Geerida & Gumaadka Muqdisho Maxeey ku Mudatay ???

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
  29Jan /09

بسم الله الرحمن الرحيم

 

الســـلام عليكم ورحـمة الـله وبــركـــاتــــه. وبعد

 

Qof ka hadlayaa ma jiro nafta Aadanaha qiimaha eey ku dhex leedahay magaalada Muqdisho ee caasimada dalk weeynihii la dhihi jiray Somalia balse waxaa in dhawaale saxaafada eey aad ugu hadashay ka hadalka dhulka & bada somalia gadashadeeda oo lagu eedeeyay dowlada midnimada qaran,waxaa badatay war waaawareeey dhulkii & badii baa la iibsaday waxaan is weey-diiyay horta dhulka iyo nafta yaa qiimo badan, waxaa ii so baxday in nafta eey ka qiimo badan tahay dhilka & bada sabbabta maxeey tahay ??? Ilaah aduunka abuuray waxaa Aadanaha uu ku sheegay in uu yahay midka dhulka looga khaliif yeelay uuna yahay midka dhulka camiraya xaga cibaadada,quruxda, dhismaha iwm haddii Aadanaha uusan khaliif looga dhig laheeyn dhulka ma jiri laheeyn cid kale oo dhulka camirta,ku cibaadeeysta, Ilaah nafta abuuray waxaa uu dhahay nafta Adanaha waxeey ka qiimo badan tahay wax saaran dhulka iyo cirka inta u dhaxeeysa, dilida nafta Aadahaa ilaah ma baneeyn haddii eeyan xaq aheeyn,cid ka hadleeysa ma jirto nafta Aadaha oo aanan qiimo ku fadhin xaga dalka somalia,sida umada eey ugu damqatay gadashada dhulka & bada somalia oo runtii aanan xaqiiq loo haynin gadashadeeda sida looga hadlay maalmahaan ilama aha in looga hadlay nafta maalin walba sida xaqdarada ah lagu dilo dalka somalia, waxaan la cajibay Fu-ad shangolo oo Sweden degenaa sannooyin faro badan in uu amro dilka nafta xitaa haddii uu ashahaadanayo,waxaa hadaladiisa ka mid ahaa madaxweeynaha, r/wasaaraha, xukumuuda dhamaan waa gaalo,naagahooda waa eey ka furan yihiin,hilibka eey qalaan lama cuni karo iyada oo la ogyahay in Sweden hilib-xalaalka uu ka cuni jiray, waxaa uu dhahay xataa haddii eey kun goor ashahaataan waa la dilayaa Alahu Akbar  وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُّتَعَمِّدًا فَجَزَآؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا  وَغَضِبَ اللّهُ Qofkii si kam ah u dila qof mumin ah jisadiisa waa jahanama in uu ku waaro Ilaahna waa u caroon waxaana ku dhaceeyso nacalad Ilaah. war diinta uu noo wadaa Fuáad Shongole waa tee,ma mid ka duwan tii nabigii raxmada badnaa ee caalamka oo dhan raxmada u ahaa  Maxamed (SCW) waday baa mise waaba mid ka duwan ??? akhristow adba ka jawaab koleey aniga iyo in faro badan waxaan u araganay jahil iyo aqoondaro aad u weeyn xaga diintas Islaamka, waxaa u wehliya in camalka uu ku dhex jiro Fu-aad Shongole  uu u qurxiyay sheeydaanka kana awood roonaaday marba haddii uu kala aqoon waxa xaqa ah iyo baadilka ah.Waxuu  Ilaaheey dhahay: ma xukmi jaahiliya ayeey doonayaan,yaa ugu fiican Ilaah xukumkiisa  qoomka wax yaqiinsada:أَفَحُكْمَ الْجَاهِلِيَّةِ يَبْغُونَ وَمَنْ أَحْسَنُ مِنَ اللّهِ حُكْمًا لِّقَوْمٍ يُوقِنُونَ

Wax walba waxaa sabbab u ah midnimada somalia oo eey rag faro ku tiris ah diidan yihiin,dhulka,bada iyo nafta ma jireeyso haddii aan nabada la qaadan leeysku sabrin lana weheshan sabarka iyo midnimo,haddii qarnigaan aan hayno dowlad dhaheeysa waxaan ku dhaqmeeynaa shareecada Islaamaka kooxaha ka soo horjeeda ilama aha in eey raadinaayaan shareecada balse waxaa dhab ah in eey hubka u wataan burburka iyo gumaadka iyo kala go´go ah dalka, Ilaah waxaa uu dhahay:kuwa xaqa rumeeyow sabra oo sabartama kuna nagaada dhawridda xuduudda ILaah kana dhawrsadda waxaad mudan tihiin in aad liibaantaane. يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اصْبِرُواْ وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَاتَّقُواْ اللّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ

 

Haddii la gumaado dhamaan shacabka somalia waxzaa is weeydiin mudan dhulka somalia yaa u talin ????? waxaa shaki ku jirin in Ethiopia, Kenya iwm eey si fudud ku qabsan doonaan dhulka somalia marka la waayo somalida hada joogto ee is gumaadeeysa.

Culumada u is taagtay islaax umada somalia waxaa la gudboon in eey si raxmad leh umada ugu sheegaan cida diidan nabada iyo wadanoolaanshaha umada,xaqiiqdii waa eey fududaan laheeyd xalka umada haddii culumada eey sida xaq uu yahay u sheegaan,Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam waa diideen nabada,waa diideen shareecada Islaamka in dalka lagu dhaqo,hadaba culumada maxeey xaqa u sheegi waayeen, waxaa dhab ah in culumada uu diiday Ab-Robow xagee u socda Abu-Robow ????  maxaa la gudboon umada somalia ????? maxaa dowlada minimada qaran la gudboon ???? Culumada xagee u ciirsadaan haddii islaaxoodii uu noqday in maalin walba lagu gumaado xamar shacab aanan wax galabsan, ma la dhihi karaa culumada hada islaaxa wadaa waa mathalkii ambiyada maadaama eey ka cago jiidayaan xaqa iyo in eey qiraan cida nabada diidan. Alow Sahal Umuuraha.

 

 

 

 

 

 

Dr.Ali.A.Hirabe                                                    Hirabe_a@hotmail.com   

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

_______________________________________________________