XILDH. GHEDI "DOWLADA SHEEKH SHARIIF OO SI XOOGAN UGU GACAN HAATINEYSA HAWEENKA SOOMALIYEED "
Ilo wareedyo ilaa xad lagu kalsoonaa karaayo kana soo baxaaya, Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ( 3 Sh.), ayaa xaqiijinaaya inuu jiro, barnaamij cusub oo ku wajahan dhiiri-gelinta haweenka Soomaliyeed, inay ka mid noqdaan mas'uuliyiinta loo magacaabaayo xilalka dalka ugu muhiimsan, taasoo la filaayo inay meesha ka saari doonto cabashadii haweenka soomaaliyeed oo aheyd " haweenka Soomaliyeed lagama tixgelin dowladaan uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo dowladahii ka horreeyaba laga soo billaabo1960kii oo aheyd markii ay Soomaliya heshey madax-bannaanideeda". Wararku waxay intaas, ku daraayaan inuu Xafiiska Madaxweynuhu uu xirgelinta barnaamijkaan iyo kasii baaran-degidiisaba u gudbiyay xafiiska ay toos u quseyso arrintaan oo ah xafiiska Ra'iisul Wasaaraha dowlad federaalka ku meel gaarka ah ee Somaliya Mudane Professor Abdiweli Moh'ed Ali Gas. Dhinaca kale, waxaan Wax lala yaabo noqon doonin, haddii shaqsiyaad ka mid ah ragga Soomaliyeed uu yara " hinaas taabto" oo ay is-weydiiyaan su'aal ah maxaa xilligaan loola jeedaa barnaamijkaan cusub?, iyadoo weliba ay dhici kareyso in ragga qaarkii uu qabi karaayo shaki ah , amaa 20 sano ka dib raggii laga niyad jabey oo ay dowladaan FKMG ah ay dooneysaa inay tijaabiso gabdhaha Soomaliyeed kuwooda lagu tuhunsan yahan aqoon,daacadnimo, iyo karti, maadaama ay weligoo dumarka Soomaaliyeed ay kadab-ranaayeen (limited) Siyaasada dalka laga soo billaabo 1960kii. Sikastaba arrinto ahaatee, maadaama labaatankii (20) sano ee la soo dhaafay siyaasada Soomaliya, qolaba mar lagu tijaabinaayay, barnaamijkaan cusub ayaa noqo naaya oraah-dii ahay " colka waraf ma lagu dayey", aniga ka qof ahaan, waxaan aaminsanahay inay gebdhaha Soomaliyeed ee waxbartay inay ragga Soomaaliyeed badidiis ayka daacadsan yihiin kana ay wadanisan yihiin, sidaas awgeed haddii dumarka Soomaliyeed xil loo magacaabo, fadlan daacad ha loola shaqeeyo oo halaga fogaado naceybka ku saleysan caado duugowday oo aan qiil loo hayn ( prejudiced) Dowladan uu hoggaaminaayo Madaxweyne Mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo si xoogan ugu gacan haatineysa haweenka Soomaliyeed ee wax ku oolka ah, meelkasta oo ay jooganba gudaha iyo qurbahaba. Xildh. Moh'oud Ghedi Aw Hilowle Rochester, MN. Written by Administrator editorial@calayaale.com Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir 24saac . If you have a minute, please sign my Dreambook too! Xafiiska wararka caalamka iyo soomaliya Calayaale Media Center Contact:editorial@calayaale.com Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.
|