Minnesota:- Soomalida Minnesota ayaa si
kal iyo laab ah u soo dhaweeyey Amiir Mohamud Yusuf Ciise oo ka
mida Isimada Puntland. Waxaa xafladdaan oo casha sharaf ahayd ka
hadlay dhammaan Isimada Soomaliyeed, Culumo awdiin, Aqoon yahano.


Ahmed Mohamed Warsame Islaam ayaa ku soo
dhaweeyey Amiir Mohamud inuu Qudbo u jeediyo Soomaliweynta dagan
Minnesota wuxuuna yiri Beeshayda ayaa dooratay waana Islaamkii
labaad Amiir Mohamud waana soo dhaweynaynaa haddii aad
tiraahdaan maxaad ku fasheen Isimkaan labaad Islaam ayaad
leedihiine waxaan idin leeyahay haddii aad geed liin ah beeratid
oo liin macaan kuu dhalo soo geed kale ma beeranaysid macaanka
ay leedahay ayaan helnay sidaas ayaan Amiir u samaysanay.

Amiir Mohamud ayaa kumanaan Soomaliya oo
Golaha Dhaqanka Soomaliyeed hor kacayaan usoo dhaweeyeen si
diiran Amiir Mohamud ayaa khudbadiisa kaga hadlay Taariikhdada
Soomalida wuxuuna sheegay in ummadaha kale ay qortaan
taariikhdooda laakiin Soomalida ay yihiin kuwo Taariikhdooda
umado kale ay u qoreen.
Amiir Mohamud wuxuu tilmaamay in Soomalidu ay
isku meel ka yimaadeen isku Diin, yihiin isku Luuqad yihiin,
isku midab yihiin. waxaa daliil u ah in Taariikhda naloo qoray
waxaa la yiraahdaa qaar baddan ayey soo mareen qaarna kor iyo
Cirka ayey ka yimaadaan laakiin taas waa been waxaa u daliil ah
ayuu yiri Amiirku Soomalida taariikh ahaan lama hayo Reer Reerka
kale Diinta soo galiyey oo ku qasbay ama luuqadda ay lahaayeen u
diiday oo mid kale ku qasbay.
Amiirka ayaa codsaday in taariikhda Soomalida la qoro lagana
fagoodo wixii Soomalida kala dilay wada dhalashadooda. Amiirka
ayaa ka hadlay Soomaliya Dowladda Puntland xaaladda Gobalka
Mudug iyo Shaqaadadii ka dhacday. wuxuu Amiirku si tiiraanyo leh
warbixin uga dhiibay una tacsiyadeeyey una duceeyay Wasiirka
Warfaafinta Puntland oo mudo dhowr Bilood ka hor ah dablay
Hubaysan ay toogasho ku dileen Amiirku wuxuu amaan gaara u soo
jeediyey Beesha marxuumku ka soo jeedo.
Sidoo kale Xafladda lagu soo dhoweeyeynaayey
Amiirka ayaa waxa ka hadley Sulddaanka guud ee Beeslaha Tunni
Suldaan Faqi Siyid Faqi Sulddaan Faqi,wuxuuna si marxabbeysan u
soo dhoweeyey Amiirka Maxamed Yuusuf,asagoo u mahad celiyey
dhammaan Soomaaliweynta ka soo qeybgashey soo Dhoweynta Amiirka.
Ka dib Sulddaan Faqi ayaa Umadda Soomaaliyeed
ugu baaqey inay iscafiyaan oo ay gacmaha isqabsadaan,soona
celiyaan Midnimadii iyo karaamadii ay laheyd umadda
Soomaaliyeed,wuxuu yiri Sulddaanku dalka dhibaato badan ayaa ka
dhacdey Soomaalida dhaqankii Wanaagsanaa ee lagu yiqaanney ee
Martigelinta dadka u yimaada qaran jab iyo dhaqan burbur ayuu u
keeney qalalaashihii ka dhacey dalka soomaaliya Sanadihii aan
soo dhaafney.
Sulddaan Faqi ayaa yiri markii uu burburku
dhacey Soomaalidu Dalka Dibaddiisa iyo gudihiisa ayey ku kala
qaxdey,kuwii Dibadda u qaxey Si bani aadanimo ah ayaa loo soo
dhoweeyey,ha yeeshee kuwii gudaha ku qaxey ee Walaalahooda kale
u martiyey oo la filaayey in Sidii Dhaqanka Soomaaliyeed ee
Wanaagsnaa loo soo dhoweyn jirey loo soo dhoweyn lahaa,la tusi
lahaa inaaney marti aheen ee ay u yimaadeen walaalahooda;ay isku
beddeshey Xadgudubyo aad u fara badan oo dhaawacey Dhaqankii
Wanaagsnaa ee Soomaaliya caanka ku aheed,wuxuuna Sulddaanku yiri
Dadka Digil iyo Mirifle ee ku harey Dalka soomaaliya dhibaatadii
gaartey waad Xasuusan tihiin.
Sidaas darteed Sulddaan Faqi ayaa Umadda
Soomaaliyeed ugu baaqey inaaney mar dambe soo laabanin dhaqan
Xumadaas iyo ceebtaas soo gaartey dhaqankii Wanaagsanaa ee
Soomaaliya caanka ku aheyd,islamarkaasna la daaweeyaa nabaradii
gaarey Walaalaha Soomaaliyeed oo dhan ay xadgudubyadu gaareen.
Dhinaca kale Sulddaan Faqi ayaa walaac
xooggan ka muujiyey inuu sii lumayo oo uu sii dabargo