Waa Maanso Ka hadlaysa Qabuuraha la qodayo iyo xadgudubyada lagu hayo diinta islaamka (Maansadii Qiiro)

Maansadii Qiiro
 
Ra'yi
 29 Mar 2010
 

Maansadii Qiiro

 

Maansadan waa maanso qiiro ah oo aad iyo aad tiiraanyo u leh waxaanan igu dhaliyay markaan arkay ayaandarada iyo magacxumada iyo xaalada qadhaadh ee maanta umada soomaaliyeed ku jirto markay dhaafnay dulmigii lagu hayay umada nool waxaa la gaadhay in umad mar hore dhimatay ilaahay haw naxariistee oo lafahoodii dhamaadeen oo ilaahay xisaabayay in laga dabo tago  waxaa wax aad loola yaabo oo laga murugoodo ah ficilada ay ku kacayaan  kooxaaha sheegaanyaa islaamiyiinta ee diinta islaamka sida badheedhka ah  ugu xadgudbayaa  waana tan maansadii QIIRO

 

Indhawaale qaafkeed

Murti qaayaheediyo

Suugaan qoraalkeed

Qowlkeeda  gaarka ah

Qiimaha  tixdeediyo

Qaamuuska lagu dhigay

Qalbigaan ka jarayoo

Qiyaasteeda waan dhigay

 

Qaladaadka dhacayiyo

Aduunyadan qaribantee

Qowlkii raxmaankiyo

Quraankiyo kitaabkii

Qisaskii dhabta ahaa

Qaadir amaradiisiyo

Qumanoow rasuulkii

Qaabkuu inoo baray

Inta laga qaloociyay

Qilaafka iyo beentiyo

Qatliga iyo xumaantiyo

Qiilka looga dhigayaa

 

Qiira igu abuurayoo

Inaan gabay qotomiyiyo

Geeraar qulquliyiyo

Maanso igu qasbaysoo

Maskaxdaa qarxaaysoo

Qalbigaa holcaayoo

Jidhkiibaa qadhqadhayoo

Gedigayba qullubiyo

Qamibay hadheeyoo

Qandhaa igu dam tidhiyoo

Waxaan ahay qaracanoo

Qaban waayay jiifkoo

Feker baan qandoodaa

Qurbaan ciil la  joogaa

 

 

Umadaa la qalayee

Qaybaha jidhkoodii

Qoortaba la gooyee

Qurubyada la jarayee

Qaarkood la qixiyee

Qoraxdiyo dabayshiyo

Qasaaraha la badayee

Qaxarkiyo xanuunkiyo

Qoomamada ku nooliyo

Qabuuraha la qodayee

Qalfoofkaa la gurayee

Waa hore qulqulayee

Qarniyaasha duugnaa

 

 

Qiira igu abuurayoo

Inaan gabay qotomiyiyo

Geeraar qulquliyiyo

Maanso igu qasbaysoo

Maskaxdaa qarxaaysoo

Qalbigaa holcaayoo

Jidhkiibaa qarqaraayoo

Gedigayba qulubiyo

Qamibay hadheeyoo

Qandhaa igu dam tidhiyoo

Waxaan ahay qaracanoo

Qaban waayay jiifkoo

Feker baan qandoodaa

Qurbaan ciil la  joogaa

 

 

Qaaradaha aduunyada

Qowmiyad sideena ah

Qaladaadkan falaysaa

Qaribaysa  diintoo

Qabuuraha qodaysoo

Maydka aan qadarinayn

Il ka qaadi maysidoo

Qiso kuma maqlayside

Quruumihii horeetiyo

Qoomkiisaa caadiyo

Qoladii samuudiyo

Qaylada umaddihii

Qaar lagu halaagiyo

Iyo kuwii qarqamayee

Qoomkii fircooniyo

Qaduuciintii waa hore

May qodin xabaaloo

Qabuuraha ma faagine

Qoomkan madaxa duubani

Qaadiru inuu halaagiyo

Qalal idinku rida ooo

Aad qasaare mudataan

Qiraad farandulaysiyo

Qaansiir in laga dhigo

Qasa iyo xumaatiyo

Kama Qoofayaan ceeb

 

Qasaneey aduunyoow

Qarnigii yimaadaba

Qoraxdii baryaysaba

Qarib aadan aragiyo

Qisa lagu arkaayoo

Qadar kama dhamaadee

Qarankeena dumayee

Umadeena qalan iyo

Shicibkaa qaxayee

Qoomamadan ku noolnaa

 

 

Qiira igu abuurayoo

Inaan gabay qotomiyiyo

Geeraar qulquliyiyo

Maanso igu qasbaysoo

Maskaxdaa qarxaaysoo

Qalbigaa holcaayoo

Jidhkiibaa qarqaraayoo

Gedigayba qulubiyo

Qamibay hadheeyoo

Qandhaa igu dam tidhiyoo

Waxaan ahay qaracanoo

Qaban waayay jiifkoo

Feker baan qandoodaa

Qurbaan ciil la  joogaa

 

Qayuumoow alahayoow

Qafaaroow alahayoow

Qaniyoow alahayoow

Qaadiroow alahayoow

Qoomkii ku tuugaa

Marna kuma qasaaraan

Qoomkii ku tuugaa

Adiganan qadinoo

Ducadoodaa qaadoo

Qaadiga aduunyadu

Qahaar adiga weeyoo

Qisaas baan ka daalnoo

Qabiil iyo xumaaniyo

Qatli iyo dhibaatiyo

Qayirkii aduunayadu

Qoom uu asiiboo

Ku qandoodsadaanee

Ilaahay mar na qaad

Qalbigeena samahiyo

Qushuuc geli raxmaankoo

Qufulkiisa shaydaan

Iyo dabinkuu qooliyo

Qiyaanada ibliiskana

Raboow adigu naga qari

Wax kastoo qalbigu naco

Ilaahay mar naga qaad

Qaranimana noo dhali

Dowlad qaaliyoo wacan

Qayimoow alahayoow

Quluubteena daahiri

Danbi oodhan naga qaad

Qaadiru raxmaanooow

 

Aamiin aamiin aamiin

 

Waa Qalinkii iyo Hall_abuurkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Abdirihiin1@hotmail.com

 

 

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

_________________________________________________________