Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Addis Ababba uga qeybgalaaya shirka madaxda Midowga Afrika ee halkasi ka socda, ayaa madaxda shirkaasi ka qeybgalaysa iyo Qaramada Midoobayba ka dalbaday in Soomaaliya laga qaado cunnoqabteynta hubka ee saran.
Madaxweynaha ayaa sheegay in si loo xoojiyo Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya loo baahan yahay in marka hore Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka qaado Cunaqabataynta hubka ee saran Soomaaliya.
Sheekh Shariif madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa codsigan ka xarunta Midowga Afrika oo uu ka socdo Shir madaxeedka Madaxda Afrika, wuxuuna sidoo kale codsigiisa ku sheegay in Dowladiisu ay u baahan tahay in la caawiyo si buu yiri ay dalka oo dhan uga saarto kooxaha ka soo horjeeda ee Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in haddii dowladda KMG ah u suurtagsho inay la wareegto dalka oo idil ay sahlanaanayso in la fuliyo heshiiska Roadmap-ka ee lagu soo gaaray Heshiiskii Kampala ka dhacay.
Dhanka kale wuxuu madaxweynaha Shir madaxeedka Afrika ka sheegay in dowladiisu ay doonayso inay dalka oo dhan isku ballaariso, islamarkaana dalka oo idil ka saarto Al-Shabaab, wuxuuna cadeeyay in dowladiisa ay caqabad ku tahay Cunaqabataynta Hubka ee saran Soomaaliya, kaasi oo la saaray 1992-dii.
Ban ki Moon oo sheegay in golaha amaanku meel marinayaan in la kordhiyo ciidamada AMISOM ka hor inta aan la gaarin shirka London
Xog’hayaha guud ee Q,M Ban ki Moon ayaa sheegayin golaha amaamku ay ansixinayaan kordhinta tirada ciidamada AMISOM ka hor inta aan la gaarin shirka London ee ay dawlada Ingiriisku qaban qaabisay
Ban ki Moon oo ka hadlayay aragtida ah in la kordhiyo tirada ciidamada midawga Africa ka socda ee AMISOM lana gaarsiiyo (17,700 Todobo iyo toban kun iyo tobo boqol) ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo waxaase uu sheegay in golaha amaanku ay ay meel marin doonaan go’aankaasi oo ay soo gudbiyeen wasiiradda gaashaandhiga wadamada ay Soomaaliya ka joogaan isla markaana ay meel mariyeen golaha amaanka iyo nabad galyada midawga Africa
“Qorshaha ah in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM waa aragti wanaagsan waxaana uu yahay baaqa aan u dirayo golaha amaanka ee Q,M inay ansixiyaan ka hor inta aanan tagin shirka magaalada London” ayuu yiri Ban ki Moon xog’hayaha guud ee Q,M
Ban mar uu ka hadlay waxa uu kala socda ajandayaasha shirka London ayaa waxaa uu sheegay in qodobada ugu muhiimsan ay ka mid yihiin in beesha caalamku ay markaan si toos ah u wajahdo sidii Soomaaliya looga saari xaaladda adag ee ay xilligaan ka jirto waxaana uu intaa ku daray inaysan mar dambe la yeeli doonin waqti kordhin dambe oo dhanka dawlada ah
Sidoo kale Ban ki Moon waxaa uu xusay in xafiiska siyaasadda Q,M ee Soomaaliya oo dhawaan loo soo raray magaalada Muqdisho uu qaban doono hawlaha siyaasadeed iyo inuu fududeeyo xal u helida dhibaatada Soomaaliya
Q,M ayaa si buuxda u taageerta dawlada KMG ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga