|
Shirka Kenya, Dhib Hor leh Misa Waa Xal La Huriwaayay.
Waana Fariin ku socoto Shikh Sharif iyo Soomali kasto ee loogu Yeero Makaanka Col Cabdullahi Yusuf.
Waxay Somaalida tiraahdaa "Gacmo Geeleey hoosaa loo dhaqaa"Hadalka waxaa ku jiro in aynan nijaasta gaadida geela aynan gaarin korka intiisa kale. Shikh Shikh Sahriif waa sharaf in ruuxa beni'aadamkaa u istaago gacan qabashada dadkiisa, kol haddii uu isku tebaayo lahaanshaha awood uu wax kaga qaban-karo dhibaatada Soomaali weyn dhan walba ka hareereysay, Ilaahey idinkiis.waana mid diin ahaan nala faray in aan xumaha la dirirno ,wanaagana aan nasri siino.
Ow sheikh Shariifow waxaad magac ku heshay maxaakimti madaxda kaa dhigtay ,haddii magacaada laga tuntayna waxaa ku tuntay isla kuwi codkarnimadaada iyo daacad ummadda Soomaliyeed kuugu tebayso wax ku noqday, isla markaana aad sabarkaada dabool kaga dhigtay ceebo badan oo ay lahaayeen oo goor hore banaanka u soo bixi-lahaa, balsa qadarka ilaahey uu ka yeelay in uu maanta odagi maxaakimta u weynaa Col Xasan Daahir Aweys , Shabkada internetka kaga hadaaqo isaga oo war siinayo wiil afkiisa ay ka bixiweysay adeer "Shikh shariif ,shikh janaqow iyo rag kalaba awalba waan ku tebayay jilcanaan". Ogow odagan Waa aabihi qaar ka mid ah xoogagi kuugu dhihi jiray Amiiral-muuminiin.
Hadaba hor dhac keddib ,qoraalkan geddigiis wuxuu ku jeedaa debandaabyada cusub ee laga aababulayo dalka Kenya oo iyada ah halki laga soo abaabulay Col Cabdullahi Yusuf iyo ardaydiisa(DFKM iyo Balamaanka DFKM) ,Soomalina ay ka dheragsan-tahay dhibatada ay ka geysteen waddankeena iyaga iyo isticmaarka ay waddankeena ugu yeereen in uu ka howl galo, iyagana garab ku siiyo dulmi ,isagana(Milis Sanawi) sidaa ku helo danahi uu in badan ka fiirsanayay geyiga soomaliyeed.
Shirkan weli nikaxa lagama jarin, laakin qabashadiisa ka hor waxaa nagu soo dhacayo hadala badan oo loola jeedo sida muuqato, tijaabinta ummadda Soomaaliyeed iyo waxa ay aqbali karaan ugu yaraan, wallow aynan sina u muuqan ragga u xilsaaran howsha qabashada shirkan in ay ku jiraan rag,dowlado iyo hay'ado haba yaraatee ku maqan danta ummadda Soomaaliyeed.
Haddaba hadalka wuxuu ku godan yahay ,haddii waqtiga loo dheereeyo Col Cabdullahi Yusuf iyo jameecadiisa oo awalba jiritaankooda laga soo asaasay dalka Kenya,howsha waa sideedi iyo jug jug meeshiina jooga, dhiigiinana sidiisa iyo si ka badan ayaan doonaynaa in uu u daato, taa iyo sidi looga bixi lahaana waa mid ummadda Soomaaliyeed u taalo.dhinaca kale, Haddii la bedalo madaxa DFKM sida beryahanba mediyaha isaga soo daba dhacayso, waa arrin cusub oo sida laga yeeli karo ummadda Soomaaliyeed uga baahan ka fiirsi badan, waa marka ay bedalaadaas weheliso ku dhawaaqida in ay Ciidamada Xabashida dalkeena isaga baxayaan. haddii aynan bedaladaas wehelin xabashi waxay waddanka Soomaliyeed ka baxaysaa maalin hebel,bil hebel iyo waqti go'an oo ku cad qoraalada shirkaas ka soo baxayo ,howsha shirkaas bilowgiisa iyo dhamaadkiisa kama duwana kii Mbagathi ,ninka
la keenana waa Col Cabdullahi Yusuf kale oo lagu adeeganayo, loona adeegsanayo fulinta dana xoogan oo ka soo horjeedo danaha ummadda Soomaaliyeed gebi ahaanba..
Aan u noqono haddii lagu dhawaaqo waqtiga ay xabashi baxayso,madaxa Dowladana la bedalo ,Soomaliweyn waxaan kula talinayaa in ay qoriga dhinac is ka dhigaan ,kana shaqeeyaan sidi mar kale dib loogu soo unki lahaa Dowlad Soomaaliyeed oo soo celiso haykalki dowladnimo , haddii la helo tan danbo ,cidi ka hor-timaado dowladaas waxay u muuqanaysaa si cad koox ka soo horjeedo Dalka Soomaaliyeed oo nabad ka dilaacdo.
Talooyin iyo fariimo ku socdo Soomaali wax garadkeeda iyo cid walbo oo u taagan dalkeena oo dib lugihiisa ugu istaago, waa in ay dhamaan kooxaha siyaasadeed iyo diimeed ee dalkeena Soomaliya ka jiro ku dhiirigelisaa daadinta dhiiga Soomaliyeed in uu ku ekaado intaan ,waa in ay kooxahaas ku war geliyaan in ay nabad la helo asaas u tahay hergelinta shareecada Isslamaaka ,dowlad tiirarkeeda adag yihiin iyo helitaanka xaakim caadil ah oo aan dadkeena iyo dalkeena u caleemo saarno.
Fariin Shikh Shariif si gaar ah ugu socoto, waa in aad ogaato ,sumcadaada oo aad dhab u weyso in ay tahay adiga oo aqbalo makaanka Col Cabdullahi Yusuf ama wasiirka kowaad ee dowlada dib loogu soo xardhayo Kenya iyada oo aanan lagu dhawaaqin in ay Dowladaas tahay mid adeegeeda ku xiran yahay, xabashi oo isaga baxayso waddanka Soomaaliyeed waqti ku cad ajandayaasha shirkaas looga hadlaayo, doorasho madaxtinimo ka hor.
Waddankeena waxay nabad ka dilaaci kartaa oo kaliya in nijaasti xabashi iyo ragi soo hor kacay hoos loo dhaqo si aynan nijaastooda u gaarin dadka Soomaliyeed.
Shikh Shariif waxaad ku jirto imtixaan natiijadiisa ay na barayso, Adiga ma nin jilcan baa tahay, misa amiir dhab ah oo ciidanka xabshida dalkeena ka saari doono ,Soomalina u hor-kici karo dalkooda oo mar kale nabad ka islaaxdo,Ilaahey idinkiis.24\10\2008
Abdullahi Moallim Mahamud
(Cabdullahi Siyaasi}
Moallem10@hotmail.com |