Muqdisho Weli Kuma
Dhicin Gacanta Cadawga Soomaaliyeed iyo
Adeegayaashooda, sida aynan weli Bagdaad ugu dhicin
gacanta Cadawgi ku soo duulay Afar sanadood ka hor
iyo adeegayaashooda ,waxaa Xaqiiqa ah , Subaxdi
26/04/2007 in ay DFKM ku sheega ku dhawaaqday iyada
oo gacan xoogan ka heshay Ciidamada dowlada Itoobiya,
in ay gacanteeda ku dhacday magaalada Muqdisho,
keddib xasuuq aad u xun oo loo geystay dadweynaha
madaniga ah ee ku noolaa Casumada Soomaaliyeed, ayaa
iyagana isla subaxdaas 26/04/2007, waxay Golaha
Guurtida iyo Odayaasha Maraykanka ku dhawaaqeen
codayn aqlabiyad ku dhamaatay keddib, in uu maamulka
Guriga Cad ee dalka Maraykanka ku dhawaaqo, jadwalka
ka soo bixida ciidamada Maraykanka ee xooga ku joogo
dalka Ciraaq, sidaana uu Aqalka Cad ku helo, in loo
soo gudbiyo miisaaniyadi sanadkan loogu talagalay
ciidamada Maraykanka ee xooga ku joogo dalka Ciraaq.
Saaxibayaal
iyo Soomaalida inta qumanba waxaa hubaal ah in
uunan Waddankeena Hooyo weli ku dhicin gacanta
Tigreeda hogaanka u hayso dalka Itoobiya ,
adeegayaashooda iyo ciddi u soo wakiilatay dagaalka
ay ku soo qaadeen dalkeena. waxaana arrintan sal u
ah, asbaaba badan oo aan ku soo xusi doono qeybta ka
hartay qoraalkan ,asbababahaas waxaa ugu horeeyo
amaba ka mid ah qeybta kore ee qoraalkan , waxaana
ugu xiisa badan sida aynan isu waafaqsanayn
Dabeecada aradan ee Col Cabdullahi Yusuf ,hankiisi
hogaanimo iyo Siyaasada mugdiyaysan ee ay Maraykanka
oo dhinac ah iyo Tigreeda oo dhinac ah ka wadaan
magaalada Muqdisho gaar ahaan iyo guud ahaan dalka
Soomaliya.
Su'aaladaha ugu
horeeyo ee loo baahan yahay in aan iska-weydiino
dalkeena iyo xaalada cakiran ee uu ku sugan yahay,
waxaa ka mid ah, waa Col Cabdulaahi Yusuf oo ah nin
aan ka been-sheegin damaciisa gurracan,
fal-xumadiisa iyo fikirkiisa ku aadan siduu uga
aargoosan lahaa nin kasto oo maalin ciilay, kana
hor-istaagay hamigiisa ahaa mar uun ha laguugu yeero
Madaxweyne iyo ma is-waafaqsan yihiin xaalada maanta
ka jirto magaalada Muqdisho ,masa yahay kursiga uu
Col Cabdullahi Yusuf ku fadhiyo Villa Soomaaliya
gudaheeda, kii uu ku haminayay ku fadhiisigiisa tan
iyo maalinti 09/04/1978 uu isku dayay inqilaab uu ku
fashilmay ee uu la damacsanaa Rejiimki uu horkacayay
Maxamed Siyaad Bare(Allah ha u naxariistee) ,keddibna
ay dani ku qasabtay in uu carar ku tago dalalka
deriska la ah Soomaliya, si uu halkaas uga soo
bilaabo halgan hor leh iyo sidi uu ku imaan lahaa
magaalada Muqdisho, isaga oo ah Madaxweyne aanan
amarkiisa amar ka danbayn.
Jwaabta
Su'aashan waa maya,waa isma waafaqsana ,waxaana Col
Cabdullahi ku soo baxay xisaabo badan oo uunan
maanka ku haynin kolki ay isaga iyo Milis Sanaawi
qaadi dhigayeen, sidi ay isu waafajin lahaayeen Col
Cabdullahi Yusuf oo kursiga dalka Soomaliya ku
fadhiisto iyo danaha Xabshida oo aad moodo in
markaas uu Milis Sanaawi ku soo koobay, sidi ay
Soomaaliya uga talin lahaayeen hogaan Saaxib la ah
dalka Itoobiya, meelna isugu keeni kara danaha
labada dal iyo danaha Milis Sanaawi iyo Col
Cabdullahi Yusuf. balsa dhinaca Col Cabdullahi Yusuf
markaas maankiisa kuma jirin ka fikirida gaarista
yoolka lagu heshiiyay wax dhaafsiisan iyo ka hadlida
sidi ay labadoodaba u xaqiijin lahaayeen iyada oo
lagu guulaysto gaarista yoolkaas hunguriga isugu
daray laba nin oo uu mid walba leeyahay miisaan
ikhlaaq xumo oo aad u culus . halka Milis Sanaawi ay
markaas maankiisa ka buuxday su'aalado ay ugu
horeyso, sidee xaalada noqon kartaa kolki aad Col
Cabdullahi Yusuf ku sinto ku fadhiisiga kurisgaas
aad rabtid in aad u marto fulinta danaha ay
xabashida ka leedahay dalka Soomaaliya, Sidee u
aamini kartaa Diktatoore doonayo in uu gaarista
hadafkiisa u adeegsado dad ay dadkiisa u yaqaaniin
cadawgooda koowaad, maxaasa silaax(Hub) ah oo aad
kaga hortegi kartaa haddii uu Col Cabdullahi ka baxo
balankiina ,iwm.
Kolkaan aqrin ugu
noqona Xaalada guud ee maanta ka jirto waddankeena
iyo hab dhaqanka DFKM, waxaa si Cad kuugu Muuqanayo
in Col Cabdulaahi Yusuf lagu fadhiisiyay Kursigi uu
rabay oo qaleel
ah ,halka Milis Sanaawi ku dhaqaaqay
dhamaystirka khidhadhkiisi(plans) iyo ka
shaqaysiinta quluub isu bugto ,isku maqan, kuna
maqan taaba gelinta in ay mid walba iyada noqoto
tan ku guulaysato qalbiga Sayidka fadhiyo
Addis-ababa iyo Sayidkiisa Washington fadhiya, si uu
Milis Sanawi ku gaara Col Cabdullahi Yusuf oo
fadhiid ah, gacantiisana aynaan xitaa ku jrin amar
siinta taliyaha ugu sareeyo ilalada amnigiisa ee
Villa Somaliya, reer Mudisho iyo wiilkooda Geedi oo
iyagana lagu howlo nabad ku soo dabaalida magaalada
Muqdisho, iyada oo wax walba loo marayo ka amar
qaadashada General Gabra.
Suurada DFMK ee
Mudisho iyo madaxdeeda, waxay daliil cad u tahay in
aynan Caasumada Soomaliyeed weli ku dhicin gacanta
Tigreeda iyo in mudda gaaban oo aanan sidee u
fogayn(Ilaahey idinkiis) ay Muqdisho ka bilaabanayso
in la-isaga hor-yimaado awood qeybsiga iyo sida howl
maamuleedka dowlada loo kala leeyahay, sida maalma
dhoweetaba ka dhacday magaalad Kismaayo, ilayn
kooxaha waddankeena isku haayo kuma jirto koox ku
howlan in ummadda Soomaaliyeed mar kale lugaheeda
dib ugu istaagto, una gacan banaanaato maamulka
arrimaha dalkeeda iyo dadkeeda.
Col Cabdullahi
Yusuf waxaa horyaal, ka soo bixida balanki uu qaaday
habeenki Nayroobi loogu doortay Madaxweynaha
Soomaliya oo ahaa, in uu dib u soo nooleeyo
dowladnimadi ummadda Soomaaliyeed ,iyo in uu ku
dhimanaayo isagaa ku howlan raadinta dowladnimo
Soomaaliyeed iyo in haddii uu gaari waayo taa uu
iska casilayo jagadaas loo doortay ,waxayna
xaqiiqada waddankeena ka jirto haddeer uma muuqataa
in uu Col Cadbullahi Yusuf ku dhamaanaayo in uu
naftiisa ku waayo doonista dowlad Soomaaliyeed oo
dhab uga taliso dalka Soomaaliyeed guud ahaan
,amarkeeda ugu sareeyana uu leeyahay isaga..
Milis Sanaawi,
isagana waxaa horyaal in uu Diktatoore afartan sano
raadinayay mar uun in loogu yeero madaxweyne, ka
dhaadhiciyo in uu bukaan socod ku dhax ahaado Villa
Somaliya ,howsha Caasumada Somaaliyeedna ay iyada
sidaa ugu madaxbanaanaato Gudoomiya Maxamed dheere
ee mar hore Corneelka ugu yeeray in uu yahay oday
Ciyaala Suuq ah ee qabiil xume bahdilatay.
