Waxaa ugu darneeyd markii uu Maquuste ka codsaday UN ka in laga qaado cuno qabateeynta dowlada uu madax-weeynta u yahay halka shacabka somalia uu dhib ugu jiro barakac burbur baahi iyo gumaadka eey sabbabeen ciidamada huwanta ah ee Tigreega qarnigaan 21 aad,waxaa uu si aan ulla gabasho laheeyn u qeexay in ciidamada huwanta Ethiopia eeyan marna ka baxeeyn somalia,hadaba waxaa is-weeydiin mudan:
1) Maquuste nabad miyuu diyaar u yahay mise colaad ??? waxaa shaki ku jirin in Maquuste uu diyaar u yahay dagaal,baro-kaca iyo burbur Somali,waxaa iyana meesha aanan marna ka maqneeyn in ururka xornimo doonka in eeyan weli garan in Maquuste uusan u baahneeyn nabad Somalia balse xirfad aad looga soo shaqeeyay lagu keenay dalka Jabuuti lana rabo in lagu dhex milo dowlada Maquuste qiimo walba haku baxdee.
2) Waxaa sharf dhac ah in madaxda xoogaga isbaheeysiga xornimo-doonka in eey kala garan waayaan in Cumar Geele aanuu weli cadeeyn cadeeyn karina mowqifka dowlada Jabuuti ee ku wajahan gumeeysiga Ethiopia,haddii Cumar Geedi aanu aaminsaneeyn in somalia eeyan xiligaan gumeeysiga Ethiopia gacanta ugu jirin waxaa hadaba fooxuma ah in eey gogol fidiso iyada oo la ogyahay in Cumar Geedi uu yahay ninka sida furaha gumeeysiga Ethiopia ku furan laheed inta damiirka wadananimo ku jirta ee xoogaga xornimo doonka MMI,Alow sahal umuuraha Xagee ka soo jeedaa Cumar Geele,waxaa xaqiiq ah in uu yahay somalia ku shaqeeya maskaxda Tigreega asal ahaana ku dhashay dhulka Ethiopia eey gumeeysato cidna kama qarsana in afka amxaariga uu yahay afiisa
hooyo.
3) Ethiopia blood victory in Somalia,Guusha Ethiopia dhiigeeda uu weli socda ee somalia ayaa ah waxa hada ka socdo Jabuuti, Seminaarka waxaa laagu talo galay in isbaheeysiga xornimada lagu fahansiiyo in dalka somalia uusan weligiis ku noqon doonin gacanta somalia,waxaa si xirfadeeysan ugu qeeyb qaadanaya dhamaan inta somalia cadowga ku ah,sida dowladaha IGAD ee soo dhisay dabadhilifyada gumeeysiga dalka soo geliyay iyo USA oo ah Hooyada ka danbeeysa dhamaan xulufada cadowga u heshiiyay somalia.
4) Seminaar looma tagin Jabuuti balse weli waa eey garn la yihiin isbaheeysiga xornimo doonka ah,Maquuste fikirkiisa ku aadan arimaha somalia waa uu dhiibtay waana uu ka dhoofay dalka Jabuuti,maxaa weli dhigay Isbaheeysiga haddii eey UN ka u sharaxeen fikirkooda ku aadan sida somalia loo nabdeeyn karo?????? Mise riwaayad Axmed Cabdi Salaan iyo N.Cade ayaa lagu madadaalinayaa,Axmed Cabdi Salaan iyo N.Cade maaha rag goáanka leh waayo haddii eey goáanka wax ku leeyihiin kuma eeyan raaceen Maquuste in uu xiligaan UN ka weeydiisto in dalka somalia laga qaado cunaqabateeynta hubka iyo in Ethiopia eeyan marna ka baxeeyn dalka somalia,sideeda haddii uu N.Cade yahay nin nabad doon ah waxaa uu noqon lahaa ninka shirka hogaamiya UN kana la kulma dhiibana fikirka dowlada uu r/wasaarha ka yahay qaabka eey u aaminsan
yihiin in eey nabada somalia ku soo noqn karto,sow riwaayad maaha waxa socdo...YEEEEEES.
5) N:Cade iyo xulufadiisa maxeey soo kordhiyeen??? Sow weli Maquuste dalka kama aha R/wasaare ,W/dibada midka Gudaha,W/difaaca,W/ dhaqaalaha,miyaanan weli la dersin Maquuste in uu yahay kaligii taliye guracan xaqiiqdiina aanan jecleeyn in loo soo adeego balse waxwalba asaga buuxiya,Geedi iyo N.Cade awooda R/wasaarenimo midna ma garan xaqa dastuurka uu ku leeyahay balse Maquuste ayaa noqday mid adeegsada awooda nin walba oo ku jira xeendaabka xabashida xitaa xildhibaanada Imbagaati,Alo Sahal umuurah.
Waxaa ii yimid boqolaal E-mail ku wajahan sida eey ku wargelin karaan danbiileyaal gumaadka dalka ka geeystay,waxaan jeclahay in aan ku wargeliyo haddii aadan soo diri karin xogta dhabta ah fadlan la xariir haydaha samafalka dalka ka howl-gala,qaasatan kuwa wadaniga ah iyo kuwa xuquuqul insaanka jooga dalka gudahiisa si eey noogu fududeeyaan in aan helno xogtiina.
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com