TACSI
  APril 14, 2012 Calayaale

                             tacsi.jpg

Tacsi

Tacsi Tiiraanyo leh

Innaa lillaahi waa innaa illayhi Raajicuun

Dhamaan   Beesha Mudulood ku nool ee wadanka Switzerland waxay uga tacsiyeeynayaa  Dhamaan  eheladii iyo  Aqaariibkiisa  Geerida  ku timid  ilaahay haw naxariistee  Marxuumka Dr C/laahi xuseen Maalin oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho taariikhdu markeey aheyd 13/04/2012 waxaan leeyihiin Eheladii iyo aqaariib  iyo awlaadii uu ka geeriyooday  Marxuumka  Samir iimaan  waxaan  Marxuumkana ilaahay uga Baryeynaa ilaagay  inuu  Naxariistii Janada ka waraabiyo 


1
- Ugaas Abuukar ugaas cabdulle iyo xaaskiisa soonto xaaji yaxye
2-Xasan cabdulle goleey iyo xaaskiisa xabiiba cadow xuseen
3-Axmad cali aybakar
4.Axmad ow xasan xayle (dhoobeey)
5- Macalin siidoow bashiir abukar
6-Axmad xasan cabdulle (fanax)
7-Daadir cali afrax
8- Xasan maxamud calasoow
9-Muse maxamud cadow
10- Dr c/lahi yusuf maxamud cawir /c/lahi misir)
11-Cumar isman abukar
12-Maxamad cali xaaji
13-Aweeys maxamud aamiin
14-Tahliil cabdule negeeye
15-Mahdi maxamad calasoow
16-C/qadir maxamad calasoow (Qawaar)
17-Liiban axmad hilowle
18-C/qadir cusman shakale (Qamiir)
19- Cusman axmad mantaan (cusman dheere)
20- Aweeys xaaji yusuf
21-Xasan naaji
22- Sheekh cumar shekh ibrahin cali gacal
23-Maxamad cilmi maalin
24-Xasan maxamad cumar
25- Maxamad c/lahi xasan ugaas
26- C/lahi absuge
27-C/lahi maxamud carab
28- Cabdi bocor (cabdi madoobe)
29-Xasan maxamud cadaawe
30-Geedi xasan cali (geedi dhacaye)

 

Abuukar Ugaas Cabdule

abuukar2002@hotmail.com

         INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAJiCUUN
 
Dhamaan Jaaliyada Sweden waxey tacsi Murugo badan u direysaa Shacabka Somaliyeed
waxaan si gaara tacsi u direynaa eheladii iyo qaraababadii ay ka geriyodeen 4/4/2012
Qarax uu fuliyay ruu naftii haliga ah .
 
Jaaliyad waxey cabareyneysaa falkaa fulaynimada ah oo lagu laayay wax tarkii bulshada
iyo hogaankii isbortiga Somaliyeed, Waxaan tacsi qaasa u direynaa bahda isbortiga anagoo
leh Ilaah ha.unaxariisto Aadan Xaaji Yabaroow(Wiish) iyo Saciid Maxamed Nuur(Mugaambe)
iyagoo kala ahaa gudoomiyeyaashii gudiga Olombikada iyo Xiriirka Kubadda Cagta iyo intii kale
oo qaraxaas ku dhimay waxaan kaloo Jaaliyada ledahay Ilaah ha caafiyo dhamaan intii ku dhaawacantay
        Amiin Amiin amiin
               
                   Xogheynta Jaaliyada Sweden

Tacsi- tiiraanyo iyo murugo leh

Dhamaan gabdhaha Mudullood ee ku nool magaalada Arhus wadanka Danmark waxay tacsi  tiiraayo leh u dirayaan dhamaan shacbiga soomaliyeed Gaar ahaan jaaliyadda muddolood eek u nool wadan dermar iyagoo uga tacsiyeynaya geeridii naxdinta laheeyd eek u timid Marxuum Cabduqaadir Abraar Taariikhdu marii ay aheeyd 4tii bishaan 2012ka isagoo ku geeriyooday wadanka dermark gaar ahaan magaladda arhus , waxaana tacsi khaas ah ay u dirayaan gabdhaha jaaliyadda mudolood eek u nool wadankaasi Qooskii , qaraabadii iyo xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay  iyo weliba,asxaabtii uu ka geeriyoodey marxuumka waxaana ilaah loogaga baryayaa inuu naxariistii janno uu geeyo dhamaan dadkii uu afka kaga tagayna samir iyo iimaan siiyo.

Marxum ayaa waxaa lugu aasay magaalada Arhus ee Danmark

AAmiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

Inaa liulaah wainaa iuleyhi raajicuun.

Dhambaal Tacsi Ah
Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun


Waxaa Shalay oo Taariikhdu aheyd 01-04-2012 ku geeriyooday Isbitaalka Rigshospitalet oo ku yaal Magaalada Copenhagen/DK Allaha u naxariistee Marxuum Cabduqaadir Maxamed Xasan oo loo yaqaanay ”Abraar”. Sidaas darteed dhamaan Jaalliyada Mudulood ee ku nool dalka Denmark waxay ayaga oo ka murugeysan geerida tacsi u diraayaan guud ahaan qoyska, ehelada iyo asxaabta uu Marxuumku ka geeriyooday. Sidoo kale waxaa tacsi aad u tiiraanyeysan loo diraa Xaaska, caruurta iyo waalidka iyo walaalaha Marxuumka. Jaalliyada waxey si wadajir u leeyihiin Geerida ku timid Abraar dhamaanteen samir iyo iimaan Ilaah ha naga wada siiyo, Waxayna Allaha Waaxidka ah uga baryaayaan inuu u naxariisto Marxuumka, Jannatul Fardowsa na uu ka waraabiyo, aamiin aamiin.
Taariikhda Marxuumka oo Kooban:
Allaha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir Maxamed Xasan ”Abraar” waxuu bartamihii 1960-meeyadii ku dhashay Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho. Yaraantiisii ayuu Dugsi Qur’aan ka bilaabay xaafadda Ceel Aw-Muude, ka dibna wuxuu Dugsiga Hoose/Dhexe ku soo qaatay Iskool Ex-Boondheere. Dugsiga Sare ee Sakhaawadiin ayuuna waxabarshadiisa Sare ku dhameystay.
Abraar(A:U:N) waxuu ka dib markuu buuxiyey sharuudaha lagu noqon karo leyli- sarkaal ku xarooday Kulliyada Tababarka Saraakiisha Ciidamada ee Jaalle Siyaad, wuxuuna dhowr sanno ka dib ka soo qalin jebiyey Kulliyada asigoo ah sarkaal buuxa darajadiisuna ay tahay 2 xiddigle ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka. Waxaana lagu qoray oo uu xubin ka noqday Ciidamada Difaaca Cirka xaruntooda ku taalay Degmada Dayniile. Waxuuna ilaa iyo inta ayna qabta dhicin Darajeda Saraakiisha ka gaaray Gaashaanle.
Marxuum Abraar waxuu kale uu nasiib u yeeshay in dagaalada ka hor uu Jaamacada Gaheyr ku soo qaato waxbarasho la xiriirta Culuunta Ganacsiga oo uu ka qaatay heerka Bajolarka (Bachelor of economics).
Marka uu dalkeena ka bilowday dagaalka sukeeye Abraar(A:U:N) iyo qoyskiisa waxay qaxooti ku noqdeen dalka Denmark oo uu sidoo kale uga suuro gashay inuu ka qaato Jaamacada Erhvervsakademiet Lillebælt oo ku taal magaalada Vejle waxbarasho la xiriirta kombiyuutarka (Bachelor of Electronic data processing). Marxuumka wuxu ka tegay xaas, 4 wiil iyo laba gabdhood.

