Weriyayaal
Booqday Weriye Xasan
Jaceyl oo xaaladiisa
caafimaad ay sii
darsatay, kuna
baaqay in la
gargaaro +Sawiro* .
|
Qaar kamid ah weriyayaasha Soomaaliyeed ee Nairobi oo ka xanuunsaday
dhibaatada xanuun ee muddo ku siman 1 sano magaalada Nairobi ku
haysatay Abwaan Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Jaceyl) oo ay ku booqdeen isbitaalka COPTIC oo afartii asbuuc ee la soo uu yiilay ,halkaa oo ay indhahooda ku soo arkeen xaalada uu ku sugan yahay saxbkood Xasan
Jaceyl, waxayna ku baaqeen in caawinaad deg deg ah lala soo gaaro
walaalkaas dhibban.
.JPG) .JPG)
Wariyayaasha booqday Xasan Jaceyl oo ay kamid ahaayeen saxafiga rug
cadaaga ah Cali Muuse Cabdi , Maxamed Gaarane Aadan oo ah xoghayaha
tawbarada NUSOJ, Bile Abdullahi Cali, Heeb Abdi, Abdifitaax Cumar
Xalane, Axmed Muuse Guurre Waqa, Maxamed Barre, Cabdifitaax Maxamed
Cilmi, CabdicasiisIbraahim Cali, Axmed Xasan Qeyre iyo asxaab kale oo farabadan ayaawaxaa xaalada uu ku sugan weriye Xasan Jaceyl ay ku abuurtay anfariir,kaddibmarkii ay istibaalka qolka dylesiska ku booqdeen saxbkood.
.JPG)
Xasan Maxamed Maxamuud oo 45 jir ah, xiliyadii dambe ka tirsanaan jiray
idaacadii iyo Televisionkii Horn Afrik ee haatan hawadda kabaxday kadib markii ay bililiqeysteen ragii gacanta ku hayay oo khilaaf soo kala dhaxgalay inay sii shaqeyso iyadoo waliba si weyn loog xasuusto doorkiisa abwaaneed ee dhinaca Fanka oo Xasan Jaceyl ugajiray kaalin wanaagsan ayaa waxa xiligaasi uu ku jiray koomo, isagoo aan kala garaynin xaalada uu hadda ku sugan yahay Abwaan Xasan Jaceyl ayaa xaaladiisa ay ka sii dartay todobaadkii aynu
soo dhaafnay kaddibmarkii xanuunka macaanka oo muddo uu la
xanuunsanayay uu gaaray heer aad u sareya, iyadoo labadiisa kalyoodna
ay shaqadii joojiyeen, halka lugta bidix oo ahayd lugtii u badbaaday
markii sanadkii hore laga jaray lugta midigna ay aad u caabuqday, waxaana dhaqaatiirta ay haatan xooga saarayan sidii Xasan si kaalmaati ah looga shaqaysiin lahaa Kalyihiisa, iyadoo maalin walbana loo samaynayo waxa loo yaqaano (Dylesis).
.JPG)
Sanadkii tegay ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed oo uu horkacayay
xoghayaha Tababarada NUSOJ, Maxamed Gaarane waxa ay deeq lacageed oo
laga soo ururiyey suxufiyiinta SOomaaliyeed, gaareysana $7000 oo
doolar. Waxaa kale oo sidoo kale deeq lacageed soo gaarsiyay guddiga
u dooda xorriyada saxaafadda (CPJ) oo dhamaan lacagahaas ay ku baxeen
qarashaadkii daawooyinka, qallinka iyo isbitaalkaba.
Dhaqatar George Muturi oo ah dhaqtar la tacaalaya xaalada Xasan ayaa
nasiib wanaag baaritaan uu shalay ku sameeyay maskaxdiisa (CT BRAIN
SCAN) waxa uu cadeeyay in maskaxda Xasan ay caafimaad qabto, isagoo
sheegay in uu haatan ku dadaalayo sidii uu xasan uga soo saari lahaa
xaaladan adag (Haddii uu Alle Idmo.
Weriye Maxamed Gaarane oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Xasan uu
caawimaad uga baahanyahay walaalihiisa bahda saxaafadda, isagoona
tilmaamay in loo baahanyahay in dhexda loo xirto sidii caafimaadkiisa
wax looga qaban lahaa, iyadoo talada la saaranayo ALLAH.
Cali Muuse Cabdi oo ka tirsan wakaalada AFPda ayaa ka sheekeeyay
xanuunka sababay in xasan ay kalyihiisa shaqeyn waayaan, waxaa uu
sheegay in Xasan uu u baahanyahay gacan joogta ah oo uu ka helo umadda
Soomaaliyeed iyo bahda saxaafadda iyadoon loo kala haraynin maadama uu
yiri in mar walba uu u baahnaan doono in kalyihiisa lagu sameeyo
(Dylesis)
Qoyska Xasan jaceyl ayaa ku amaanay taageerada joogtada ah iyo garab
istaaga ay u muujiyeen Xasan walaalihiis bahda saxaafadda, waxaana ay
soo dhaweeyeen lacag dhamayd 88, 191 shilling Kenya ah oo maalmo ka
hor uu soo gaarsiiyay Maxamed Gaarane, taa oo katimid hay’add
saxaafadeed oo lagu magacaabo Ururka Suxufiyiinta aan Xuduuda lahayn,
ugu deeqday.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xili sanadkii hore gurmadkan
taarikhiga ah oo noocan ah ay Xasan Jaceyl u fidiyeen saaxiibadiis
weriyayaasha Nairobi, waxaana ugu dambayn weriyayaasha reer Nairobi ay
cod mideysan ku ku muujinayaan in la soo taageero Xasan Maxamed
Maxamuud (Xasan Jaceyl) oo
wixii aad u awoodaan aad ugu soo diri kartaan *Axmed Mire Cali* oo
Xasan Jaceyl ay qaraabo yihiin, haatana gacanta ku haya +254722207041
ama Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed isagaa idinku hagi
doonee.
Contact:editorial@calayaale.com Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!
|
|
_______________________________
|