Dhurwayga kan
ciyaayo, waxaa ka xun kan aamusan
Muqdisho waxay
Caawa Marti u tahay, Soomaali in ay midowda .
Muqdisho waxay
caawa Marti u tahay, in aanan taladeeda mar kale
laga weydiin, nin aanan aqoon u lahayn
qiimaheeda. .
Muqdisho waxay
caawa marti u tahay, Hawiye oo ka gudbo dalka
iyo dadkiisa ha lagu maamulo qaab qabiil .
Muqdisho waxay
Caawa marti u tahay in ay Mudulood iyo
Madarkicis ka gudbaan kibir, shaar been ah oo la
gashto, .laysuna geliyo iyo dantayda ha laga
hormariyo.cadaalada
Muqdisho waxay
caawa Marti u tahay culimadeeda iyo dadkeeda oo
guushooda u bedalaan, allah ka cabsi looga gudbi
kibir iyo annaga haddii nahay reer hebel.
Dad badan oo
Soomaaliyeed ayaa isweydiinayo, maxaa isbedelay
Xamar-Cade kol haddii ay saaxada ka baxeen
dhurwaayadi joogay Muqdisho, kuwoodi qaylada
dheeraaaaaa. maxaase la gudboon dadka ku nool
Muqdisho iyo akhyaartooda in ay ka yeelaan
humaaga siyaasadeed, diineed iyo dhaqaale ee
ku hareeraysan maamul adag oo ay yeelato
Muqdisho ,kana qaado halka ay tiilay lix iyo
toban sano oo cujaaf(Abaar) ahaa.
Jawaabta waa mid
aad u gaaban, balse aan filayo in aynan u muuqan
inta uu weli ku jiro damac ah, in ay wax ku
noqdaan guul ay u tirinayaan qabiil xume, wadaad
xume, Siyaasi xume, maal xume iyo xuma walbo oo
aanan ku taagnayn waddada toosan ee ilaahey noo
tilmaamay.
Xamar Cadde waxaa
ku soo kordhay in ay ku noqotay siduu xaalkeeda
ahaa habeenki xamar loo yeelay xuduudyada, bishi
April 1991, xabad-joojinti dagaalki ahliga ahaa
keddib.
Barti Qabiilka waa
sideedi ,waxaa isbedelay oo kaliya, in barti
laga furtay qabqablaha dagaal, laga furay
Maxkamad qabiil oo uu horkacayo Wadaad ka soo
jeedo beeshi uu ka soo jeeday qabqablihi afka
dhulka loo daray. Taana waxaa siyaada ku ah ,in
uunan ilaa iyo hadda wadaadada Xamar u dhaxayn
khilaaf siyaasadeed iyo mid dhaqaale, maadaama
aynan weli fursad u helin, ka wada hadalka in ay
howshooda u bedalaan howl lagu nasto , ilaahey
idinkiis.
Dadka ku nool
Muqdisho iyo akhyaartooda waxaa la gudboon in ay
qaataan talooyinka wanaagsan oo ay isu
jeedinayaan, Soomali-weyn intooda jecel,
dalkeena oo mar kale lagu soo celiyo kala
danbaynti iyo sharciga oo shaqeeyo, lagana
ilaaliyo ku sii dhax jirrida u adeegida dana
gurracan iyo dagaalo u dhaxeeyo dad ehel ah oo
aanan lahayn meel looga dhamaado ,in ilaahey loo
towba keene maahine.
Sidaa darteed
waxaan reer Muqdisho u soo jeedinyanaa
talooyinkan .
1) wadaadada waa in
ay howshooda u horeyso ka bilaabaan, si wada jir
ah in ay ugu dhawaaqaan ,in dadka xoog ku haysto
Guryo, Beero iyo Xoola aynan lahayn, dib ugu
celiyaan dadki iska lahaa mudda bil gudaheeda
ah, iyo tilaabada laga qaadayo ciddi aanan fulin
amarkaas.
2) in wadaadada
Soomaliyeed ee ku nool Muqdisho guud ahaan, ku
baaqaan gogol ay kaga wada hadlaan sida ay
bulshada Reer Muqdisho inteeda kale ugala
kaashan lahaayeen, maamul u Sameynta Caasumadda
Soomaliyeed iyada oo tixgelin xoogan la siinayo
arrimahan.
A)diinta
islaamka oo asaas u noqoto sharciyada lagu
dhaqaayo caasumada dalka iyo guud ahaan dalka
Soomaaliyeed .
B)in
doorashada madaxda maamulka Muqdisho lagu
saleeyo, inta badan doonistooda, lagana
dheeraado waxaan nahay reer hebel.
3) Maamul u
sameynta Muqdisho howsheeda inta lagu guda jiro,
waa in ay wadaadada wada hadal la galaan
Dowladda ku meel-gaarka ah (DFkM) maadaama
aynan iyaga ka mid ahayn xubnihi ka qayb-galay
shirki Mbagathi, Nayrobi ee Dalka Kenya, waxna
aynan ka soo dhisin DFKM iyo dastuurka lagu
dhaqaba.,warna ayanan u hayn, qaabka loo soo
xulay iyo meesha laga keenayba xubnaha ku jiro
DFKM Barlamaankeeda, golaheeda Wasiirada iyo
Madaxweynaheedaba
4)keddib marki
laysla meel dhigo asaasiyaadka maamul u sameynta
magaalada Muqdisho, Wadaadada iyo bulshada Xamar
Cade waa in ay u dhaqaaqaan si wada jir ah, dib
u dhiska ciidan u gaar ah, ilaalinta amniga
Muqdisho, iyaga oo taa la kaashaanayo
saraakiishi hore ee Boliska iyo Milatarigaba
5) Waxaan wadaadada
kula talinaynaa in ay tilaabadooda ahaato mid
xisaaban oo mar walbo salka ku hayso danta dadka
iyo dalka Soomaliyeed guud ahaan, waana in ay si
feejignaan ah kula socdaan ruuxi ay ku tuhmaan
in uu faraha kula jiro u adeegida dana gurracan
oo qabiil xume dabada ku hayso.
War iyo
dhamaantiis waa caqliga suuban ha adeego.
Ilaalinta xuquuqda
dadka iyo cadaalada oo lagu dhaqmaana waa guusha
ummad walbo ay ku gaarto goolka wacan oo ay
hiigsanayso.
06/june/2006
Abdallah Moallim
Mahamud( Cabdullahi Siyaasi)