Beeni Raad maleh

By:

      Qorre-By:- Abdihakim Jama Joje Social Development Adviser
          saicentadv@yahoo.com  Leicester UK 27Jun2010
Ra'yiga Dadweynaha
 27Jun2010 Calayaale

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaaha koonkan abuuray oo ayan jirin cid kale oo xaq lagu caabudo isaga mooyee, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib iga gudooma salaanta islaamka ee Asalaamu caleykum Waraxmatulaahi wabarakaat.

Waxaa waayahan danbe ku soo batay warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan boggaga soomaalida ee internetka been aan loo meel dayin oo lagu been abuuranayo koox ama shaqsiyaad iyagu aan war u heyn arimaha laga hadlayo oo ay dhici karto in magacooda ama sawiradooda si qaldan loo isticmaalo, taasoo kasoo horjeeda xuquuqda caalamiga ah ee u degsan ( Data protection act ) amaba ah wax ku qaldan xaga baniaadanimada ama xitaa islaamnimada ku qaldan. Waxaad arkeysaa bayaan leyska soo qorayo oo la leeyahay nidaam ama maamul buu kasoo horjeedaa lana leeyahay waxa qoray dad ay dhici karto xitaa ineeyan nooleyn oo waa hore dhintay kaliya magacood leyska isticmaalayo. Arintaas runti dhowr jeer ayeey dhacday oo wax xaqiiqo ah in xitaa mootadii lagu been abuuranayo.

Arinti ugu yaabka badneyd ee ummadda oo idil ka yaabisay waa xaflad aroos oo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u farabaddan oo ay ka muuqatay farxad iyo reyn reyn, in sawiradoodii loo adeegsaday siyaasad ahaan, lana yiri waxey kasoo horjeedaan maamul jira. Waa yaab, miyuusan ogeyn ninka qoraya arintaas inta danbi uu galayo. Wuxuu danbi ka galay reerkii arooska iska lahaa, wuxuu danbi ka galy dadweynihii kasoo qeybgalay ee uu sawiradoodii si qaldan u isticmaalay, wuxuu kaloo danbi ka galay saxaafada xuquuqdeeda.

Nabiga (CSW) wuxuu yiri haddii aadan xishooneynin sameey wax alla waxaad rabto. Runtii xishoodku waa shey qaali ah oo haddii aad wax walba iska sameyso waxaa micno beeleysa nolosha qiimaheedii. Waxaa kaloo wax lala yaabo ah boggagan ay cid walba iska furatay oo bilaa hadafka ah, kuwaasoo intooda baddan lagu jahwareeriyo dadka oo ama qabyaalad salka ku haya ama ka shaqeynaya xin iyo isku dir iyo in ay qolo uun dabagalaan. Shaki kuma jiro boggaga Soomaalidu in qaar baddan oo ka mid ah ay ummadda u faaideeyaan oo sharaf iyo tixgalin gaar ah loo hayo, oo xitaa gaaray in marka la doonayo in la hubsado wararka qaarkood layiraahdo bog fulaan iyo bog fulaan ma qoreen arintaas. Taasi waxay ku tusinaysaa miisaanka culus ay bulshada dhexdeeda ay ku leeyihiin. Halka dhanka kale qaarkoodna haddii ay wax walba oo wanaagsan ay sheegaan xitaa cid aaminaysaa aysan jirin, sababtoo ah xumaanta lagu bartay darteed.

Haddaba guud ahaan boggaga Soomaalida waxan kula talin lahaa in ay ilaaliyaan xuquuqda saxaafadda oo warka lasoo tabinayo uu leeyahay meel lasaaro ama ay iska ilaaliyaan war aan iyaganA faaido ugu jirin ummaddana aan wax dhib ah mooyee aan wax kale laga faaideyn in ay soo tabiyaan. Taariikhdu iyadaa is qoreysa oo adduunku maalinba meel buu maryaa, inshaaallaah waxaa la gaari doonaa waqti qof walbaa wuxuu wanaag sameystayana uu heli doono abaalkeeda kan kalena ee xumaanta joogtada faafiyana u heli doono abaal marinteeda.

Ugu danbeyn waxaan halkan kasoo jeedinayaa raali galin iyo canbaareyn wada socda.

Waxaan canbaareynayaa sawiradii sida qaldan loo soo galiyay bogga Al-carab oo ay kasoo qaateen xafladda arooska lagu qabtay Leicester, taasoo aan oran karo runtii waa khalad laga galay bulshada soomaaliyeed gaar ahaan dadkii sawiradooda la isticmaalay iyo waliba labadii reer ee arooska iska lahaa oo meel ka dhac weyn lagu sameeyay, runtiina waa arin aan loo dulqaadan karin.

Sidoo kale waxaan leeyahay haka raali noqdeen dadkii sawiradooda sida qaldan loo isticmaalay oo ay isticmaaleen dad wax magarato ah oo aan damiir laheyn aana garnayn xuquuqda qofku uu leeyahay.

Qoraalkeygi waa iga intaas wixii aan saxay waxay ka sugnaadeen Allaah, wixii aan ku qaldamayna waa nafteyda iyo sheydaan.

Qalinkii

Cabdixakiim Jaamac Jooje.

By:- Abdihakim Jama Joje

Social Development Adviser

Leicester

UK

saicentadv@yahoo.com

 

 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso
Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

_________________________________________________________