XILDHIBAANADA XEERKA QARAN JIBIYOW JOOJIYA XAWLIGA XUMAANTA AAD WADAAN OO XUSUUSTA XILKII AAD U DHAARATEEN.

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 11April2010
 

Iyadoo uu Xildhibaan kasta ee ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah uu ku dhaartay in uu wax-kasta ka hor marin-doono danta Dalka, Dadka iyo Diinta,  isla markaasna uu dhowri-doono Dastuurka dalka uyaal  iyo xeer hooseedka Baarlamaanka, ayaad moodaa inaysan Xildhibaano badani aysan ka dhabeyn dhaartii ay horey u mareen.
 
                
 alt 
 Waxaan Shacabka Soomaliyeed oo tiradiisa lagu qiyaaso labo iyo toban milyan ( 12, M) aan qaban inay dhegahoodu maqlaan, is-qab qabsiga ba'an ee ka dhex aloosan xubno ka mid ah 550-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka kMG ah.

 
Waxaa-na ah, wax  aad looga naxo Xildhibaano, iyagu jabiyay xeerka qaranka oo aan ka qeyb gelin hal kulan Baarlamaan,  sidii  wadanka  Djibouti loogu soo yagleeley dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed bishii Janaayo sanadkii 2009kii, Xildhibaanada wada qaska iyo qaylada aan qiilka loo hayn waxay u badan yihiin kuwii  diiday inay cagahooda dhigaan  caasimada Soomaliya ee Muqdisho oo ah meesha loo iclaamiyey inay tagaan dhammaan Xildhibaanada  Baarlamaanka KMG ah, muddo laga joogo 16 bilood.
 
Xildhibaanadaan u badan dibad joogayaal, kana war-wareegta tegitaanka meesha loo iclaamiyay inay ahaato xarunta Baarlamaanka  KMG ah, ayaa waxaa ka mid ah waxa  ay ku andacoodaan " shir guddoonka Baarlamaanka ma uu qabayo kulamo ay Xildhibaanada Baarlamaanku  kaga doodaan xaalada dalku ku jiro iyo wax la mid ah". anigoon daafacayn shir-guddoonka Baarlamaanka waxaan goob-joog u ahay bartamihii bishii December sanadkii 2009, in  uu dhowr jeer shir guddoonka Baarlamaanku uu iclaamiyay shirar inay isugu yimaadaan dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka, balse bishii December oo kaliya seddex ( 3) jeer ayay soo xaadiri-waayeen Xildhibaano buuxiya Kooramkii oo baahnay ee shirku ku furmi lahay, sidaas darteed, shir guddoonkii  dib ayuu u dhigay kulamadii markii uu buuxsami waayay kooramkii, eeda yaa leh?.
 
Xubnaha xeerka qaranka jibiyow, joojiya xawliga xumaanta aad wadaan oo xusuusta xilkii aad u dhaarateen oo ahay inaad wax kasta ka hor marineysaan danta dalka, dadka, diinta  iyo sidii loo samata bixin lahay Soomalidaan ka daashay silica iyo saxariirta labaatan jirsatay.
 
Xubin kasta ee loo dhaariyay xil qaran, waa inay ogaataa dhibka maanta, shacabka Soomaliyeed  haysata, inaan lagu jirin xilligii lagu fikiri jiray, dumi xukuumada maanta dhisan, waa intaasoo xukuumada  la soo dhisi-doono aad ka heshaa derajo iyo dan kuu gaar ah.
 
Gabagabadii iyo gunaanadkii, waa qiraayaa inay jiraan waxyaalo badan oo ay Xildhibaanada Baarlamaanku isku khilaafsan yihiin, laakin xalku kuma jiro isqab-qabsi iyo qalabka warbaahinta  oo leyska  dhaleeceeyo, ee waxaa xalku ku jiraa in lagu kala boxo xeer hooseedka Baarlamaanka, haddii xeer hooseedka lagu kala bixi waayana, waa in waxa leysku haysto loo gudbiyo labada ( 2) hay'adood ee ugu sarreeya dalka,   sida :- hay'ada fulinta ( Executive branch iyo Maxkamada sare ( Supreme Court branch), waa haddii ay hay'ada shirci dejinta ( lagislative barch-gu)  ay iska-xalin-waydo dhexdeeda.
 
 
Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
     Jowhar53@hotmail.com
     Rochester, MN.


Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.

 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir