DAB DHAXMOODAY!!
Ra'yi
 06June2009

Cid walbaa ha khaladdo Af-Soomaaliga iyo qoraalkiisa, laakiin ma aanan filayn in Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ah wasaaraddii dhawri lahayd iyo darkii laga cabi lahaa luqadeenna hooyo ay khalad sidan u weyn gelayso.

 

Qoraalkii ay wasaaraddu soo saartay, laguna baahiyay bogagga Internetka gaar sida www.dayniile.com iyo www.xogsheeg.com kuna saabsanaa tartan loo gelayo deeq waxbarasho, ahaana hal bog oo ku soo baxay warqadda leh loogada rasmiga ah ee wasaaradda, waxaa ku jiray khaladaad aan u cuntamayn cid kasta oo Soomaali ah oo damiir leh, masiirka dalkeedana u danqanaysa. Bal ila arka inta khalad ee ku jira qoraalkan: (Fadlan Attachment-ka meel hoose ka eeg warqaddii wasaaradda oo sideedii u qoran ee barbardhig sixitaanka aan sameeyay. Xarfaha farta guduudan waa khaladkii aan saxay)

 

Ku: Dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yaman

Ka: Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Hiddaha, Qaybta Imtixaannada

 

Ujeeddo.: Imtixaan Deeq Waxbarasho oo lagu geli doono Sanca, June 15 & 16, 2009

 

Dhammaan ardayda dhamaysatay ama ka qalinjebisay dugsiyada sare waxaa lagu wargelin.. in imtixaan loogu tartami doono deeqo waxbarasho ee dowladda Yaman ay ugu deeqday dalka Soomaaliya ay ka dici doonaan magaalada Sanca 15ka iyo 16ka bishaan Juun, 2009.

 

Imtixaanka waxaa oo ka koobnaan doona 7 maaddo oo ah: Biology, Chemistry, Physics, Mathematics, Tarbiya Islaamiya, Geography iyo History. Imtixaanka waxaa lagu qaadi doonaa ama lagu geli doonaa luqadaha Carabiga iyo Ingiriiska.

 

Haddaba, diiwaan gelintu waxay ka billaabatay Safaaradda Soomaaliya ee Sanca, waxayna socon doontaa ila Juun 14ka.

 

Shuruudaha diiwaan gelintu waa sida hoos ku xusaan:

1-      Shahaado dugsi sare

2-      Baasaboor Soomaali ama kaarka qaxootiga

3-      10 sawir

4-      Fiiga diiwaan gelinta oo ah $5 US dollars ama 1000 Riyaal Yamani.

 

Wixii faahfaahin ah kala xiriir Safaaradda.

 

Haddii loo baahdo Wasiirka Tacliinta Sare & Hiddaha, waxaa lagala xiriiri karaa Tel: 711241862.

 

 


 

Sabriye Moallin Musse

sabkaxaaji@hotmail.com

Minnesota-United States


 

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

_________________________________________________________