Dhambaalka Tacsida Qaraabada direysa waxaa ka mid ah:

1- Cabdulaahi Macalin Aybakar
2- Ibraahin Galooti
3- Xaaji Axmed Cumar Maxamed
4- Xaaji Axmed Weheliye Cadaawe
5-Xaaji Muxudiin Xasan Cali Saaqle
6- Xaaji Abuukar Cismaan Koofuroow
7- Maxmed Cali Cowke
8- Daahir Cabdulle Butugeey
9- Daa’uud Xuseen Ciidangale
10- Cabdiraxmaan Xasan Lixaati
11- C/laahi Cali Axmed
12- Daahir Ibraahim Waasuge
13- Yuusuf Xasan Jeeggo
14- Maxamed Salaad Cali Siyaad
15- Muxidiin Xaaji Cabdi
16- Yuusuf Cali Xaaji
17- Saciid Jimcaale Raagge
18- Shiikh Xasan Dheere
19- Maxamed Faarax Guudlaawe
20- Maxamuud Macalin Ciise
21- Cali Jimcaale Garre Liceey
22- Cabdi Axmed Owfuu
23- Cabdi Maxamed Socdaal Qurux
24- Maxamed Xasan Doolow
25- Axmed Eenow
26- Xasan Cumar Gaab
27- C/laahi Ibraahim Deboosito
28- Khaalid Xuseen Ciidangale
29- Xasan Maxamed Hitiyoow Dheere
30- Muuse Maxamed Waasuge
31- Cabdiraxmaan Ceynte
32- Yoonis X. Maxamuud Shuuriye
33- Xasan Cali Ciise
34- Cabdulqaadir Codka
35- Axmedeey Gaasow
36- Ibraahin Muxudiin Rooble Laddu
37- Nuur Cali Cabdi Hogaan
38- Mahad Maxamed Xasan
39- Cabdixamiid Maxamed Xasan
43- Cusmaan Cali Caraale
44- Nuur Macow Maleele
45- Sheekh Abuukar Sh. Xuseen Cadde
46- Cumar Maxamed Abuukar
47- Saalax Aybakar Maxamuud
48- Cabdulqaadir Xasan Xuseen
49- Xasani Maxmed Cali
50-Cabdulaahi Shaacib
51- Ciise Ibraahim "Deboosito"
52- Ibraahim Calasoow
53- Ibraahim Nuur Cali Jimcaale
54- Cabeey Cali Ciise
55- Xasan Biikey
56- Cabdulqaadir Biille
57- Cabdinuur Cirka Cagoole
58-Cabdulqaadir Direey
59- Muxudiin Cali Tooxow
60-Cabdulrisaaq Cabdulle Siyaad

GEERIDU WAA XAQ


Qoraalkan waxaa diyaariyey
Daa’uud Ciidangale
 

Tacsi Tiriaanyo Leh

TACSI INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN. Anagoo ah weriyayaasha Soomaaliyeed ee dalka Kenya waxaa tacsi tiraanyo leh oo aysan u kala harin bahda warfiyeenada u diraynaa qoyskii, ehelada, asxaabtii, xigto iyo xigaal, intii jecleyd fankii iyo curintii saxbkeen Allaha u naxariistee Abwaan Xasan Maxamed Maxamuud oo xalay 20kii March, saacadu markii ay ahayd 3:30 am saqdii dhexe ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Si gaar ah intii maanta murugada, tiiraanyada iyo ilmada aanu wadaagaynay oo aaska saxbkeen nagala qeybgashay, inta aysan u suurtagelin ee qalbigooda iyo niyadooda ay nala jirtay waxaan leenahay samir iyo iimaan gaar ahaan saxbada aan hurdo iyo harsi ay kala go’een mudadii xanuunka saxbkeen Xasan Jaceyl oo aan ka xusi karo ALI MUSE ABDI, AXMED MIRE, ABDIRIZAK HAJJI ATOSH, MAXAMED XASAN iyo inta kale oo dabcan laga yaabo inay dadaalka dhinacooda ka wadeen balse aan hilmaamsanahay.

