaamicadda Rome3 .

Home
Calayaale News
Februar 01, 2012  Calayaale warkii dalka
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan dheer la qaatay Guddoomiyaha Hay'ada Dhaqaalaha ee Arrimaha Beeraha ee Qaramada Midoobay (IFAD) Kanayo F. Nawanze oo ay ka wada hadleen sidii loo soo nooleyn lahaa xiriirka Soomaaliya iyo IFAD, mashaariicda horumarineed ee lagu wado in laga fuliyo Soomaaliya iyo arrimo kale.Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya FAO Dr Ibrahim Xaaji, waxaana goob joog ahaa Wasiir ku xigeenka Difaaca Catoosh, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Nur Adde iyo mas'uuliyiin kale.


Guddoomiyaha IFAD ayaa uga mahadceliyey Ra'iisul Wasaare Abdiweli waqtigiisa qaaliga ah, sheegeyna in IFAD ay mudnaan gaar ah siineyso Soomaaliya diyaarna u tahay inay ka fuliyaan mashaariic lagu horumarinayo beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga. Guddoomiyaha ayaa xusay in Soomaaliya lagu leeyahay 20 million oo deyn ah, ha yeeshee xaaladda adag ee uu dalku marayo inay kala hadleen Sacuudiga sidii deyntaas loo bixin lahaa si Soomaaliya ay xaq ugu yeelato deeqaha lagu horumarinayo beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey IFAD kaalmada mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Somaliland kana codsaday in la sii labo jibaaro kaalmada loo fidiyo Soomaalida.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeybgalay kulan si heer sare ah loo soo agaasimay ee uu kula hadlayey ardeyga Jaamicadda Rome3. Ra'iisul Wasaare Abdiweli ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray sida maamul wanaaga iyo dhismaha hay'adaha dowliga ah ay laf dhabar u yihiin horumarka Soomaaliya. Ra'iisu Wasaaraha ayaa tusaalooyin u soo qaatay wadamada africa iyo kuwa Aasia iyo sida ay horumarka baaxadda leh uga sameeyeeen horumarka iyo dib-u-dhiska. Waxuuna sheegay in horumarka laga sameeyey Soomaaliya haddii la sii joogteeyo uu dalku horumar ku tallaabsan karo ee dhanka maamul wanaaga.

--
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 
 
 

                                                
Read Akhriso
[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com


_______________________________