Meydad dhowr ah oo lagu arkay Wabiga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan .

Home
Calayaale News
Februar 04, 2012  Calayaale warkii dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in meydad dhowr ah oo dul sabaynaaya  Wabiga Shabelle in maanta lagu arkay Magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Meydadkan ayaa waxay u badnaayeen  dhalinyaro la dilay xalay iyo shalay, kuwaasoo meydkooda la raacsiiyay Wabiga, iyadoo  arrintan ka xumaadeen  dadka deegaanka ku dhaqan, halka dadka qaarkii ay sheegeen in dhalinyaradaasi ay ahaayeen kuwo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada Maamulka Dooxada Shabelle ayaa xalay  ku dilay  Hotel ku yaal magaaladaasi nin dhalinyaro ah, kaasoo ay ku eedeeyeen kooxaha caaqabada ku ah amniga Magaalada Baladweyne.

 
 Sidoo kale waxaa jirta nin Dhalinyaro ah oo caan ka ahaa magaaladaas laguna magacaabayay Mataan ayaay Ciidamada  maamulka Dooxada Shabelle ay ku dileen agagaarka wabiga, waxayna Maydkiisa ku tureen Wabiga.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in qarax miino  maanta lala beegsaday Ciidamada Itoobiya, iyadoo qaraxaas Ciidamada ay u qab qabteen dad fara badan.

 

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 
 
 

                                                
Read Akhriso
[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com


_______________________________