NB: Xiligan oo xaalada Xasan qabsatay ay soo wajihi karto qof kasta oo naga mid ah, waxaan dardaarmayaa iskuubni, iskaashi, wadajir, isku gargaarid, iyo is dhayid keena dhiban amaba duruufaysan.

Magacyada Tacsida diraya:
1. Maxamed Gaarane Aadan
2. Tahliil Colaad Xasan
3. Xasan Ciise Cali (Kuuriya)
4. Xasan Sheikh Cumar
5. Xasan Cabdi Fareey (Gentleman)
6. Axmed Xassan Cabdi
7. Aweys Xaaji Maxamed (Aweys Cadde)
8. Yaasiin Ciise Wardheere
9. Ubax Cabdi Cadood
10. Axmed Faarax Idaajaa
11. Cabdirisaaq Xaaji Catoosh
12. Cabdulqaadir Maxamed Mursal
13. Daa’ud Cabdi Daa’ud
14. Ubax Daahir Guure
15. Faarax Maxamed Lamaane
16. Cabdiraxmaan Cumar Cabdi (Soomaali)
17. Sucaad Mire Mohamed
18. Cabdullaahi Axmed Nuur
19. Ahmednuur Maxamed Faarax
20. Suheyba Maxamed Badqas
21. Mohamed Cibaar Diiriye
22. Cabdiqafaar Axmed Shire
23. Jaamac Ayaanle Fayte
24. Aweys Maxamed Nuur Foodey
25. Ayaanle Xuseen Cabdi
26. Liibaan Cabdi Warsame
27. Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani)
28. Mohamed Ibrahim Ayaanle
29. Cabdifataax Xassan
30. Maxamed Cismaan Xabiib
31. Maxamed Ibraahim Nuune
32. Bashiir Axmed Taajir
33. Aadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo)
34. Cabdifitaax Maxamed Cilmi
35. Mahad Cumar Diiriye
36. Cabdicasiis Ibraahim Cali
37. Axmed Cabdiraxmaan Heybe(Gatuuso)
38. Amran Xasan Cabdullaahi
39. Cabdirisaaq Mire Dhoore
40. Cabdiraxmaan Xuseen Furre
41. Cabdiqani Xasanweli Qoorsheere
42. Maxamed Xasan Maxamed (Cirro)
43. Cabdikariin Xasan Guutaale
44. Cabdirashiid Cabdi Axmed
45. Maxamed Cusmaan (Newyork)
46. Axmed Xaaji Xasan
47. Cabdi Maxamed Cabdigaab
48. Cabdulqaadir Cilmi Ciise (Honest)
49. Axmed Cabdisamad Cigaal
50. Cumar Cabdi Xasan
51. Maxamed Yuusuf
52. Siciid Nadaara
53. Cabdisamd Cabdulqaadir Faarax
54. Cabdifitaax Ibraahim Cagayare
55. Faaduma Macallin Abuukar
56. Maxamed Xaashi Tawakal
57. Maxamed Axmed Ilkacase
58. Feysal Caseyr Maxamed
59. Mahad Cumar Diiriye
60. Sahro Cabdi Axmed
61. Fu’aad Maxamed Cilmi Deeq
62. Ismaaciil Xaaji Shakeeti
63. Caluula Nuur Caluula
64. Ibraahim Geedow Cawaale
65. Jaamac Cabdullaahi (Ukun)
66. Cabdifitaax Ibraahim Cagayare
67. Cabdiraxmaan Shariif Maxamed (Taysiir)
68. Sahro Maxamuud Koranto ( Keyf)
69. Jamaal Ahmed Osman
70. Fawsiyo Cumar Barre
71. Ahmed Xassan Qeyre
72. Maxamed Jeeyte
73. Maxamed Cadow
74. Maxamed Xaaji Xasan
75. Axmed Bader
76. Kaafiya Maxamed Xasan
77. Liibaan Cabdi Warsame
78. Xasan Faarax Gudaal
79. Liibaan Cali Tuur
80. Maxamuud Nuur Idaajaa
81. Maxamed Jaamac Faarax
82. Maxamed Cibaar Diiriye
83. Maxamed Xuseen Cismaan
84. Maxamed Cabdi Salaad
85. Saalax Cusmaan Diiriye (Sonna)
86. Ibraahim Maxamuud Jaamac
87. Xasan Nuur
88. Sacdiyo Maxamed Garabeey
89. C/fitaax Shiino
90. Maxamed Salaad Cabdulle
91. Cabdisamad Cabdulqaadir Faarax
92. Faadumo Maccalin Abuukar
93. Cali Muuse Cabdi
94. Maxamed Xasan Maxamed
95. Fartuun Ismaaciil
96. Mursal Quule
97. Najax Maxamed Cali

