ROCHESTER: DALKA WAXAA LA DEGEY DAGAALO QABIIL, DAGAAL OOGAYAAL, KUWA QUR'AANKA KA BEEN-SHEEGAAYA, HADANA WAXAA U SOO QALAB-TUMANAAYA QAA'IMIIN QALINKA SI FIICAN WAX UGU QORI-YAQAAN..
By:
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota jowhar53@hotmail.com.

Ra'yi
 09Decem2010
Somalida intooda nabada jaceyl iyo beesha caalamkaba, waxay rejo wanagsan ka qabaan, inay xukuumada cusub ee uu hogaaminaayo Ra'iisul Wasaare Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ( Farmaajo), inkastoo ay hor-yaalaan xukuumadaan cusub, car-qabado ad'adag sida dimbiilayaan Ajnabiyaal ah oo dalka ku soo duulay, kooxo Soomali ah oo aad ugu taqasusas sida xukuumad dhisan loo rido, ayaa misana Somalida Nabada jaceyl iyo Beesha caalamku, ayka qabaan rejo fiican Xukuumadaan cusub, inay wax badan dhaami doonto dhammaan xukuumadihii ka horreeyey, marka laga reebo xukuumadii Prof. Ali Mohamed Ghedi oo ku dhowaatay gacan ku dhigista dalka oo dhan.

Ammaanta xukuumadaan cusub, waxaa iska leh Madaxweyne Mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo ku dhiiraday fursad siinta aqoonyahanada Soomaliyeed ee qurba joog-yaal ahay , muddo badanna dalka ka maqney, oo uu ugu horreeyo R/W Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed iyo golihiisa Wasiirada oo ka kooban 18 Wasiir, 18 Wasiiro-kuxigeeno iyo 9 Wasiiro-dowladayaal, ammaantaa mid la mid ah waxaa leh Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Hassan Sheekh Aden iyo Xildhibaanada Baarlamaanka oo is-jiid jiid yar ka dib ansixiyay xukuumada Ra'iisul Wasaare Farmaajo. Intaas ka dib.


Marka laga reebo muddada yar ee ay jirtay xukuumadaan cusub, wixii ka horreeyey dalka waxaa la degey dagaal qabiileed doqonimo, iyadoo beelaha Soomaliyeed qaarkood ay horrentii 1990kii ay damceen inay qabiil ku noqdaan qaran Soomali metela, riyadaas maalmeed wey-socon-weyday ( day dream), waxaa xigay dagaal oogayaal ( warlords) dalka oo dhan taako taako isu muuqata isbaarooyin dhigtay dadkana aad ugu dhibi jiray, iyaga oo ku qaadan jiray isbaaro kastaba lacag baad ah ( excessive check points).

Dagaal beeleedyadii Hore iyo dagaal Oogayaalkii, dalka iyo dadkaba waxay u geysteen dhibaatooyin waa weyn, sida dhiig badan oo ay daadiyeen, xoolihii dhidiga ahay oo ay dibada u iib-geeyeen, geedihii qoyaney iyo Ugaartii dalka oo ay debar gooyeen, dalkii oo ay kala qo-qobeen, iwm.


Haddana waxaa dalka, dadka iyo diintaba ku haaya dhibaatooyin wax badan ka xannuun badan, dhammaan dhibaatooyinkii horey loo soo marey, kooxo Diinta Rabbi ka been shaagaaya, kooxahaan oo isugu jira Ajnabiyiin ku xiran argagexisada caalamka oo dhan gil-gishey iyo Soomali aan lahayn damiir dadnimo oo loo adeegsado fulinta falalka fidnooyinka argagexisada caalamiga ah sida isqarxin, gowricid qof aan waxba galabsan, gaalo ku sheegid dad Muslim ah, qanimaysi dumar iyadoon aan qiil loo hayn, qabriyo faagitaan ku cusub adduunka oo dhan iyo dhowr shidoo kale, waxaa rejo fiican laga qabaa inay dowlada FKMGS iyo shacabka dhibanaha ah ee Somaliyeed iyaga oo iskaashanaaya ay dhowaan kooxahaan qariban dalka oo dhan laga xoreyn doonaan, laakin sa'aasha taagan waxay tahay maxaa xigidoona??.

Sida aayu, saadaalinaayaan Soomalida 19kii sano ee la soo dhaafay ku soo dhex jirtay silica iyo saxariirta subax kastaba taagneed, waxay aaminsan yihiin inay dhowaan dhammaan doonto shidada qoriga, laakin ay bilaaban doonto shido hor leh, shidaddaas waxaa horseedi doona qaa'imiin qalinka si fiican wax ugu qori yaqaan oo weliba qoorkood ay haystaan Shahaadooyinka loo yaqaano PH. D., iyadoo weliba ay u dheer tahay qaa'imiintaan waayo aragnimo maamul dowladeed iyo mid NGO-ba.

Aqoonyahanadaan lagu yaqaan wax is-dabamarsiin iyo (afka buuxso), qaarkood waxay dalka ka soo qabteen xilal sar sare xilligii ay dalka ka talinaysay dowladi Militeriga aheyd ee uu hogaamin jiray Alaha unaxariistee marxuun Gen. Mohamed Siyad Barre, qaarna waxaa la arkey daacadnimo-darradooda 19-kaan sano oo uu dalku ahay isku dhex-yaac iyo qaar labada xilliba ka dhex muuqday masraxa Siyaasada Soomaliya iyo mashruucyada loo yaqaan NGOs.

Micnaha ulama jeedo dhammaan aqoonyahanada Soomaliyeed, ayaa xun oo waxaan qiyaasaayaa inay 90% inka badan ay yihiin wadaniyiin daacad u ah dalkooda, dadkooda iyo diintooda, laakin waxaa horey loo yiri ( hal kallun ayaa Wabi dhan qur-miya), waxaa jira shaqsiyaad tiro yar oo isku xiran, watana magaca aqoonyahannimo, isla markaasna aad uga dhex muuqday masraxa siyaasadeedka Soomali laga soo billaabo 1980s ilaa hadda, kooxaan yar waxaa loo yaqaan Maafiya ( Mafia).


Marka ay dhammaato isku muquuninta qoriga, Soomalidu waa inay ka digtoonataa koxdaan Maafiyada ah, iyadoo aad loo hadal haayo inay kooxdaan yar ay olole adag ugu jiraan sidii ay ku hano lahaaayeen hogaanka dalka marka ay dhammaato isku muquuninra qoriga.


Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.
 

aduunyo5@yahoo.com
Maxamuud Xasan Cumar
Muqdisho somaliya
002521/5506210
00252699432586

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   


Dreambook: Welcome to Calayaale Page
Sign my Dreambook!
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 

  Read Akhriso


[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com