Somaliada waxaa eey dhahaga u taageeysaa labadaa nin oo xaqiiqdii loo arko kuwa kaliya ee somalia nabad iyo wadanoolaanshaha suurta gelin kara,waxaay ka tirsan yihiin laba koox oo u istaagay soo celinta nabada somali labadaa koox waxaa eey ka kooban yihiin siyaasiyiin aqoon yahan,indheergarad culumo iyo nabad doono leh siyaasad aad u fog kana run sheegeeya hadafka siyaasada dib u soo celinta nabada somalia,hadaba maxaa la quman labadaa koox ee ku midowday soo celinta nabada somalia.
1) In aad isku taageertaan garataana siyaasad hufan oo qeexan lagana arki karo nabada iyo wadanoolaanshaha umada somaliya inta eeyan dhicin doorashada madaxweeynenimo,waa muhiim in aad hanataan jagooyinka labada ah ee madaxweeyne iyo r/wasaare( Kooxdiina nabd doonka ah ) waayo waxaa lama huraan ah in aad gaar-taan goáan adag iyo is-fahan taabagelin kara riyada aad bilaawdeen ee ahaa soo celinta nabadeeynta dadka somali.Waa in lobby aad sameeysataan macnaha in aad siyaasada nabada iyo wadanoolaanshaha umada somali aad meel marisaan iskuna raacdaan wadiiqo (corridor) cad oo tusi karta umada somali iyo caalamka in aad meel marin kartaan siyaasada nuxurkeedu yahay dib u heshiisiinta iyo badbaadinta dalka iyo dadka.
2 )Waa hubaal in umada somali eeyan marnaba u haynin kalsooni iyo aaminaad kuwa dalka ku soo hogaamiyay dalka somali gumeeysigii soo jireenka ahaa ee Ethiopia.Kooxda Maquuste uu hogaanka u hayay sida Caasho Carbdher,Ceeydiid Ilka Fanax,Gacmadheere,Geedi,Al-Azhari,Xassan Abshir,Xidig iyo qashin oo dhan.waxaa iga talo ah in eeydaan mara habaabin sidii Cali Mahadi,C/qaasim iyo Maquuste balse aad ka taxadirtaan siyaasadaha guracan ee mayalka adag ee suurta gelin weeyday soo celinta nabada iyo wada noolaanshaha umada somali.
3) Dalka 80% waxaa gacanta ku haya xoogaga xornimadoonka ah kuwaas oo la dagaalamay gumeeysigii Tigreega diidayna Maquuste iyo huwantii in eey isku garabsadaan gumaadka iyo gumeeysiga cusub ee Ethiopia, hadaba si loo gaaro hadafkii gobonimada iyo xornimada qaranka somali waxaa waajib ah in aad hanataan dowladnimada somalia,waayo kuwa dalka,dadka iyo diinta dhaawaca u geeystay ilama aha in eey nabad iyo wadanoolaansho umada in eey soo celin karaan.
4) 200 xildhibaan ee ku soo biiraya nidaamka cusub ee baarlamaanka iyo xildhibaanada N.Cade la soo daadihiyay ee jecelaa soo celinta nabada iyo wada noolaanshaha umada somalia waxaa quman in aad gaar-taan fikir mid ah jecelna in somalia la badbaadiyo lana soo celiyo rajada wada noolaanshaha umada somali,hadaba waxaa quman in aad ruugtaan oo aad calaajisaan talada iyo siyaasada soo celinta nabada( Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa ayeey somaliada dhahaa) in aad isku raacdaan goáanka ah in dalka fursada cusub ee badbaadinta eey gacantiina maanta ku jirto,waa haddii aad garataan in aad qaadataan goáankii ahaa nabadeeynta iyo wadanoolaanshaha umada somali aadna u soo sabarteen in ka badan 1 sanno,r/wasaare N.Cade iyo kooxdiisa qaadatay nabada somalia iyo ARS waa in aad ka miro dhalisaan qowlkiinii ahaa nabada.
5) Waxaa quman in aad madaxweeynaha iyo r/wasaaraha nimanka noqonaayo in aad isku raacdaan iyada oo laga duulaya in codkiina aad siisaan hadba doorashada ninka la soo sharxo,waa hubaal in aad qaadan kartaan haddii aad siyaasad cad isku raacdaan,waxaa rajeeynayaa in eey sidaan u dhici doonto,Power sharing labada dhinacba waad heli kartaan si loo gaaro Unity Government waayo xiligaan waxaa lagu jiraa state of war.koleey 4,5 ka macno waxaa uu yeelanayaa marka inta isku fikirka ah kalana qabiilka ah eey qaataan labadaa jago ayaga oo raba in eey fuliyaan soo celinta nabada iyo qaranimada somaliyeed.laba koox midana waxaa uu noqon karaa madaxweeyne halka kan kale uu noqon karo r/wasaare waase hadii eeyan hal qabiil ka wada dhalan sida axdiga qabo.Waxaan filayay in Sheekh Shariif uu ku qurux badnaa in uu isa soo taago 2 sanno ka dib inta kumeel gaarta hadafkiisa la gaarayo,halka aan jeclaa in N.cade uu xiligaan la siiyo 2 sanno uuna damaanad qaado soo celinta nabada iyo kala danbeeynta dalka waayo kuwa Maquuste la soo shaqeeyay waxaa fikirkooda iyo siyaasadooda aqoon u leh odayga ruug cadaaga ee suurta geliyay unkida dowlad midnimo qaran in xiligaan la abuuro.
6) Sheekha iyo kooxdiisa waxaa wanaagsan in eey isa soo dhisaan sameeyaana midnimadii hore ee maxkamadaha islaamka noqdaana xisbi taaba gelin kara hanashada hogaanka dalka inta 2 sanno lagu jiro,
7) Shareecada Islaamka ayeey umada ogoshahay wax ka hooseeya cidna ogolaanmeeyso,waa dhab in aad gaarsiin kartaan in shacabka uu doorto cida uu doonaayo iyo sharciga lagu dhaqaayo aayaha danbe midka uu yahay.
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com