ROCHESTER: BEELAHA MUDULOOD, HARTI DAAROOD, BANADIRI IYO DIGIL IYO MIRIFLE OO KULAN HOR DHAC AH KU YEESHAY MAGAALADA ROCHESTER MN.
 

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 17October 2009
 

 Beelaha kor ku xusan ayaa kulan hor dhac ah ku yeeshay magaalada Rochester ee gobalka Minnesota taariikhdu aheyd  Jimco, October 17th, 2009, Kulankaas waxaa ka soo qeyb galay ilaa 70 xubnood oo isugu jiray bulshada qeybaheeda kala duwan sida Siyaasiyiin caan ah, Saraakil sar sare oo ka tirsan ciidamada qeybahooda  kala duwan, Aqoonyahano, Ganacsato waa weyn, haween iyo wax-garad kala duwan oo dhammaantood ka soo  wada jeeda beelaha Mudulood, Harti Daarood, Banaadiri iyo Digil iyo Mirifle.
 
Xubnihii ka soo qeyb galay kulankaas waxay ka wada hadleen dhowr arrimood, gaar ahaan waxay aad diirada  u saareen dhibaatada dabada dheeraatay ee Soomaliya, gees ka gees xaalufisay dad,  dal iyo duunyaba, iyadoo ay xubnahaas isku raaceen sida kaliya ee looga bixi-karo dhibaatadaan ay tahay in loo noqdo Ilahay, isla markaasna lahelo Dowlad  dhexe oo hanata dalka oo dhan.
 
 Xubnuhu waxaa kalow isku raaceen si loo gaaro hadaf-kaan in loo baahan yahay shaqo adag iyo isku kalsooni, wax looga dhaadhicinaayo beelihii horey u aaminsanaa jiray in qori caaradii qaran lagu noqon karaayo, kooxa diimeed-yada hada u soo tafa-xeytay dagaalada doqonimada ah ee  micna la'aanta loogu hoobanaayo iyo shaqsiyaadka aaminsan fowdadu (chaotic)  inay ka fiican tahay Dowlad hanata dalka oo dhan.
 
 Beelahaan ayaa  waxay ugu  baaqayaan  beelaha kale ee Soomaliyeed inay tahay lagama maarmaan in la bedelo Geerkii ( changing  grear ) ay Siyaasada Soomaliya ku soo socotay 19 sano ee la so dhaafay, si arrinta looga dhigo" Caano daatay daba doodaa la qabtaa"
 
  Afartaan (4) beelood ayaa  safka hore uga jira beelaha Soomaliyeed ee aaminsan dowladnimo iyo kala danbeynta dowladnimo, sida taariikhdu qoreyso laga soo billaabo 1960-kii ilaa hadda xilalka dalka ugu sarreeyey sida  Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha iyo Taliyaasha Ciidamada Soomaliyeed, waxaa jogooyinkaas  99,7%   soo qabtay Siyaasiin ka soo jeeda  beelaha kor ku xasan, iyagoo weliba ka kasbaday shacabka Soomaliyeed sumcad fiican iyo xushmo, tusaala ahaan hogaamiyayaashii 1960-da meeyadii, waxay kala ahaayeen Madaxweynahii ugu horreeyey  Soomaliya marxuun H.E. Aden Abdulle Cismaan ( Aden Adde), Marxuun Madaxweyne H. E. Cabdirashiid Cali Sharma'arke, Guddoomiye Baarlamaan H. E. Sheikh Mukhtar Mohamed, R/W. H.E. Cabdirisaaq Haji Hussein, Taliyihii Xogga Dalka Soomaliyeed  marxuun Gen. Da'ud Abdulle Hirsi iyo Taliyihii Police-ka Somaliyeed Gen. Mohamed Abshir Muse.
 
 Xilligaana waxay kala yihiin  hogaanka dalka Madaxweyne  Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Aden Madoobe iyo Ra'iisul Wasaare Dr. Cumar Abdirashiid Cali Sharma'arke.
 
 Xarirkii  soo jireenka ahay ee u dhexeyn jiray afartaan beelood, hakad  ayaa galay 19 sano ee la soo dhafay balse xubnahaan ayaa dib boorka uga jafay, iyadoo lala socodsin doona dhammaan xubnaha beelahaan ugu jira labada gole ee DFKMGS iyo Dowlad goballeedka Puntland.
 
See full size image
Afartaan beelood ayaa ogol heestii uu curiyay abwaan Mohamoud Abdullahi Sangub, kuna ay luuqeyso fanaanada weyn ee codka macaan Saado Ali Warsame:-
aan wada tashano walal, ii tali walaal, aan kuu taliyo walal, waxayse afartaan beelood diidan yihiin aan kala tagno Soomaliyey.
 

 
Kulanka xubnahaan oo ahay hor dhac ayaa waxaa xigidoona kulan kale oo ballaaran dhammaadka bishaan October, iyadoo lagu qaban doono kulankaas Minneapolis amba Washington D C Metropolitan. 
 
 
Wixii Talo iyo Su'aalo ah kala xarii
Mudane Aden Dhagax
Adamdhagax@yahoo iyo
Sheikhnor Qasim
Sheikhnor@hotmail.com

 
 
Q.R. Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.

 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir