Diinteena Islaamka waa
caqiido dhamaystiran iyo ku talagal in adduunkan
yahay marin loo maraayo, shaqaysiga Aakhiro
wacan,Dalka Soomaliyana waa deegaan Shacab loo
yaqaan leh ,Shacabkana waa Astaan ummaddaha kale
noolaga aqoonsado, haddaba ogaal u haynta arrimahan
keddib, waxaa waajib nagu ah ,ummad walbana waajib
ku ah ilaalinta, dhowritaanka iyo ku dheganaashada
Diinteena Islaamka, daryeelka Cirdiga dadkeena iyo
difaacida dalkeena iyo dadkeena.
Ma'ahan wax aad loola yaabo
qorshaha Jandaya Frayzer ay ula timid dowlad ku
sheega DFKM oo iyada madaxdeeda yihiin, kuwa mar-walba u
dhega-nugul maqalka hadba qorshihi ay iyaga uga muuqato
in uu dhidibada u aasi karo sii haynta kuraasidooda,
xitaa haddii ay taa ku kalifayso(qaadanayso) suuq-gaynta
dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Jandaya Frayzer iyo
ciddi la wadaba, in dagaalka ay ka oogeen dalka
Soomaalya uu ku ekyahay la dagaalanka fakir ka soo
maaxay iyo falal ay ku keceen raggan aan kusoo xusay
cinwaanka Qoraalkan, iyagana(waa
Ameerikaanka,Itoobiyaanka iyo DFKM) ay beryahan
magcyadooda ku naadinayeen Mediyaha aduunka, waa been
Cad oo aanan raad lahayn,waa been cad oo tii ay Ciraaq
kula gardaroodeen ka hooseyso. hadalkan ay Muxaafidiinta
cusub ee ka taliya dalka Maraykanka u is-ticmaalaan, u
adeegsiga danahooda daahsan, waa ka weyn yahay,waana ka
fog yahay la dagaalanka raggan ay ku sheegeen in ay
yihiin kuwa dagaal ku haayo danaha dowlada Maryakanka
iyo danaha Wiilki Abraham (Milis Sanaawi) ee ka taliya
dalka Itoobiya iyo guud ahaan warbixinti guracnayd oo ay
Barlamaan ku sheega Soomaliya ay ka hor aqrisay Jandaya
Faryzer, iyada oo DFKM gacanna farta ugu fiiqayso qaabka
ugu haboon ee loooga hortagi karo, waxa ay ugu yeeraan
khatarta ay leedahay Argagixisada Caalamka oo ku luga
fidsato geeska Afrika ,gacanta kalana DFKM ugu fidinayso
dhaqaalo ay ku sheegtay in loo adeegsanayo taaba-gelinta
DFKM oo iyada lugaheeda ku istaagto ,balsa run ahaanti
lacagtan waxaa loogu talagalay la dagaalanka in uunan
ummadda Soomaaliyeed ka soo dhax bxiin rag u hadli karo
danaha waddankooda iyo dadkooda , iyo in uunan ummaddan
ka soo dhax bixin rag ka gelgelinayo hoostaga
gumaystayaal isku bahaystay ka gun-gaarida gacan buuxdo
oo ay ku dhigaan ilaha dhaqaalaha ee waddankeena iyo la
dagaalanka diinteena Islaamka, iyaga oo taa u marayo
in-yar oo magaca Soomaliyeed nala wadaagto ee loo soo
geliyay maqaarka dhurwaaga ,darajadoodana aynan
dhaafsiisneyn calooshood u shaqaystayaal.
