Caadifada Dr Culusoow, Ceebayta Madaxweyne Shariif , U codaynta Mucaaradka ma Cadaaladbaa mise waa Cadaalad daro???
Waxaan qormadan ku wajahayaa qoraal uu ugu magac daray booqashadii laga dhaxlay rajo xumo iyo islaam ka carar siyaasiga caanka aha ama nabadoonka
Dr Culusow hadaba aniga oo aan ka daba qaadanayn Drka waxaan doonayaa inaan saxo shaqsiga bani aadamka ah xor ayuu u yahay fekerkiisa mucaaradida iyo taageeradaba waxaasa muhiim haddii aad fekerkaaga bulshada soo dhexdhigto ama aad microfoon ku baahiso ama aad qalin ku baahiso inaad
Qoraalkaagu ama odhaahdaadu ku fadhido oo salka ku hayso xaqiiq
Waxaan tixraac ku samaynaynaa dr culusoow iyo qoraalkiisa ilaa mudadii
Dowladii cabdilaahi yuusuf uu xilka ka hayay laga eryay waxaa uu noqday mucaraad jago u dirira oo doonaya siduu uu miidaamka siyaasada soomaaliya uga muuqaan lahaa hadaba marka laga hadlayo baratan ama tartan ama is muujin waxaa jirta wajiyo badan oo qofku ku muujin karo dedaalkiisa siyaasadeed iyo dariiqa uu ku heli karayo hadafkiisa nololeed.
Dr Culusoow ayaa waxaa ilaa hada uu ku jiraa guluf dhamaaday waqti hore
Iyo gubaabo cimrigeedii dhintay waayo maanta waa laga gudbay (tolaay yaa reer hebel ah) xaaladu waxay maraysaa intii isku mabda,a iyo iyo intii isku mowqifa waxaa Drka ma muuqata Digtoor tolkiis kama jano tago oo aan ula jeedo isaga oo u haysta maanta dagaalka muqdisho ka socoda madaxweyne abgaal ah oo habargidir mucaaradayso balse waxbaa ka bedelan arintaas
Waayo aa madaxweyne soomaaliyeed oo habargidir difaacayso abgaalna mucaaradayo waxaa kale oo ka dhaadhacsan drka inuu Sheikh xasan Daahir
Taagan yahay booskii generaal caydiid oo uu duminayo dowladii cali mahdi oo kale balse waxbaa ka bedelin nabadoone . sheikh xasan waa nin soomaaliyeed oo mucaaradka u wata ujeedo gaar u ah isaga oo aan khusayn beesha habargidir iyo cayrtoonaa.
Ma jeclayn inaan qormooyinka ku xardho arimaha noocan oo kale ah
Ama qabaa,ilka soomaaliyeed magacyadooda mana jirto beel aan ku duulaan ahay anigu ka shaqsi ahaan.
Balse maanta Dr iyo profoser iyo ganacsade iyo waxgarad iyo waayeel iyo dhalinyaro iyo haween way ka dheregsan yihiin kuwa dalka joogana waxaa uga war roon kuwa dibada joogaa .
Dr culusoow waxaa uu caadaystay qoraal dhiilaysan oo weliba xanbaarsan qadiyad qabiileed inuu soo dhigo websityada qaaska ah ee beeshaa inkastoo meel kasta qabyaaladu gashay hadana dr culusoow waxaa uu ku talaxtegay
Maanta nafsadiisa waayo nacayb aad shaqsi neceb tahay waxaa ka haboon
Inaan mawqif ama hadaf siyaasadeed ama urur dastuurkiisa iyo dhaqankiisa ma dowlad habsami socodkeeda diido maahee inaay qof kaa dhigto waa mid lala yaabo shariifka waa madaxweyne soomaaliyeed qof kastaana waa taageeri karaa waana mucaaradi karaa dhaliishiisana waa muujin kara.
Balse yaa arkay weli Dr culusoow oo alshabaab qoraal ka dhan ah gumaadkooda qoray . yaa arkay Dr culusoow oo hadalada naxariista ka fog
Ee alshabaab iyo sheikh xasan daahir wax ka qoray .
Waxaan maqaale igu soo gaadhay in Dr culusoow uu xil waydiistay dowlada uu madaxweynaha ka yahay shariifka in lagu daro maamulka meelo badana wuu soo maray weliba xaga lacagta ii dhaweeyaa ayuu dhahay waxaana loo sheegay in 4.5 Wax lagu qaybsaday beeshuna leedahay sadex wasiir iyo wasiir ku xigeen weliba wada muhiima
Qaasatan jufadiisa leedahay wasiir iyo wasiiru dowle haddii dowladu jaanqaado oo wasaaraduhu shaqeeyaana in agaasimaha boostada iyo isgaadhsiinta ama agaasimaha wasaraada jaaliyadaha laga dhigi doono ama meel kale wax looga baadhi doono.
Waxaa uu aaminsan yahay Dr culusow in lacag meesha lagu kala qaybsanayay laga qadiyay hadaba oo taas ayaa sababteeda leh inuu afka labadii yeero wax afkiisa ka baxayaana aysan dhagihiisu maqlin .
Anigu marnaba in wax la muaacarado oo afka laga mucaarado oo dhaliisha dowlada iyo kooxaha islaamiyiinta ah iyo maamul kasta oo soomaaliya ka jira aqoonyahanada iyo dhamaan bulsahda rayidka ah
Afkoodaa ku ciil baxaan waa arin muhiima iyo xoriyatul qawl laakiin waxaan leeyahay Dr Culusoow dagaalkii afarta bilood waa dhamaaday meeshana cali iyo caydiid iskuma hayaan. Marka kobaad.
Marka labaad Dr hadaad muwaadin tahay oo aad danaha dalka ka fekerayso dalka iyo dadkaa kuu baahan ee kuwa qaxay maad wax u qabatid oo aad ilaahay dartii
Caafimaadka aad abaratay iyo aqoontaada ugu gargaartid mise hadaan lacag laga helayn waxba kaama gelin.
Marka sadexaad xil aflagaado laguma helo iyo brobagaando ee dedaal iyo dadnimo iyo nasiib iyo karti ayaa lagu helaa ee kaartada bedel oo Dr culusoowoow Dadkaaga Dhinac ka raac yaanu daadku kula tegine Aayaan ku soo afjarayaa qoraalkayga.
Bulshada soomaaliyeed waxaan u sheegi lahaa qabiil wax haku nicina hana ku mucaaradina hana ku taageerina ee nin iyo kartidiis waxqabadkiis wadaniyadiis iyo waxgalkiis .
Wadaadadiina way is hayaan waxaana inshalaah guulaysan doona kii xaqa u dhaw oo daacadnimo ku jirto siyaasiyiinta way aamuseen waxay hadli doonaan mar xeedho iyo fandhaal kala dhaceen Aqoonyahankii waa iska tegay waxuu soo noqon doonaa waqti aan loo baahnayn. Waxgaradkiina waa la dhameeyay waxa yar ayaa ka soo hadhayna waa loo hanjabay waxaase imaan doonta maalintoodii iyaga oo xora oo dalkooda iyo dadkooda u adeegayaa inshalaah
Haweenkiina waa la dhibay dhalaankiina waa la dilay oo waa la dhameeyay oo waa la qixiyay dowlad iyo mucaarad midna ma oga ilaahay ayaa u maqan waxaa iman doonta maalintoodaa inshalaah .
Wabilaahi tawfiiq
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
_________________________________________________________ |