Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Waxaan dhambaal hanbalyo iyo bogaadin xamabaarsan u dirayaa bulsha waynta soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa kala joogaa ee daafaha aduunka ku kala daadsan waxaan leeyaahay waa maalin weyn , waa maalintii qaranka , waa maalintii xoriyada
Waa maalintii calanka , waa maalin aan qofnaba ilaawi karin 01 07 1960 kii waa maalin galadeed oo xaqeeda iyo xeerkeeda iyo xasuusteedaba mudan.
Waxaan leeyaahay maalintan tixdan gaaban
Waa maalinteenii gobonimadu dhalatay
Waa maalinteenii guusha aan haleelnay
Waa maalinteenii gumaysugu na dhaafey
Waa maalinteenii gaaladu ka guurtay
Gebigiis dalkeeni geyigeena oodhan
Waa maalintii gedigeen midawnay
Waa maalinteenii xornimada gudoonay
Waa maalinteenii geesigu horseeday
Geerida ka doortay gunimiyo gumaysi
Nin garaadleh baa og galadeeda maanta
Gocor mooge weeye galadeeda maanta!!!
Xuska maalinta gobonimada iyo xoriyada geyiga soomaaliyeed waa xaqiiq in qof kasta oo ha yaraato ama ha badnaatee wadaniyada ku jirta uu dareenkeeda ogyahay
Hadaba sidee loo xusaa sidee loo qiimeeyaa sideese loo dareemaa maanta ,
Dadka qaar waxay u tahay magac uyaal ma fahansana qisada ama arinta qotada dheer _
ee ku_jirta wadan xor ah qaranimadiisana u madax banana miisaanka uu leeyahay.
Hadaba maalinta laga joogo 49 guurada waa side xaalada dalka soomaaliya gebi ahaan Wadankii laysku odhan jiray jamhuuriyada soomaaliya ama geeska afrika halkeese xaalkiisu Marayaa maanta , aan dib u raac taariikheed samayno xusnana dagaalyahanadii iyo gobonimo doonkii soomaaliya in koobaan. Aan xusno geyiga soomaaliyeed marxaladihii uu soo maray
Mudada laga joogo 49 sano .
1900 waxaa dagaal iyo guluf colaadeed ku kiciyay waqooyiga soomaaliya kooxo dhawra oo magacyo kala duwan lahaa waxaa ka mid ahaa daraawiishtii uu hogaaminayay sayid maxamed cabdule xasan iyo koox kale oo la odhan jiray falaago ama jabhada gobonimo doonka iyo koox kale oo uu hogaamiye u ahaa una badna culumaa udiin iyo dagaalyahano muwaadiina oo uu hogaamin jiray sheikh bashiir oo kazoo jeeday gobolka togdheer
Xaga dhinaca koonfurtana waxaa gobonima doon badan dagaal kula jiray gebi ahaan
Gobolada mudug galguduud iyo hiiraan shabeelada dhexe ilaa jubooyinka dadka degana deegaankaas inkastoo aanan manta qalinkayga kusoo koobi Karin halyeeyadii iyo muwaadiiniintii u god galay calanka quruxda badan waxaa ka mida ahaa hogaamiye xasan geedi abtow, sheikh daa,uud culusow , iyo rag fara badan oo kale oo dhamaantood af iyo adinba kula dagaalamay gumaystihii soomaaliya waxaa ka mid ahaa raga taariikhda ku leh
Gobonimo doonka soomaaliya faarax oomaar oo taariikh qoto dheer ku leh deegaanada gobolada waqooyi hadaba maaha wax qalin soo koobi karo dhamaan gobonimo doonkii soomaliya in la xuso inta la xasuustaana waa muhiim.
Waxaa ka dib jiray urur siyaasadeed la jaanqaaday qaab aqoon iyo waayo aragnimo leh
Sida ururkii gobonimo doonka SYL ee koonfurta soomaaliya oo ahaa urur isaga iyo muwaadiintii aasaasayba lagu tilmaamo dadkii dhagax dhigay ama horseeday qaranimada iyo magaca dalka manta soomaaliya la yidhaahdo iyaga oo ahaa dhalinyaro iskood isu xilsaaray ayaa waxaa buuga taariikhda dalka waxay ka galeen baal dahaba hadaan isku dayo inaan idin xasuusiyo iyadoo qof weliba ka dheregsan yahay waa kuwan magacyadoodii ee waa in la xusaa dhamaanteena aaan xil iska saarnaa inaynaan qabyo ka dhigin dedaalkoodii
Dhalin yaradan ilaahay abaalmarin fiican iyo janatul firdowsa hawgu deeqo inta dhimatay inta noolna dib dhaaf iyo nolol cisi leh ilaahay haku dhaafo waxay ahaayeen aabayaashii qaranimada soomaaliyeed waxayna awooda in badan saareen inay soomalida uga digaan dhibaatooyinka qabyaalada jahliga is quudhsiga iyaga oo ku boorin jiray horumarka iyo higsiga wadamada khayrkooda iyo kor u qaadista aqoonta iyo wax soo saarka bulshada soomaaliyeed.
