Madaxweynaha Soomaaliya Md Shariif Sh. Axmad ayaa Maanta xafiiskiisa Madaxtooyadda ee Villa soomaliya ku qaabilay wafdi balaaran oo uu hogaminayay xohayaha arimaha dibadda ee XukumaddaIngiiriiska Wilyam Heyk oo manta soo gaaray magaaladda Muqdisho iyagoo ka soo degay garoonkla diyaradaha caalamiga ah ee muqdisho,




Wafdiga Hoghayaha arimaha dibadda Ingiriiska ayaa waxa ay daqiiqado ka hor kulan la qaateen madaxweynaha soomaliya Md sheikh shariif iyadoo kulanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa waxaay sheegeen in madaxweynuhu ka aqbalay dalab ku aadan ka qeybgalka shirka looga hadlayo Ayaha iyo Mustaqbalka Soomaaliya kaas oo ka dhici doona 24 ka bishanFeberaayo gudaha dalka Ingiriiska.
Xighayaha arimaha dibadda Ingiriiska ayaa intaa ku daray in shirkaasi ay ka qeybgelidoonaan in ka badan 50 dowladood iyo hey’addo caalami ah, maamul goboleydyo ururo bulsho waxaana looga hadlayaa ayuu yiri sidii Soomaalida looga caawin lahaa in ay dhistaan mustaqbal hagaagsan, isagoo tilmaamay in uu ku faraxsanyahay booqashada uu ku yimid magaaladda Muqdisho iyo soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay.isaga iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha soomaliya Md Sheekh Shariif ayaa ka gudoomay waraaqihii aqoonsiga afiirka cusub ee xukuumadda dalka Ingiriisku u soo magacaawday in uu wakiil uga noqdo Soomaaliya wuxuuna madaxweynuhu tilmaamay in arintani ay muujineyso sida Xukuumadda dalka Ingiriisku u daneeyneeyso arimaha dalka Soomaaliya.
Wilyam Heyk ayaa sidoo kale la kulmay ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise.
Imaanshaha wafdigan ayaa loo arkaa in uu gogol u yahay kulanka looga hadlayo Mustaqbalka Soomaaliya kaas oo ay dowladda Ingiriisku qabaneyso 24 ka bishan.