|

DHIBKA IYO FOWDADA JOOJIN-WEYNAYE MADAXWEYNUHU HAKALA
DIRO XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA KMG AH.
By:
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester,
Minnesota jowhar53@hotmail.com.
Waxaan aad u soo dhoweyn lahay haddii uu ka dhabeeyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, kala dirida Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku faana fowdada, ficil-tanka raqiista ah iyo ilaalinta dana-hooda gaarka ah oo qura, iyadoo uu shcabkii Soomaliyeed oo ay metalaayeen uu yahay 98% mid dhintay iyo mid dhiban.
Marka aan soo dhoweynaayo kala dirida Baarlamaanka hadda jira, waxaan xubin ka ahay Baarlamaanka aan soo dhoweynayo in lakala diro, waayoo kursigeyga oo aan waayo, waxaa 1001 ( kun iyo kow jeer) iiga xannun badan dhibka iyo rafaadka haysta shacabkii Soomaliyeed ee aan u dhaartay inaan wax-kasta ka hor marinaayo dantooda, tan dalka iyo diinta bishii January 6dii, sanadkii 2009kii magaalada Jabuuti, wadanka aan walalaha nahay.
Dhowr asbuuc muddo laga joogo, ayaan websidyada dalka ugu afafka dheer qaarkood u qeybiyay Maqaal uu ciwaankiisu ahay" Xildhibaanada Xeerka Qaranka jibiyow, joojiya xowliga xumaanta aad wadiin oo xusuusta dhaartii aad marteen" laakin waxaad moodaa inuu codsigaas ku dhacay dhego dabeysha u duleela, oo uusan ku dhicin dhego laab u duleela.
Iyadoo xilligaan uu shacabka Soomnaliyeed ku jiro dhibkii abed ugu xumaaye ee soo mara, ayay nasiib darro tahay inay xildhibaanada qarkood ku firikiraan ficiltan raqiis ah, qaar kalana ay meelaha lagu fadhi ku diriro ay ku faanan Dowladdii Madaxweyne Abdullahi Yusuf oo wax badan ka xoooganeed tan maanta jirtay, ayaan maalin cad kala dirnay ee tan maxay nala tahay anaga iyo wax la mid ah.?.
Su'aashu waxay tahay, Xildhibaanada Baarlamaanka ma waxaa loo dhaariyay in ay dumiyaan dowlad kasta ee la dhiso iyo shir guddoon kasta ee Baarlamaanku yeesho, mise waxaa loo dhariyay inay samata bixiyaan shacabkaan labaatan ( 20) sano la daalan dhacaayay dhib dhibka kale ka siidaran?
Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.
Welcome to Calayaale
Page
Sign kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Read
Akhriso
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
 
|
|