Dowlad iyo Mucaarad Midna Dadweynaha  Dan uma Wado

 Waxaan ahay Duqayn iyo inay  Dilaan oo Guryahooda Dumiyaan

Ra'yi
 4 February 2010
 

Waxaa mudo dheer dadku sanad walba saadaliyaan inuu sanadku markuu bilowdo isbedel siyaasadeed nololeed iyo nabadeed iman doono waxaa umada soomaaliyed gaar ahaan  bartamaha iyo koonfurtu ay noqdeen xarunta geerida gulufka iyo gebegabaynta shacabka

Goobaha kale waxaa iyagana ragaadiyay musuqmaasuq iyo abaaro iyo cadaalad daro

Dadka haysta maamulada aysan wax haba yaraatee adeeg bulsho ku qabin.

Hadaba  waxaa is waydiin leh ama wax lala yaabo ah arimahan aan soo sheegnay ee ah in qaybo ka mida nabadgelyo la,aan iyo colaad iyo qax iyo rafaad iyo dhiilo ka taagan tahay

Halka kuwa kalena  ee maamulada ka jiraan iyo nidaamkuna ay haystaan

abaaro biyo la,aan cadaalada daro adeeg bulsho la,aan ka taagantahay

Saw lama odhan karo waa habaar kudhacay umada soomaaliyeed iyo in umada soomaaliyeed

Ay iyadu kasbatay masiibooyinkan haysta .

Hadaba  hadaan qormadayda u soo noqdo waxaa mudo sanad ku dhawaada gobolada koonfureed iyo bartamaha ku dagaalamayay  dowlada KMG iyo kooxo mucaarada oo ku abtirsada magacyo diimeed aysan ka run sheegin.

Waxqabadka dowlada waxuu ku koobanyahay sida aan qoraalo horeba ku sheegay 550 xildhibaan oo ma liibanayaal ah kuna nool dhiiga iyo dheecaanka umada dhibaataysan

Iyo 38 wasiir oo midna hal waax oo wakaaladiisa ka mid ah aysan shaqayn wasaarad kastaa waxay yeelan kartaa ilaa kontomeeyo waaxood  oo kala duwan oo loogu talogalay adeega bulshada iyo laamo iyo firqooyin  hadaba waxaa intaas usi dheer dowlada KMG ah inay haysato ciidaan aad u badan oo la macno ah buunshada ama xasha ka soo hadha raashinka oo magac u yaala oo aa awood u lahayn meeshay ka taliyaana inay nabad ka dhaliyaan meelna aan qabsan Karin oo hadimo waxyeelo dhibaato ku hayaa shacabka fara ku tiska ah eek u soo hadhay deegaamada ay  dagaaladu ka dhaceen. iyo kooxo afrikaana oo dabar jar ka wada kana daran itoobiyaankii shalay waayo sharciga u saamaxayaa inay duqeeyaan shacabka ee aan u saamaxayn inay toos u dagaalaman dowladana taageeraan waa sharci aan caalamka ka shaqayn sidaa awgeed wa cudur cusub oo soomaaliya isaguna soo galay in ay dhexdoodana is dilaan cadowna isu adeegsadaan ama ha cadaado ama ha madoobaado .

Kooxaha islaamiyiinta ah  oo awal hore ku galay shacabka  barnaamijka keliya ee banaana ee lagu dagi karayay oo ahaa umada soomaaliyeed oo muslin oo jecel diintooda  inuu yahay diinta oo magacyo diimeed soo xanbaartayoo allheblaayo ka wada bilowda .

 balse ka aafo iyo inkaar iyo awsimaad laga dhaxlay iyo dhibaatooyin badan mooryaantii shalay iyo hogaamiye kooxeedyadii lagu arag oo aysan samayn ama aysan keenin  aduunka waxaa qofka ama ururka ama dadba lagu amaanaa wax qabadkooda balse  kooxaha islaamiyiinta sheegta islaamka inay ka been sheegeen waxaa marqaati ka ah ilaa hada ma jirto hal meel oo ay ka taliyaan oo waxqabad dhaba ay ka mujiyeen waxay dilaan shacabkan way gaaleeyan shacabka waxay qixiyaan shacabka waxay qarxiyaan shacabka waxayna qalabka ku haystaan shacabka waxay qafaalaana shacabka waxayba qabqabtaan shacabka. Waxay ka shaqeeyaan qasaaraha iyo qalalaasaha shacabka .

Taas waxaan odhan kartaa dowlada iyo mucaaradkeedu waxay ku midaysan yihiin  dhamaaynta iyo dhawaaca iyo dhiilada shacabka soomaaliyeed maadamaa midna dhinaca uu joogo lagu baxsanayn.

Waxaase la yaableh haddii la tiro dadka dibka wadaa waa dad faro ku tirisa waxaa umada soomaaliyeed ka buuxaa aqoonyahan  waxgarad dhalinyaro odayaal culumo aan dhib gaysan

Haday iskaashadaan oo ay cadowgan labadada dhinaca ka cunayaa gacanta ka taagtaan oo u sheegaan inay ku dhexdhinteen midkoodana dhaawacooda dawayn  dhabna uga run sheegaan

Dhinac xigsada iyo kan ayaan dhalasho wadaagnaana  iska dhaafaan miyaysan dhalinkarin

Nabad dhidibada loo taago haddii nabad dhidibka loo taago waxaa  la dhadhamin karaa

Dheefteeda waxaana loo gudbilahaa dhismo qaran iyo soomaali dhamaanteed isku dhinac ah

Mar walba waa inaan xasuusnaana inaan dhibaatada manta taagan dhamaanteen ka qayb qaadanay ama qalbiga ka taageer ama qolo ku taageer ama qarash ku taageer ama qori ku taageer ama qalad ku taageer  balse qarankii soomaaliyeed manta qabri ayuu ku jiraa qaybtii soo hadhayna  waa qaxoonti banaanada iyo qurbaha quban qolo walbana meesheedaa ayaa qaxarka iyo qasaaruhu ku haystaa .

In qaadir loo noqdo oo qurbajoog iyo qorfa joog iyo qabri joogba  gacmaha lays qabsado

In qaladka la saxo oo qabiilka la naco oo qaranimo la doono oo qilaafka la soo afjaro oo qof walba  waxqabadkiisa lagu qiyaaso laguna qoondeeyo ayaa qayrku jiraa

Waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa tixdan gaaban

Dhismo dowladnimo iyo

Dhaqan gelin shuruuceed

Dhimashada dadkaygiyo

Dhaawacooda maaheee

Naga dhaafa  dhiilada

Dhibaatada dadkeeniyo

Iyo dhabarjabkeeda

Dheef laguma helayee

 

Diinteena dhawrsoon

Dhidibyada islaamkana

Meel ay ku dhigantahay

Dhiilada colaadiyo

Dhagarta ruux islaama

Dhiigiisa nimanyahaw

Dheef lagu helaayiyo

U dhawaansho eebahay

Kamaan dheehan diintee

Mawlana ma dhihinoo

Aayadi ma dhigaysee

Naga dhaafa dhiilada

Iyo dhabarjabkeeniyo

Dhalanteedka beenta ah

 

 

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Abdirihiin1@hotmail.com

 


 

 

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

_________________________________________________________