Xaaska uu qabo Barack Obama oo ah musharraxa xisbiga dimoqraadiga ee madaxtinima dalka Mareykanka ayaa waxaa ay shir ku qabatey magaalada Rochester ee gobalka Minnesota taariikhdu markey aheyd Isniin October 13, 2008. Halkaas oo ay isugu soo baxeen taageerayaalka xisbiga Dimoqraadiga oo aad u buux dhaafiyey halkii shirka lagu qabanaayay oo aheyd Rochester Civic Center.



Michele Obama, waxay u sheegtay ka soo qeyb galayaalkii kulankaas in haddii Seyedkeeda loo doorto madaxtinimada Aqalka Cad ee Mareykanka bisha November 4th, 2008 uu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka aduun-weynaha ka aloosan, dibna u soo celin doono sumcaddii Mareykanka, waxna si deg deg ah uga qaban doono dhaqaalaha jiha-warersan ee Mareykanka iyo shaqa la'aanta bahsan.
Taageerayaash Xisbiga Dimoqraadiga ee ka qeyb galay kulankaas waxaa ka mid ahay Md. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle oo ka mid ah odayaalka ugu caan-san magaalada Rochester ee gobalka Minnesota iyo Md. Abdulle Hassan Nuurow oo ah Siyaasiga mustaqbalka ee gobalka Baanadir.
Dhinaca kale, jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool magaalada Rochester, marka laga hadlaayo doorashada Aqalka Odayaalka ( US Senate) waxaa aad loo hadal haayaa Senator Norm Coleman oo ka socda xisbiga Jamhuuriga ( Republican) oo laga soo doorto gobalka Minnesota, sida la sheegaayo Senator Norm Coleman wuxuu u ololeeyaa sidii wax looga qaban lahay dhibaatooyinka kala duwan ee ka taagan adduunka, gaar ahaan tan ka taagan geeska Afrika qaasatan Soomalia iyo Dafur, Sudan.
Senator Norm Coleman wuxuu dhowr billod ka hor Jaaliyadda Soomaliyeed kulan( hall meeting) kula yeeshay Hotel La Quinta ee magaalada Rochester, wuxuuna Jaaliyadda Soomaaliyeed u sharraxay qorshayiisa mustaqbalka, haddii dib loo doorto November 4th, 2008.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.