Cudurdaar: Cafwan, ha la iga raalli ahaado cidii magaceeda aan ilaaway, amaba aan si qaldan u qoray.
Maxamed Gaarane
Nairobi.
 

Mar 12, 2012 Calayaale Calayaale

 

Guddomiyaha Guddga Olmbikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) ku xigeenkiisa Duran Axmed Faarax, xoghayaha Guud ee GOS Cabdullaahi Axmed Tabarbi, Maamulaha xafiiska GOS Maxamed cabdow Xaaji guddoomiyaha Xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed Siciid Maxamuud Nuur, ku xigeenadiisa Cali Saciid Guuleed iyo Cabdullaahi Abow Xuseen, gudoomiyaha kubada lalisa Maxamed cali Cadow, ku xigeenadiidsa Maxamed Ibraahim Muumin iyo Maxamed Abuuar Xiireey, Guddoomiyaha, Xiriirka Feerka Xaaji Mamed Axmed Colow, Guddoomiyaha Xiriirka Karateega Aweys Maxamed Abati, guddoomiyaha Xiriirka kubada koleyga Ibraahim Xuseen Cali Roombe ku xigeenkiisa Maxamed xaaji, Xoghayaha guud ee xiriirka kubada Cagta Cabdi Qani Saciid Carab, Xoghayaha guud ee xiiirka kubada koleyga Siciid Ducaale, Xoghayaha Guud ee xiriirka kubada Miiska Mire Sheekh Cumar, xoghayaha guud ee xiriirka kubada gacanta Nuur Maye cusmaan, ku xigeenada  xoghayaha xiriirka kubada cagta Xasan Maxamed Maxmuud iyo Abuukar Islow Xasan, Guddoomiyaha Ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed Cabdi Casiis Goodax Barre, ku xiggenka ururka saxafiyiinta isboortiga Shaafici Muxuyadiin, dhamaan xubnaha guddiyada fulinta ee xiriirada kala duwan, madaxda ururada isboortiga, ciyaartoyda xiriirada kala duwan garsooreyaasha macalimiinta iyo dhamaan bahweynta isboortiga Soomaaliyeed waxaa ay tacsi tiiraanyo leyh u dirayaan guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Enoow oo galabta hoyadiis Kaltuumo Xasan Xuseen ay ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

 

Alle ha u naxariisto marxuumada caruurtii, eheldadii iyo asxaabtii ay a tagtayna Samir iyo iimaan Alle ha ka siiy AAMIIN AAMIIN

                                         
 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

aduunyo5@yahoo.com
Maxamuud Xasan Cumar
Muqdisho somaliya
002521/5506210
00252699432586


Dreambook: Welcome to Calayaale Page
Sign my Dreambook!
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 

  Read Akhriso


[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com