Mudulood Xal ayuu Rabaa Xil ma Rabo

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

 
  07-March2010

 

Mohamed Abdulle Hassan ”Siidi” qormadii uu dhawaan qoray ee uu ugu magac daray Maxaa kala haysta Madaxweyne Shariif iyo Beeshiisa Muddullood? Waxaan jeclahay in aan sida caqliga saliimka ah ugu jawaabo aniga oo ka tarjumaya guuxa Mudulood midka dibada iyo kuwa dalka ku dhaqan,waxaad moodaa qormada in eey ka hadleeysay hal jufo balse magaca guud marwalba lagu xusayay qormada ,waxaan leeyahay wallaalkeey ugu horeeyn in Mudulood shaqsi ama jufo in loo tiriyo ma haboona,aad ayaana ugu xumahay in jufa guracan oo aanan is rabin balse in eey is gumaadaan u soo taagan aanan jecleeyna dowladnimo iyo kala dabeeyn in eey soo noqonto iyo nin danaha qaaska ah ee jufada ku doonayo xil in la siiyo magaca qowmiyada Mudulood aad ayaan ugu xumahay,waxaa qumaneeyd in aad dhahdo Maxaa kala haysta Madaxweyne Shariif iyo Beeshiisa H/abgaal wallaalo is naceb weey xoola beelaan weeyna xabaalo badiyaan xaqiiqdii sifadaasi waa mid laga dhex arki karo Jufadaa waxaan is weeydiiyaa Mudulood sow laguma aqoon dowlad jaceyl,nabad iyo derisnimo-wadaag waa dhab haddii aan garan laheeyn in dhibka somalia ka socdaa eey sabbabu tahay garasha xumida Mudulood iyo u kala hiilinta reer Muduga jecel in eey somalia ka abuuraan xukun maroorsi guracan oo aanan marnaba lagu gaari karin nabada iyo wada noolaansho, C/qaasim Mudulod ayaa soo dijiyay xamar ,C/aahi Yusuf Mudulod ayaa xamar soo dejiyay & Ethiopian sow ma qumana in Mudulood dhexdhexaad ka noqdo siyaasada guracan reer Muduga ??? waxaa qumaneeyd in reer Muduga colaadooda in eeyan saameeyn nagu yaalan balse raga siyaasada Mudulood hormuudka ka ahaa waa eey gan waayeen xalka dadka dalka iyo diinta walow weli dhaliil eey jiraan hadana Al-shabaab in la raacaa ayaa kas ii foolxun waayo dalka waxeey ku soo hogaaminaayaan cadow shisheeye dhaqankooda guracan haddii uu sii socdo.

Mudulood waa uu diiday in uu taageero Al-shabaab iyo xisbul Islaam sabbabha soo socda awgeed.

1) Hadafka al-shabaab waa mid cad qaranimo somali uma socdaan balse Alaska ilaa Jaban ayeey ku wajahan yihiin,dhalin yarada Mudulod in hadafkaa guracan lagu qaldaa waa eey diideen,Muduloodna waxaa uu al-shabaab ku diiday siyaasad guracan iyo ujeedada qarsoon ee mararka qaar aad ka maqleeysid hogaanka sare ee al-shabaab sida Shangole oo cadeeyay in eey sh.Bin Ladin uu yahay hogaankooda dhabta ah.

2) Calankii dalkaan sumada u ahaa al-shabaab waa diiday waxeeyna qaateen calanka ururka Al-Qaacida ee madowga ah sow akhristow ma muuqato in siyaasada guracan ee al-shabaab in aan la raaci karin .

3) Waxeey cadeeyeen al-shabaab in eey ka gudbayaan bada cas xagaa iyo yamen in eey ka dagaalamayaan, xaqiiqdii waa waxa quman in laga fikiraa in dhalin yarada Mudulood lagu qaldo fikirkaa guracan Yemen 77 waxeey aheeyd tii u soo gurmarat Ethiopia waxna ka gumaaday shacabkii somalia ee xornima doonka ahaa maxeey nagu gumnaadeen anaga oo Muslim ah ????

Guud ahaan waxaan dhihi lahaa aad iyo aadna ayaan ugu xumahay in magaca Mudulood la siiyo shaqsi ama jufo wadata siyaasad guracan,waxaan leeyahay kuwa fikiraa guracan qabaa iimaanka Ilaahey ha idiin gelsho dibna u fiiriya dhibka qawmiyada,waxaan leeyahay Sh.Shariif cadowtinimo uma qabo Mudulood 99% waa eey taageerasn yihiin sabbabto ah Mudulood waxuu u baahan yahay nabada,cadaala, dowladnimo iyo wada noolaansho Mudulood diyaar uma aha in uu Alaska ama Yemen dagaal iyo siyaasad guracan ugu safro,Mudulood waxaa uu ku socdaa midnimo iyo dowladnimo iyo soo celisa nabada iyo wada noolaanshaha Siidi waxaan ku fari lahaa ha taageerin waxii dalka aad kaga soo carartay ee ahaa, dowlad diidnimo, nin tooxeeysi iwm balse garo nabada iyo nolosha aad ku jirto maanta in loo soo halgamay lagu dadaalay rag adiga oo kale dhiig u daadiyay fadlan dadkaaga la jecloow nolosha aad hada ku jirtid ee dalka Sweden. Cabdi Jiinow waxaa ka weeyn dhismaha qaranimada somalia iyo la dagaalnka cadowga qaranimada diidan ah ee al-shabaab iyo xisbul daahir.

 

Dr.Ali.A.HIrabe Hirabe_a@hotmail.com

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

aduunyo5@yahoo.com

Maxamuud XAsan Cumar

Muqdisho somaliya

002521/5506210

Muqdisho somaliya

 

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 
                                                 Read Akhriso
              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com

_______________________________________________________