Madaxweynaha Dawladda
Federaalka Saoomaliya Sheekh
Shariif Axmed oo sheegay in
dowladdiisu ay la
dagaalamayso kooxaha kasoo
horjeeda ee dagaalka ka wada
gudaha dalka
Calayaale News
09-March2010 Calayaale warkii dalka
Madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir
jaraa'id ku qabtay Hotel Al-Xayaat ee Magaalada London ayaa
waxaa uu sheegay in ay qasab ku tahay dowladdiisu ay ka go'an
tahay inay dagaal la gasho kooxaha ka soo horjeeda.dawladiisa
isagoo haatan ku sugan gudaha dalka ingiriiska oo uu lugtii
labad hatan ku joogo isaga iyo wafdi uu hogaaminaayo oo halkaasi
gaaray , ka gadaal markii uu martiqaad rasmi ah ka helay
Xukuumadda ingiriiska
Madaxweeynnuhu waxaa uu yiri Dowladda waxaa ka go'an inay dib u
soo celiso Nabadii iyo sharcigii lumay ee uu lahaan jiray dalka
soomalaiya , waxaana ku qasbanahay oo inaga go'an si ay taasi u
hirgasho waa inaan dagaal la galno kooxaha Al qaacidfadda ah ee
dalkeenna ku soo duulay oo doonaya ain ay qabsadaan isla
markaasna diidan nabadba iyo sharciga " ayuu hadalkiisa sii
raaciyay madaxweeynaha dawladda fedewraalka soomalaiya Sheekh
Shariif.Axmed
Shiikh shariif Wuxuu sheegay in dagaalka uu la galaayo
kooxahaasi ay dowladdiisa gacan weeyn ka siinayaan Ciidamada
Nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan Gudaha daalka Gaar ahaana
magaaladda Muqdisho, halka dhanka cirkana ay ka taageerayso
Xukuumadda dalka Mareykanka, wuxuuna sheegay in caalamka uu ka
codsanyo gargaar.deg deg ah oo lagu caawinaayo umadda
Soomaliyeed
"Madaxweeynugu waxaa kaloo uu intasi sii eaaciyay Ciidammada
AMISOM ee ku sugan Magaaladda Muqdisho waxay gacan ka geysan
doonaan sidii dalka looga saari lahaa kooxaha mucaaradka ku
ah,dawladda iyagoo ka barbar dagaalami doona ciidamadeenna lugta"
ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda federaalka Somaliya. Sida auu
shirkiisa jaraa’id ku sheegay
Madaxweynaha Dawladda Soomaliya sh. Shariif waxaa kaloo uu ka
hadlay BurcadbadeeddaSoomalida ee dhibaatadda ku haysa
Maraakibta shisheeye ee iskaga kala gooshta biyaha caalamka
isagoo ku sheegay inay qayb ka yihiin dhibaatada ka taagan dalka
Somaliya, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay Kooxaha burcadda ah ee
haatan dhawrka bilood afduubka au haysta inay lamaanaha u
dhashay dalka Ingiriiska in ay si shuruud la aan ah ku sii
daayaan
Dhanka kale, Sheekh Shariif sh axmed wuxuu gurigooda ku booqday
qoysk ay kasoo jeedaan lahaaystayaasha ingiriiska eek ala ah
Paul iyo Xaaskiisa Richel Chandler oo lagu haysto gudaha dalka
Somaliya, kuwaasoo kooxaha ku haysta afduubka ay dalbadeen in
laga siiyo madaxfurasho lacageed.