Tegisti baydhabo ee Jandaya
Farayzar bilowgi bishan April, diyaargarowga ay ku
howlan yihiin maxaysatada Tigreeda ee magaalada muqdisho
la soo dhoobay keddib marki loo geystay jab xoogan oo
aynan horay ugu xisaabtamin(tashanin) iyo Beryahan
fadhiyada qaloocan ee ka socdo magaalada Muqdisho iyo
Shuruudaha ay DFKM ku xirtay ka soo qeybgelida shir ku
sheega dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, dhamaantoodba
waxay daliil cad u yihiin in ummadda Soomaaliyeed loogu
talagalay in loo kala qeybiyo qolo qolo,aadna loo
xoojiyo kala qaybsanaantoodi hore, si gumaysiga na
qabsaday joogidiisa iyo la dagaalankiisa loo
hilmaansiiyo , iyo in dhibaatada Soomlida ku habsatay
loo ekeysiiyo mid iyada ku kooban ummad uunan ka dhaxayn
afgarad iyo wada shaqayn, sidaa darteedna faragelinta
dalkeena la banaysto, iyada oo bulshada caalamka loo
sheegayo in ummaddan ay tahay mid u baahan soo faragelin
shisheeya, si meel la isugu keeno danahooda ,sidaana
dowlad dalkooda ka arrimiso loogu dhiso.
Ka hor inta aanan u gudbin
yoolka qoraalkan oo ah digniin ku jeedo saddex qolo oo
kala ah Gumaysiga ,dabadhilifyada u adeego Gumaysiga iyo
Soomaalida uu xanuunka ku haayo musiibada soo dul degtay
dadkooda iyo dalkooda, waxaan iskudayayaa iftiiminta
macnaha ku hoos qarsan Shuruudaha ay DFKM ku xirtay ka
soo qaybgelida waxa ay ugu yeeertay Shirka
dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed.
Shuruudaha waxay Yihiin
sida loogu soo daabacay safxadaha Internetka, loogana
sheegay meediyaha caalaamka,. In ka qaybgalayaasha
shirka dib-u-heshiisiinta looga baahan yahay in ay soo
buuxiyaan saddex shardi oo kala ah
1)Qofku waa Inuu caddeeyo
inuu ka baxay wixii uu horay ugu jiri jiray uusanna
dagaallo dambe ka qayb-qaadanayn
2) in uu Dowladda Federaalka Aqoonsan yahay
3)in uu shirka uga soo qaybgalo qaab beeleed oo kaliya.
Shardiga kowaad
wuxuu xambaarsan yahay laba macno oo khatar ah, oo midba
midka kale ka daran yahay ,waxaa layska rabaa in aad
cadeyso, in aad tahay nin aanan u taagnayn ku
dhegnaashada diinta Islaamka, oo macnaheeda yahay adiga
oo iclaamiyo in aad kaba baxday diintaada, tan xigtana
waa in aad ahaato doqon ama nin la leeyahay oo aanan
qiira lahayn ,diyaarna aanan u ahayn in uu ka dagaalo
xoogaga Gumaysiga ee dalkiisa iyo dadkiisa qabsaday.
Shardiga labaad
waa aqoonsiga DFKM oo macnaheeda yahay, adiga oo
ogolaado si rasmi ah ,qalinkana ku duugo in ay Itoobiya
xaq u leedahay ka arriminta arrimaha dalkeena iyo
dadkeena, maadaama ay iyada tahay dowlad si dhab ah uga
dambeysay soo dhisida DFKM ,oo ay isla iyadana tahay tan
u taagan difaacida jiritaanka DFKM inta ay ku taagan
tahay u adeegida danaha Tigreeda.
Shardiga saddexaad
waa in aad qalinka ku duugtaa ogalaanshaha, in uu kaaba
qabiilkaada ka wakiil yahay wax walba ,taasoo macnaheeda
yahay adiga oo si sahala uga tanaasula xoriyadaada
shaqsigaa iyo adiga oo ogolaado talo walbo oo qabiilka
soo jeediyo, xitaa haddii ay taladaas tahay in la
gumaado qabiil kale oo Soomaaliyeed, taasoo macnaheeda
guud yahay Qeybi oo Xukun.
Markaan u soo noqdo Yoolka
ugu weyn ee qoraalkan oo ah, ku baraarujinta iyo ku
dhiirigelinta Ummadda Soomaaliyeed meel-walba oo ay
joogto, in ay u istaagto midaynta xoogooda iyo
dar-dar-gelinta la dagaalanka cadowga waddankeena
qabsaday iyo kooxaha u adeego oo isla iyaga badankooda
yihiin, kuwa doorweyn ka soo qaatay dandaraynti uu
dalkeena ku soo jiray 17toban sano oo gadaal inoo
dhaaftay.
