Waa ka soo horjeednaa dastuur aan dadkiisa oo dhan u codeeynin in Somaliya mustaqbal looga dhigo!

By:

Mohamed Omar Osman Charman of UNHSE mail:sooraac@yahoo.com
Ra'yi
 05September 2010

U

Ku. Dowlada United State Of America.

 
 

51 Star Flag

 

Ku Dowlada Great Britain 

 

Ku United Nation

Click to show "United Nations" result 15

 

( No other Way to make peace in Somalia but to disarm only ) 

Ku. Dowlada Taagta daran ee Somalia

 

Ogeeysiin in aan ka soo horjeedno oo anan raali ka ahayn, dastuur anaan anaga Somali

ahaan oo dhan u codeeynin in wadankeena lagu dhaqo oo nagu shaciyeeyo.

( We are Somali poeple an we Stronggly Disagree with this Constitution ) 

 

Waxaa wax laga xumaado ah, in dadka Somaliyeed 20 sano wax ka badan u af,duubnaadaan, Kooxo

dana gaar ah leh &Barlamaan ayan soo dooranin.

Gole Barlamaan ku sheeg, oo ayan soo dooranin dadkiisa iyo Dastuur ayan dadkiisa u codeen karin

oo xoog koox gaar ah ay hadba danahooda ku fushadaan.

 

Dastuurka waxaa ka horeeya in mooryaanta Shacabka Xasuuqayaa la Qab,Qabto oo laga uruuriyo Hubka

ay wax ku xasuuqayaan.

 

Somalidu waxay ku maahmaahdaa, ood sida ay u kala koreeyso ayaa loo kala qaadaa.

Sidaas darteed arimaha dadka Somaliyeed & waxa loo qabanaayo cidii ay run ka tahay, waa in ay ka

abaartaa meesha ogu horeeyso ee ku haboon in wax laga qabto. Taas oo ah Hub ka dhigis caam ah, 

dhamaan Somalida meel kasta oo ay ka joogaan gayiga Somaliya.

 

Waa ka soo horjeednaana dastuur aan dadkiisa oo dhan u codeeynin in Somaliya mustaqbal looga dhigo! 

Somalida waxay ku maahmaahdaa, sal fadhiyaa suuf jiida, Qodaxda salka kaaga taagan horta iska bixi.

Ka dibna fariiso oo mida lugta kaaga jirta iska bixi.

Horta Ummada Somaliyeed waa in laga qabtaa kuwa xasuuqa ku haya.

Bal waxaa is weeydiin leh, yaa Dastuurka ku dhaqaysaan? Soo tan Ummadiiba dhamaatay? Oo wax midi lagu

jarjaro & wax Hoobiye lagu dilo ayeey noqdeene?

 

Waxaan si cod oo Qaylo dheer ogu sheegaynaa kuwa masiirka ummada Somaliyeed in ay

luuq kaligood la galaan doonayoow, in arintaasi ay ayagana goor dhow ku soo laaban doonto oo sharciga la

hor keeni doono maalin. Cid kasta oo uu yahay & mabda kasta oo uu watoba.

 

Ogu dabayntii "Somaliya" waxa ka jira maanta, Caalamka yuusan ismoogaysiinin, ee  Xoog milatari Hubka ha looga dhigo

Mooryaanta xasuuqa ku haysa, dadka Somaliyeed. Caruurta Somaliyeed inta hartay sidaas oo

kaliya ayaa lagu badbaadin karaa. ( No other Way to make peace in Somalia but to disarm only ) 

Dadka Somaliyeed maanta talo ma hayaan. Sababta oo ah waa dad jiran oo la jiran nadaam daro & xasuuq lagu hayo.

Dadka jirana waxaa u taliya dadka caafimaadka qaba oo horaa loo yiri, Qof bukoow boqol kuu talisay. 

 

Sidaas darteed Somaliya daawadeeda waa Nabad. Sida nabada ay ku heli kartana waa in gacmaha laga qabto, Xasuuqayaasha

danaha gaarka ah ee foosha xun leh. Sida dantoodaas foosha xun ay ku gaarana jid ka dhigtay, dhiiga Shacabka Somaliyeed.

 

By. Mohamed Omar Osman

world9peace@yahoo.com

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 
                                                 Read Akhriso
              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.co