Gudi ka tirsan UN-ka oo xaqiijiyay in ay Hay’adda WFP raashika ku iibsadaan suuqyada waaweeyn ee Soomaliya loogu talo galey iyo Masuuliyiin ka tirasan Dowlada Soomaliya dhinac ka ah eedeynta.

Calayaale News
 10-March2010 Calayaale warkii dalka

Gudi ka tirsan qaramada midoobey oo howshooda ay aheyd la socodka howlaha Baniaadam nimo ee dalka Soomaliya ka qabto fadhigiisuna ahaa markii hore magalada Nairbi ee dalkaasi Kenaya balse hadda u wareegay Dhinaca Xarunta UN-ka ee magalada New York oo Xafiskooda Amaanka dartiis loo geyey waax lagu wada in ays oo saran warbixin Buuxda oo la Xiriirta hay'ada WFP iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Dowlada Soomaliya ee Musuqmaasuq ku shaqeysta .


Warbixin si hordhaca loogaga helay Ergadaan dabagalka Howlaha Bani aadamnimo ee Qaramada Midoobey u qaabilsn Dalka Soomaliya ayaa waxaa ay sheegeysaa in Raashinka ay keento Hay’adda WFP ee gudaha dalka Soomaliya lagu iibiyo suuqyada ee aan loo geyn dadka dhibateysan haba yaratee laguna arki karo inta badan Gobolada dalka Soomaliya oo suuqyadooda lagu iibinaayo xiligan iyo muddo dheerba, balse arintaas waxa gaashanka u daruurey madaxda Hay’’adda WFP ee isla UN-ka oo shaca ka qaadey in ay barayaan arintaan ee aysana jirin wax soo gaarey oo arimahaas la xiriira .

Sidoo kale waxa ay warbixinu sheegaysaa in ay jiraan wasiiro iyo xildhibaano ku jira Dowlada Soomaliya iyo walib Diblomaasiin Soomaaliyeed oo ka ganacsada fiisooyinka diblomaasiyiinta ee lagu aado dalalka reer galbeedka siiba Qaarada Yurub oo halkii xaboba lagu iibiyo wax ka badan 10.000 oo doolar mareykanka ah iyo 15.000 taas oo ay u iibiyaan dilaaliin suuqyada ay u dirsadaan.

Warbixintaan ayaa sida ku xusan waxa la filiya in farta laga Saaro Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Mr Banki Moon oo asgu ah Madax ugu sareeya ee Qaramada midoobey iyo waxyabihii uu ka dhihi laha .

Waxa kale oo warbixinta ku jirta in maamulka Puntland ay si buuxda u taageraan burcad badeda maraakiibta keenasata maamulkooda ayna soo dhaweeyaan isla markasna ayasan waxba ka qaban inta badan ama kooxaha burcad badeedda ah

Arintaan ayaan lagu xusin cida sida rasmiga u iibsata raashinka balse waxa lagus oo koobey in shaqalaha ay sidaas ku kacaan iyadoo ay haatan Hay’adda WFP ay ka mamnuuceen kuunfurta dalka soomaliya in ay ka howlgasho Gobolada ay gacanta ku hayaan kooxdda alshabaab ee koonfurta Dalka soomaliya madama ay beeraleyda Soomaliyeed wax soo sarkooda la dirireyso.sida ay sheegeen al shabaab

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

aduunyo5@yahoo.com

Maxamuud XAsan Cumar

Muqdisho somaliya

002521/5506210

Muqdisho somaliya

 

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 
                                                 Read Akhriso
              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com