Anigoo ku hadlaaya magaceyga iyo kan Jaaliyada Soomaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga Ameerika, gaar ahaan gobalka Minnesota ee wadanka Mareykanka, intooda ka gudubtay xumaanta iyo is-xasidka Soomali dib u dhigay ee u gudubtay Soomalinimo iyo jaceyl qaranimo Soomaliyeed, waxaan si diirin u soo dhoweynaynaa una taageeraynaa hadal haynta saxaafada gudaha ay 24tan-kii saac ee la soo dhaafay leysla dhex maraayo.
Hadal hayntaas oo ah in saacadaha soo socda in xilka guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdishu loo magacaabi doono Xildhibaan Maxamuud Ahmed Nuur (Tarsan) oo ah aqoonyahan qurba joog ahay muddo dheer iyo Ciyaaryahan Kubadda Goleyga ( Basket Ball) ka gaaray heer Qaran, wuxuuna Mudane Tarsan u safan jiray 1980s naadigii la oran jiray " Soomalita".
Runtii aqoon hooseed durugsan u malihi Xildhibaan Tarsan, balse Soomalida qaarkeed waxay ku mahmaahdaa qofkii aad hal beri ku baran-weydo, bilo badan kuma aad baratid, sidaas awgeed Xildhibaan Tarsan waxaan bartay horraantii sanadkii 1980kii asagoo u ciyaara naadiga aan magaciisa kor ku soo xusay, aniguna aan xilligaas u safan jiray Naadigii kubadda Goleyga ee la oran jiray Wagad ama " Fiat".
Aqoonta kale ee aan u leeyahay Mudane Tarsan waxay tahay halkii sano iyo barkii la soo dhafay waxaan iskala tirsaneyn Baarlamaanka KMG ah ee Soomaliyeed, waxaanna isla deganeyn Xamar Naasa Hablod two qol.# 213 iyo qol.#214, balse fasax caafimaad ayaan Xamar uga soo baxay bishaan Juulyo 1st, 2010.
Arag tideyda, Xildhibaan Tarsan waa muwaadin Soomaliyeed oo ku haboon in uu xilligaan adag qabto xil culus si loo badbaadiyo Dalka, Dadka iyo Diintaba, sidaas daraadeed, ayaan u soo dhoweynaynaa una taageeraynaa, haddii loo magacaabo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho.
Haddii ay dhab noqoto magacaabista Xildhibaan Tarsan, Xamar waxay helidoontaa Guddoomiye la mid ah Guddoomiyihii hore Mudane Mohamed Cismaan ( Dhagax-tuur) oo heer Muqdihsu ka kasbaday sumcad fiicin muddaddii uu haayay xilka Gobalka Banaadir, halka kuwii Maamulka G/Banaadir uga horreeyey Mudane Dhagax-tuur loo haysto dambiyo xun xun oo ay ka galeen Dalka iyo Dadkaba balse lala sugaayo maalinteed.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.