Markii la helay dowladii iyo calankii soomaliya ee ay midoobeen soomali south iyo somali north maxaa laga dhaxlay , waxaa loo doortay madaxweynihii ugu magaca dheeraa geyiga soomaaliya Aadan Cabdule Cismaan Aadancade, iyada oo beelaha qaar tabanayeen cadaalad daro hadana wadanka waxaa ka jiray horumar wax soo saar iyo amaan kala danbayn iyo maamul dowladeed oo dadku u simanyahay kala xigsasho iyo nin jeclaysina uusan jirin waxaana dowladaas ka noqday raysalwasaare Cabdirisaaq xaaji xuseen iyo Cabdirashiid cali Sharmarke iyadoo labadoobada doorashada madaxweynahooda aysan wax cilada iyo carqaalada abuurin bulshaduna ku qanacsanayd .
Waxaa dhacday doorasho waxaana is sharafleh u tanaasulay madaxweyne aadancade iyada oo la doortay madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma,arke waxaa uuna doortay Raysalwasaare Maxamed xaaji ibraahin Cigaal oo ka soo jeeday soomalida gobolada waqooyi
Taas oo keentay in qaybo ka mida soomaaliya ay cajab gelin waydo oo ay sababtay in la dilo madaxweyne cabdirashiid cali sharma arke arintaas awgeed iyo arintaas oo sababtay khilaafka maanta ragaadiyay dalka soomaaliya , waxaa 1969 dalka gebi ahaantiis la wareegay xoogaga melereriga dalka soomaaliyeed oo ay generaalo iyo kornaylo horkacayaan waxaana dawladii dalka lagu qabsaday afgambi iyadoo xisbigii la baxay kacaanka hantiwadaaga soomaliyeed uu qabsaday gebi ahaanba dalka soomaaliya ,
Waqtigaas ayaa waxaa xisbgaa lagu xasuustaa waxqabad badan iyo inuu ahaa bilowgii burburka soomaaliya kadib dagaalo uu ku qaaday wadanka itoobiyaa oo sababay in samaysmaan jabhado ku dhisan xaalad qabiil iyo ururo hubaysan oo ka bilaabma qabiil kuna dhamaada jufo iyo bah bah oo dhaxal siiyay jamhuuriyadii dalka soomaaliya gebi ahaanteed
Aafo dagaal , haybsooc , kala fogaansho,. Kala qaybsanaan iyo dagaal sokeeye , mid maskaxeed iyo mid gacmeed dalkii calanka keliya lahaa waxaa uu yeeshay calamo badan oo kan maanta caasimada ka taagan ee madaw ee ay kooxaha islaamiyiinta qaarkood wataan ugu danbeeyey.
Hadaba waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa 1960kii xornimadii aan haleelnay ayaa waxaa dhaxalkeedii uu noqday inaan hanan kari wayno kuna heshiinweyno hogaanka siyaasadeed ee dalka ilaa ay sababtay inaan u kala qaybsano qurub qurub qoys , qoys, iyo qof qof
Dhibaatada lixaadka leh oo saamaynteedi gaadhay , xagan dhaqan xag dhaqaale iyo xag dhuleed xag nabadgelyo xag caafimaad , xag deegaan iyada oo maanta meel inoo fiyaw ama inoo caafimaad qabtaa aysan jirin ayaa waxaan hadana weli ku maqan nahay sidii inta dadka hadhayna loo dabar jari lahaa inta dhimatayna banaanka loogu soo saari lahaa inta dhalan doonta loo dhalan iyo dhaqan doorin lahaa !!!
Waxaan hadalkayga ku soo afjarayaa maanso aan gubaabo ah oo dhamaan shacabka soomaaliyeed xasuusinaysaa gobonimadii iyo xoriyada soomaaliya qaabkii loo galay
Waxaana maansada ugu magac daray xuskii gobonimodoon
Maansadii Gobonimodoon
Indhawaale maan gelin
Googooska maansada
Iyo goobaahan rabay
Maantaan galbinaya
Waxaan uga golleeyahay
Xaajadan guracantee
Kala gaaf wareega ah
Aadan geesiyaw garo
Arimahan gardiidka
Sida loo gorfeeyiyo
Sida aad u kala guri
Adigaa garaadkiyo
Garyaqaan ahaayoo
Gaadhsiin karaayee
Waqtigii gumaysiga
Gaalada caadaanka ah
Geyigeena joogtee
Ee gees ilaa gees
Gabaldhaca jabuûtiyo
Gaarisiyo kiiniya
Gobolada galbeediyo
Gebigiis waqooyiga
Kii gibil cadaan iyo
Gaalkii amxaarkiyo
Intay gacal wadaagan
Gooni iiga haysteen
Soomalida isgarabtaal
Gedigeed walaaliyo
Gacan qudha ahayeen
Gobol weliba gaarkiis
Gobonimo udirirkii
Go,aan lagu midoobiyo
Gudoon dhacay ayuu aha
In lays garabsadaayoo
Gurmad laysa siiyaa
Geesigii bashiiriyo
Gurmadkii togdheer
Ilaa gaadhay bari sare
Waa tii gaalka saynta leh
Lagu galay hargaysiyo
Gobolkaa sanaagiyo
Gebigiis waqooyiga
Waatii ay gooyeen
Gaalada ku laayeen
Gobolkii ku caanbaxay
Gaaladiidka weligiis
Ilaa guudka sara iyo
Goobihii taleexiyo
Gedigiiba reer sool
Ilaa gaalkacyoo idil
Garoowe iyo nugaaliyo
Goob kastuu dalkeena ah
Galguduud dhexdoodoo
Lagu galay talyaaniga
Gurmadkii isaga yimi
Goonyaha u dhawdhaw
Goobaha ku kala yaal
Geesaha dalkeena
Aan kuu gorfeeyeee
Adna iga gur sheekada
Geesinimada soomaal
Geyigaa aqoonsaday
Guutooyin daa,uud
Gadhqaadaayo oo badan
Yaa mareeg kasoo galay
Koox gaydhamaysoo
Gurdanka iyo guuxiyo
Gudaheeda ceelbuur
Galhareeri joogtaa
Iyana goobta soo galay
Gelinsoor xageedana
Kuman gaardiyayoo
Gaashaanka iyo waran
Waxay gacantu gaadhiyo
Gudima iyo soodhiyo
Garuun aan kasoo tegin
Gariiraysa baa timid
Waa tay galaydheen
Gaaladiina madhiyeen
Xarardheere lagu galay
Lagu gaabshay ceelbuur
La go,doonshay gebigood
Galguduudna laga raray
Kamay gaabsan beledweyn
Gedi waxay isku raaceen
Ilaa gaalka saynta leh
Geyiga uu iskaga tago
Inaan gabar kasoo harin
Garasyaani waatii
Galab guutadiisiii
Gobonimo u dirirkii
Goobta magacu uu yahay
Lagu gooyay gebigood
Galka jowhar laga raray
Gudaha laysla soo galay
Balcad lagu gadaansamay
Gacansaara gaalada
Iyana lagu gudoonsaday
Xamar gudaha loo galay
Dhagax gawda lagu guray
Ragii goostay taladaas
Ee geeystay nabadaa
Gobonimada soo helay
Gumaysigiina naga raray
Geesiyaashii eebboow
Godka aakhiro u nuur
Galadooda deeqsii
Jano lagu gam, aayoo
Gudoonkii barwaaqada
Rabiyaw gu,doonsii
Nimco aan gaboobayn
Naxariisna gaadhsii
Calankii gobta ahaa
Calankii galaysnaa
Cadaw uusan gaadhay
Xidigtii shangeesta
Calankii ku gaadhnaa
Maxaa loo goblamiyoo
Loo guhaadshay gacalow
Maxaa loo gabood falay
Gobonimada lagu nacay
Maxaa geesiyaashiii
Godobta looga gelayaa
Tacabkoodii loo gubay
Maxaa geesiyaashii
Samahay geleeniyo
Wanaagayn gaadaameen
Gebi looga ridayaa
Goblin talo aduunyoow
Geyigeena soomaal
Gobonimo u dirir maleh
Ruux garaadle kuma hadhin
Geesiyaal wadaniyiyo
Rag wax galaya maantoo
Garbaduubka haystiyo
Ka gargaara malahoo
Gedigeen cidlaan nahay
Iyo laguma guuraan!!!
Guulow allahayaw
Gurmad kaaga nagu deeq
Gobonimo geyiggayaga
Markaleeto gaadhsii
Ilaahayaw gandiga iyo
Gafanaha qabiilkee
Go,doon buu na galiyee
Goortaan garan lahayn
Rabiyaw na gaadhsii
Xornimo na gudoonsii
Aamiin aamiin aamiin
Sharax kooban _
Aadan geesiyaw garo= waa saaxiibkay ahna macalinkayga oo aan ku halqabsaday(aadan cabdiqaadir foodle)aadan luzerno
Geesigii bashiir =waa sheikh bashiir oo kula dagaalami jiray gumaystaha gobolka Togdheer
Guutooyin daa,uud = waa sheikh daa,uud culusow oo ahaa gobonimo doonkii gobolada dhexe kula dagaalami jiray gumaystihii talyaaniga
Garasyaani= waxaa uu ahaa nin caana oo talyaaniya waxaa soomalidu ku dishay meesha hada la yidhaahdo garasyaani oo u dhaxaysa beledweyne iyo buula barde
Fiiro Gaara : geesiyaasha ama gobonimo doonka aanan xusin ugama tegin xumaan ee si guud ayaan u xusay khaafiyada maansada ayaana ii saamixiwayday ,
gobolada aanan sheegina sidoo kale
Waxii qalada ee aad ku aragtaan waad iga waydiin kartaan qoraalka iyo maansada waana ka cudur daaranayaa .
Wabilaahi Tawfiiq
Waa qaliinkii iyo Hal_abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
_________________________________________________________ |