Soomaliyey
awood oo dhan waxay u sugnaatay Ilaahi na abuuray
kaligiis ,mana jirto cid ka adkaan karto xaqa ,horana
uma dhicin ,haddana dhici-mayso Ilaahey idinkiis, waa
haddii ummadda xaqa ka maqan yahay u istaagto doonista
xaqooda iyaga oo isku duuban, Ilaaheyna uga wakiilyeesho
umuurahooda oo dhan.
Qorshaha
Xabashida iyo ciddi soo wakiilataba ka shaqaynmaayo
dalkeena sababa badan oo ay ugu horeyso in Quluubtooda
aynan meel u wada jeedin ,uguna ay danbayso in uu
dalkaan leeyahay dad aad ugu dhegan diintooda ,haddaba
sidaa darteed isaga kaalaya kala daadsanaanta, una
joogsada mideynta xoogiina.
Waxaan rabaa in aan
idinku wargeliyo saansaanta dagaalka ka taagan Koofurta
Muqdisho in uu dhmaadkiisa yahay Woqooyiga Muqdisho,
haddaba sidaa darteed ha is-dhiganina oo waxba yaanan la
idinku maaweelin waxaa lal dirirayaa argagixiso ,dagaalkan
kuma jeedo qola gaar ah, ee wuxuu ku jeedaa Soomaali oo
dhan iyo sidi loo wareegi lahaa dalkeena, iyada oo taa
loo marayo dowlad ku sheeg baas ee awaamirta ka qaadato
general Tigree ah ee isgana awaamirta howshiisa si toos
uga qaato Addis-abab iyo Guriga CIA ee cariga Maraykanka.
Somaali
waxay tiraahdaa "nin kuu digay kuma dilin",
DFKM fariimihi loo soo dhiibay weyna soo gaarsiisay
,waxaan waqtigan keddib uga gaabinaa difaacida
waddankeena waa doqonimo oo kaliya .
Gumaysiga Tigreeda
waxaan leenahay, guuldarro adiga ayey kuugu danbeynaysaa
ee inti uunan waaga kuugu baryin, meydadkaadana la warin
waddooyinka Soomaaliya, ku cibra qaado fashilka ku yimid
dowladi adduunka ugu xoogweynayd faragelinta ay ku
sameysay dalka Ciraaq iyo in uunan jirin xoog shaqaynayo,
kol haddii dadka dhulka iska leh ay ka hor-yimaadaan
xoogaada iyo dabadhilifyadaada oo ay idinka (waa
Tigreeye) idiin dheer-tahay faqrimnimo, maamul xumo iyo
dagaalkiina oo ah mid aad wakiil uga tihiin xoog horay
ugu fashilmay qabsashada dalkeena,haddana awoodi waayay
ku dhicida faragelin toos ah oo uu isaga ku sameeyo
dalka Soomalya ,isaga oo ka dhowrsanaayo Askar kale oo
kaga dhimato meel aanan ahayn Ciraaq iyo Afgaanistaan,
oo aynan ilaa iyo hadda faraha ku hayn, qaabki ay uga
lug bixi lahayeen moolka fog oo ay waddankooda rideen.
Dabadhilifyada Gumaysiga
cusub ,iyagana waxaan ku wargelinaynaa in uu
dhamaadkooda yahay halaag iyo iyo in godkooda biyo kulul
loogu soo gelinayo Ilaahey idinkiis ,iyo in ayanan
marnana ummadda Soomaaliyeed kala soocayn Tigreeda iyo
dabadhilifyadooda kolki uu soo daahiro jabkooda, oo
aanan meel fog noo jririn asabaaba badan oo aan kor ku
soo sheegay awgood ,Ilaahey idinkiis..10/04/2007
Abdallah Moalim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com