Dhinaca kale
Itoobiya waa dowlad faqri ah ,duulaanka ay dalkeena
ku soo qaadayna waxay gacan kaga heshay maamulka
Guriga cad ee dalka Maraykanka oo beryahan gacanta
ugu jiro, koox uu aad ugu fogaaday neceybka ay u
qabaan Diinta Islaamka iyo dadyowga haysta, aadna
ugu dhegan diintooda. Hadaba waxaa iyadana
isweydiin mudan dowlada Itoobiya ilaa iyo intee in
la eg ayey dhaqaale kaga heli karaan dalka
Maraykanka faragelinta ay ku haayaan arrimaha dalka
iyo dadka Soomaaliyeed., taa oo ay xabashida u
dheer-tahay in aynan dhaqaalahaas miliim ka mid ah
wax ka siinayn DFKM oo ay iyada gadaal ka taaggeerto
,wakiilno uga tahay Adeer Saam.
Jawaabta Su'aashan
waa inta ay aqalka cad ee Maraykanka ka Arrimiyaan
raggi ku dhiirigeliyay dowlada Itoobiya in ay
duulaan qaawan ku qaadaan dal iyo dad ay aad uga
baqan jirtay ku dhiirashada duulaan ay ku qaadaan.
Iyo arrintan oo ay garab socoto muqaawama joogto ah
oo lagu haayo ciidankooda iyo adeegayaashooda waxay
soo dedejinaysaa in ay dalkeena kaga baxaan orod iyo
maxaa idinka raacay weerarki aad ku qaadeen ummadda
Soomaaliyeed iyo dhulkeeda, Ilaahey idinkiis.
Weli caasumada
Somaaliyeed kuma dhicin gacanta Cadawgeena, iyadana
waxay u dhamaanaysaa
hadal, haddii aynan wax-garadka ummadda Soomaaliyeed
si dhab ah ugu istaagin abuuritaanka dagaalyahaano
aan ku dhisnayn heyb iyo ilaalinta dana
shaqsiyadeed.
Waxay u
dhamaanaysaa hadal, haddii aynan wax-garadka ummadda
Soomaaliyeed ka faa'iidaysan habacsanaanta iyo
colaada ay isu haayaan quluubta isu bukto ee uu Mils
Sanaawi u adeegsaday meel marinta danihiisa iyo
danaha dalkiisa iyo dadkiisa ka leeyihiin
waddankeena.
Waxay u dhamaanaysaa
hadal, haddii aynan wax-garadka Soomaaliyeed ka
faa'idaysan danaha is diidan ee dowladaha isku haayo
gacan ku lahaashada arrimaha Soomaaliyeed.
Waxay u dhamaanaysaa
hadal, haddii aynan Ummadda Soomaliyeed ka
faa'iidaysan mucaaradada Milis Sanaawi looga haayo
Itoobiya gudaheeda iyo cadawtooyada uu u haayo
hogaamiyaha ka arrimiyo dalka Ariteree Asaasa
Afooriqi.
Waxay u dhamaanaysaa
hadal, haddii aynan ummadda Soomaaliyeed ka
faa'iidaysan damaca gaar ahaaneed ee dowladaha reer
Yurub ,gaar ahaan dowlada talyaaniga kaga jiro iyaga
oo gacan xoogan ku yeesho halbowlaha maamul dhexe oo
uu yeesho dalkeena.
Ka faa'iidaysiga
arrimahan iyo arrima kale oo badan waxay soo
dedejinaysaa Xabashida oo ciidankeeda kala baxdo
dalkeena ,dowlad Soomaliyeed oo aanan ahayn tan ay
noo soo dhoodhoobeen dowlada xabashida iyo Kenya oo
dalkeena ka ambaqaado , waxay soo dedejinaysaa mar
kale oo madaxda mooryaanta Soomaaliyeed iska
xaadiriyeeen dibada dalka iyaga oo baxsad ah, waxay
soo dedejinaysaa Soomalida oo garato colaada iyaga u
dhaxasyso in ay tahay wanaaga cadawgooda , halka
wanaag iyo wax wada qaybsi wacan oo iyaga dhaxmara
uu yahay guuldarrada cadawga Soomaaliyeed.
07/05/2007