MAX'UUD GEEDDI: MADAXDEYNUHU CAANO DAATEY AYUU DABA QABTAY

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 18 May 2010
 
Kalfadhigii golaha Baarlamaanka KMG uga furmey golaha shacabka taariikhdu markey aheyd Axad bisha Maay 16, 2010, waxaa ka dhacey laba (2) khalad oo iska daba dhacey saacado gudahood,  khaladkii ugu horreeyey wuxuu ahay markii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheikh Aaden Madoobe, maalintaas ay Xildhibaano tiradoodu kor u dhaafaysay 300 Xildhibaan  aay ku sameeyeen buuq, sawaxan iyo foori  aanan kala go' laheyn, taas oo ugu danbeystii ku kaliftay Sheikh Aadan Madoobe inuu isaga tago Hoolkii uu ka socday kalfadhigii Baarlamaanka KMG ah, markii uu baxayna aay doorteen Guddoomiye cusub oo ah ku meel gaar, balse ay ka haboonnan lahayd in arrinta loo gudbiyo Maxkamada Sare, maadaama muranka  taagan uu ahay waqtigii wuu ka dhacey shir guddoonka iyo kama uusan dhicin.

 
Khaladka labaad, wuxuu dhacey markii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shiiq Aadan Madoobe uu tagey gurigiisii, asagoo careysan uu yiri "  Xukuumada Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, baarlamaanka ayaa u codeeyey waana ay dhacdey Xukuumada R/W Cumar C/rashiid", laakin sida ay caddeynayaan dhammaan goob joogayaashii kalfadhigaas, xitaa lama soo hadal qaadin Xukuumada R/W Cumar C/rashiid intii la joogay kalfadhigaas Baarlamaanka KMG ee dhacey Maay 16th, 2010.
 
Sida aay aniga ila tahay, arrintu waa khalad, khalad ku sax, iyadoo looga gon-lahay, in qar laga tuuro Qaranimada Somaliya oo hadaba aan cago badan ku taagneyn, balse haysata aqoonsiga caalamka oo dhan,  marka laga reebo Eritrea-yada  ka takooran adduunka dhan.
 
Sikasta arrintu, ha ahaatee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sheekh Maxamuud, ayaaa qaatay go'aan geesinimo leh oo uu ku badbaadinaayo jiritaanka qaranimada Soomaliyeed iyo haykalka dowladnimo, isagoo arrinta ka dhigay Caano daatay dabadoodaa la qabtaa, waana uu ku ammaanan yahay Madaxweynuhu go'aanka adag ee uu qaatay, sida ay isku raacsan yihiin Soomalida jeceyl dowladnimo iyo kala danbeyn cadaalad ku dhisan.
 



 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.
 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir