Shareecada Islaamka Punland & Somaliland Ma ku Jiraan ??

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
  12Mach09

Shareecada ma waxaa lagu xukumayaa dhamaan jamhuuriyadii somalia la dhihi jiray mise waxeey qaas u tahay oo kaliya reer koonfur ???  Waa suáalaha hortaal dowlada midnimada qaran ee uu hogaankeeda hayo Sheekh Shariif Sh.Axmed. Xaqiiqdii dalka waxaa ka jira seddex madaxweeyne seddex baarlamaan iyo seddex gole wasiir iyo seddex dastuur hadaba waxaa quman in aan isweeydiino sidee ayeey iskula falgalyaan dhamaan maxaana mideeyn kara dhamaan,waa dhab in shareecada Islaamka in eey tahay mida mideeyn karta seddexdaa kala socda balse waxaa quman diyaar miyeey u yihiin Puntland iyo Somaliland qaadashada shareecada Islamka ????? waxaa xusid mudan in taariikhda markeey aheeyd  Ramadan 13, 1427 A.H ama Thursday October 05, 2006 in dalka soomaaliya laga dhaqan geliyay  ku dhaqanka iyo hergelinta shareecada Islaamka oo uu hormuud ka ahaa Sheekh Shariif Sh. Axmed waxaa lagu tilmaamay xiligaa  the Golden Age ama xiligii dahabiga ahaa waa mid taariikhda somalia beri hore lagu qoray balse gumeeysiga fooshaxumaa ee Tigreega madow ee Ethiopia oo eey dabada ka riixayaan USA iyo yurub eey burburiyaan xiligaa dahabiga ahaa, taasi waxaa eey ahyeed sabbabihii uu gumeeysiga madow ugu soo duulay reer koonfur halka Puntland iyo Somaliland eey kaga nabad galeen qaadashada sharciga calmaaniga ah maanta oo ah Tuesday March 10/2009, Rabi' Alawwal 14,1430 A.H.waxaa caasimadii somalia ee beri loo diiday in eey ku dhaqmaan shareecada Islaamka golahiisa wasiirada ee dowlada midnimada qaran ansixiyeen in dalka somalia lagu dhaqo shareecada Islaamka hadaba yaa garsoore ka noqon doono shareecda Islaamka mase mudan tahay in rag aan u ehel ahyeen loo dhiibo garsoorka waayo kuwa dowlada midnimada qaran ku wada jira ee sharciga dastuurka calmaaniga lagu dhaariyay ma yahiin kuwa yaqaan shareecada Islaamka iyo xeerarka qawaacida Islaamka ?? mise waa kuwii ka soo baxay jaamacada sharciga ee aqoonteeda eey aheeyd mid eey qoreen qubaro aan aqoon u laheeyn diinta Islaamka..??? xildhibaanada 550 sow ma qumana in marlabaad la dhaariyo laguna dhaariyo in eey dhowrayaan shareecada Islaamka ?? xasuuqii culumada lagu laayay 1978 kuwii xukumiyay miyaan u dhiibanaa cadliga iyo garsoorka mise ayagaa mudan in la xukumo........??????  kuwii garsoor ka ahaa xasuuqii Muqdisho,G/dhaxe,G/Bari iyo Hargeeysa miyaan garsoore ka dhiganaa ...waa Maya, reer Punland iyo Somaliland shacabka ku dhaqani maxeey sameeyn doonaan ma raacidoonaan shareecada Islaamka ku dhaqankeeda mise waxaa eey weli sii taageeri doonaan ku dhaqanka calmaaniyada ??? waxaa hubaal ah in Puntland iyo Somaliland shacbaka ku dhaqan eey diidi doonaan calmaaniyada kuna soo biiri doonaan wallaalahooda reer koonfur marba haddii eey ku heshiiyeen qaadashada shareecda Islaamka,akhrisow mise si kale ayaad u aragtaa sow xaqiiq jirta oo dhab ah maaha.

 Waxaa la joogaa xiligii leeys cafin lahaa lana iloobi lahaa waxii la soo maray (forgive and forget) marba haddii eey koonfuri qaadatay shareecada Islaamka, oo runtii ah mida somalia mideeyn karta soona celin karta cadaalada iyo sinaanta sharciga hortiisa,waa eey dhamaatay reer hebel ayaa na gumaaday iwm waan ognahay in wadankan uu soo maray foolxumo, gumaad,xaqdaro, cadaalad-laáan iwm Hayada garsoorka waa in eey noqotaa hayada ugu sareeysa xaga cadaalada iyo dhaqan gelinta shareecada Islaamka, haddii la abuuro haydaasi loona helo rag aqoon u leh shareecada Islaamka waxaa xaqiiq ah in umadaasi eey dhaxlayaan nabada iyo cadaalad wada noolaansho ku dhisan sinaan iyo horumar.

Waxaan ku soo gaba gunaanadayaa reer Puntland & Somaliland kuwa xilalka ka haya wallaalyaal somaliya waxeey u baahan tahay badbaado dhab ah,somaliya waxeey u baahan tahay is-cafiska guud iyo in leeys aamino laga fekero nabada iyo wada noolaanshaha umada,Ilaah magac-yadiisa waxaa ka mid ah Al Cafuw,wax wax cafiya oo Ilaah ka fiican ma jiro,kaligiin wax ma noqon kartaan ee shacbkiina ku soo duma in eey qaataan shareecada Islaamka si umada jiritaankeeda eey xoog u yeelato.

Dr.Ali.A.Hirabe                                                        Hirabe_a@hotmail.com

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.