ABUURAHA LA QODAAYO QOOMAMAA KA DANBEYN.

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 29 Mar 2010
 
Iyadoo labaatankii ( 20) sano ee la soo dhaafay, ayaa waxaa ka dhacaayay Soomaliya ficilo midba  midka kale uu ka sii xun yahay, kana sii xanuun badan, kuwii horey loo arki jiray sida naf bini'aadam oo aan waxba galabsan  qoorta ka goyn, gaaleyn dad muslimiin ah, is-qarxin ( suicide), qanimeysi haween xaasas ah oo  laqabo, qanimeysi guryaha qurxoon, gacmaha iyo lugaha ka goyn dhalinyarada ka hor timaada fidinta Diin beenedka ay wadaan diin-xumayaal Soomali ah iyo dimbiilayaal Ajnabiyiin ah oo dalalkii ay u dhasheen ka soo galay dimbiyo cul-culus oo waliba qaarkood ayku jiraan liiska Argagixisada caalamiga ah, qaracan iyo qiso  cusub oo ah qoditaan  qabuuraha  ay ku aasan yihin mashaa'ikhdii qeybta weyn ka soo qaadatay fidinta diinta Islaamka  iyo la dagaalinkii gumeystayaashii kala duwaney  ee soo marey Soomaliya  sida Ingiriiskii iyo Talyaanigii.
 

Ficiladan waxuush-nimada ah ee kor ku xusan, oo uusan horey u arkin una uusan maqal fac-kasta oo nool, waxay ka dhacaan guud ahaan Soomali, gaar ahaan 75% waxay ka dhacaan koofurta Soomaliya gobalada ay degaan beelaha ku abtirsada USC-da, 25% kalana waxay  ka dhacaan gobalada Puntland, Bay iyo Bakool, Gedo, Jubooyinka iyo Somaliland iwm.
 
Maanta dhibaatada ka socota Soomaliya 75%-kiiba, waxay haysataa beelaha ku abtirsada USC, waxaadna moodaa in USC-da  laga  aar-gudaayo nabsiyo ay horey u gashey, waayoo sanadkii 1991kii, waxay ku guulaysatay inay xukunkii ka tuurto taliskii  Militariga ahay ee uu hogaamin jiray Alaha unaxariistee marxuum  Ex-Madaxweyne Gen. Mohamed Siad Barre.
 
USC-du, markii aay riddey xukuumadii Militariga aheyd, waxay aheyd in ay fahamto fursadii qaaliga aheyd ee xilligaas gacanteeda ku jirto, waxayna ahay inay  marka hore iyadu wax isu quudho, isla markaasna Soomalida kalena loo  ogolaada saamiyadii ay lahaayeen  iyo xush-maddii ay mudnaayeen, maadaama wadanka lawada leeyahay, laakin USC-du, wey-garan-weyde-fursadaas qaaliga aheyd,waxayna arrintii la mid noqotay mahmaadii oraneysey  "Duke waalee-yahay nasiib uu ku halo haruub caano ah, laakin malaha nasiib uu ku cabo"
 
USC-du, waxay karaamo dhacday, haddey noqon lahayd mid  sumcadeed iyo  mid Ciidanba, isla sanadkii 1991dii bilowgiisii, markii iyadoo laga sugaayay inay isu keento Soomali oo dhan, ay iyadu si doqonimo ah dhexdeeda u dagaashey, wixii xilligaas Hub muqdisho yiilna ay ooda isaga qaaday, dagaalkaas USC-DU  waxay isaga dishey  kumman-yaal qofood oo ka dhex muuqan jirey bulshada Soomaliyeed qeybaheeda kala duwan, dagaalkii markii uu socda afar (4) bilood ayaa leysku daalay, sidaas ayuuna ku joogsaday dagaalkii doqonimo, ha yeeshee dhibkii lagama deyn danyartii ka soo jeeday beelaha ku abtirsada USC, dadkii ka soo jeeday qoomiyadaha Banaadiriga iyo Beelihii laga tirada badney, dhibaatooyinka ay la kulmeen waxaa ka mid ahay Isbaarooyin isu jiray boqol boqol 100/100 tilaabo oo ay dhigteen dagaal oogayaashii USC, iyadoo Isbaarooyinkaas la dhigay dhammaan dhulkii ay ka talineysay USC-du, ganacsatadii USC-da oo Raashin dhacay iyo Daawo dhacday ka iibisay danyartii ku nooleed dhulkii ayka talinaysay USC, danyarta waxaa intaas  u dheeraad dagaalo goos goos ah oo aan lahayn  dhammaad.
 
Dhibaatooyinkaas, faraha badan ee soo tixnay ilaa labaatan (20) sano, waxay nugul ( vulnerable) ka dhigeen geesiyaalkii USC-da, laakin wixii ka danbeeyay, markii la maqlay Qabuura faagista xad gudubka ah ee sida xooga leh uga socota deegaanada USC-da, waxaa soo ififaala baxaaya dib u midow USC-dii kala tagtay 19 sano ka hor.
 
Sababta, keentay  dib u midowga USC-da waxay tahay, iyadoo ay USCdu, 98%kiiba ay tahay Dariiqadaha suufiyadaha isla markaasna aad u xushmeeya mashaa'ikhdii soo diin bartay  kuwooda nool iyo kuwooda dhintayba.
 
 
Sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid ah hor-joogayaalka Herta careysan oo ku sugan caasimada Somaliya ee Muqdish,waxay ii sheegeen  inay ku jiraan diyaar garowgii ugu danbeeyay iyagoo uruursanaaya wixii Agab dagaal ee ay heli karaayaan sida  Seefo, Warmo, Falaaro Mariid leh, qoryaha fufudud, kuwa culus iyo waxkasta oo ay heli karaayaan oo ah agab dagaal.
 
Dhinaca kale waxaa la sheegayaa inay qurbo joogtii Soomaliyeed ay  seddexdii ( 3) biri  la soo dhaafay dad badan oo ka dhiidhiyay, waxa ka dhacaaya koofurta Soomaliya, gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdisho inay dib ugu laabteen dalkii hooyo, iyadoo la sheegaayo dadka ku laabtay gudaha Soomaliya inay ku jiraan 32 sharkaal oo u badan Korneylyaal caan ku ah xeeladaha dagaalka, warku wuxuu intaas ku daraayaa inay Saraakiishan ku laabatay Xamar inay DKMG   kala tashan doonto qaabka loo wajahaayo dagaalka?.

 
Sikastaba ha ahaatee, haddii uu hirgalo ololahaan dib u midowgan  ka dhan ah Qabuura qodatada ka dillaacday koofurta Soomaliya, waxaan shaki ku jirin in uu qoomamo badi-doono, qabuuro qodatada ay gadaal ka riixaayaan ajnabiyaalka  dimbiilayaasha ah ee ku soo duulay Sooomaliya, ee aan dhowrno inta laga dhawaajinaayo Buunka-colaada oo ay caan ku tahay USC-da Xamar.
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.


 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.
 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir