Dulmigi hore
dulmi ayaa lagu beddalay,danbiga hore loo galay waa la
kordhiyay ,howsha Muqdisho ka socotana waa camal doorshaan,
shaqo fara badan oo aan guul ka danbeyn ,mooryaanti is
qabatay qaar ayaa xabasha la yimid ,qaarna orad ayey wax ka
dayeen ,qaarna weli kama soo degin damacoodi iyo tala xumadi
ay faraha kula jiri-jireen,qaarna waxay ku hoobteen gacanta
kuwa iyaga la yaqaan, tabihi ay ku dhaqmi jireen ,balsa
markaan dabada ku wato Tigree danaheeda fara badan yihiin
.qaarna waxay muraayada ka arkaan in ay howl wacan faraha
kula jiraan, umana muuqato xagee ku danbeeyay dulmigi ka
horeeyay kan ay maanta wadaan..Soomali maatadeedina waxay ku
bas baashey inta u dhaxayso kooxo uu shaydaanka suldaan u
yahay,una taagan sidi ay Soomali kaga weecin lahaayeen
Dariiqa Toosan ee Ilaahey.
Eebow
,saaxibkay na soo weydiiyay asxaabti wax ka qori jirtay
arrimha Soomalida maxay qoonsadeen oo ay u aamuseen..
Walaalkay nin
walbo waxuu la aamusay arrin u gaar ah isaga ,balsa aniga,
waxaan u
aamusoon la amakaakay saddex arrin oo alif ku taal
Waxaan u
aamusoon la amakaakay
Amxaar iyo Ariteraa
Ehelkaaga u atooreyhaayo
Waxaan u
aamusoon la amakaakay
Ina Yusufaa ka amiiriyo
afar-irdood
Waxaan u
aamusoon la amakaakay
Arligi abkay inuunan ood
lahayn

"Xaqaanse ku
gannaa Baadilka oo tirtira,waxaa idiinku sugnaaday halaag
waxaad sheegaysaan" waa aayad quraan ,Suurat Al-Anbiyaa,aayada
Sideed iyo tobanaad.
Ma jiro
baadil guul soo hooyo ,mar walbana sida diinteena na bartay
,tarriikhda qorana ay na bartay, xaqa ayaa guusha ku
danbeeya had iyo goor .waxa maanta Somaaliya ka socdo ,gaar
ahaana magaalada Muqdisho ,waa iyada oo la rabo in xaqi
lagu doono baadil ,mana guulaysanayo ,xaqa xaq ayaa lagu
doonaa, keddibna ilaahey ayaa garab istaago ,Al-xaq waa
magacyada suubaan ee Ilaahey mid ka mid ah.
Soomaali
waxay ku habsaantay garab-siinta baadilka ,Qaar baa
isticmaarka madow u sacaba tumayo, iyaga oo muraayad
shaydaanka u suray ka arko in ay danahooda sidaa ku gaari
karaan,qaar kale ayaa iyagana Aritree qayla dhaantooda laga
maqlayaa, howlahoodana kama marno howl Shaydaan ,kuwaa
halkaa joogo si uma wada arko falkooda, waxaa ku jiro rag ay
ka dhab tahay dadaalka ay ugu jiraan gaarista ummadda
Soomaaliyeed oo xor ah, waxaasa ku dhax milqan qaar sabab u
ahaa in dalkeena, sidiisaba gacanta u galo isticmaar madow
oo ay gadaal ka riixayaan dowlado ay ku fogaatay neceybka
ay u qabaan diinta Islaamka oo gaarto heer ay dadkeeda isku
xukumaan , ragga Ariteree joogo waxaa iyagana ku jiro
Xuseyn Caydiid oo magaalada Muqdisho ku yimid diyaarad duug
ah oo ay Tigreeda leedahay ,keddibna ku soo baraarugay isaga
oo ku jiro daabuurka shanaad ee adeegayaasha Tigreeda,
sidaana uga cararay Tigreeda Addis-Ababa ,carana ugu tegay
Tigreeda Asmara.
Ragga
Aritree joogo waxaa ku jiro Col Cumar Xaashi oo aanan hore
loo arkin arrin Soomaali isugu timid ,ha xumaato ,hasa
samaatee ee uu raali ka yahay tan iyo inti ay burburtay
Dowladdi dhexe ee Soomaaliyeed 1990, col Cumar Xaashi wuxuu
ka mid noqday dhowr iyo tobaneeyo isbahaysi, welina lama
haayo isbahaysi uu ku jiro oo guul soo hooyay,markaad
shaqisyadiisa dhinac walba ka fiiriso wauxuu Col Cabdulahi
Yusuf kala mid yahay doonista mansab wacan oo baadil lagu
gaaro ,iyo ka mid noqoshada isbahaysiyo ay howshooda ku
dhamaato fashil iyo yaa maqlay ebed baadil guul lagu gaaray.
Ragga Aritree joogo waxaa isagana ku jiro Sharif Xasan
Sharif aadan oo aan isaga lahayn hadaf cad oo siyaasadeed,
goor-walbana isbahaysi la galo ,hadba ruuxi dhegta ugu
sheego wixi waqtigaas isaga ugu muuqdo in ay ku jirto
dantiisa gaar ahaaneed ,Shariif Xasan waa nin aanan u
bislayn hogaanimo, si ilduufana ugu soo dhax dhacay hardanka
siyaasadeed iyo isqab-qabsiga u dhaxeeyo hogaamiyayaasha
Soomalida ,hashiisyadi siyaasadeed ee Shariif Xasan horay u
galay, dhamaan wxaa mirahooda gurtay dhinaca kale ee isaga
heshiiska la galay ,Shariif Xasan dadka uu isbahaysiga la
galo, markaad gadaal u fiiriso waxaa kuu soo baxayo in uu
yahay nin aanan ku xisaabtamin Beri, balsa uu yahay nin ay
aragtidiisa ku kooban tahay maalintaas sida arrinka
yahay,Shariif Xasan isagana lama haayo isbahaysi uu ka mid
noqday oo guul soo hooyay.
Hadaba
hordhac dheer ka gadaal ,su'aasha na hortaal Soomaali weyn
oo dhan ,"waa sidee Qoona loo xagtaa, Ilkana ku nabad
galaan", waa sidee dalkeena looga xoreeyaa cadawga Tigreeda
ee nagu soo duulay iyo hogaamiyayaal cadaw ku ah danaha
dalkooda iyo dadkooda iyada oo aanan lugaha lala sii gelin,
howl keeni karto in ay daba dheeraato. dhibaatada ay
ummaddeena ku haayaan dhinacya badan oo isku haayo maareynta
arrimaha waddankeena.
Xabashi
waxaa lagu bxin karaa oo kaliya, abuuritaanka isbahaysi ay
ka madax banaan yihiin shaqsiyaad ay tuhma ka qabaan ummadda
Soomaaliyeed ,gaar ahaan shaqsiyaad iyaga lagu tirinaayo in
ay dowr weyn ku lahaayeen murugada Soomali weyn dul tiil 17
toban sano oo gadaal i noo dhaaftay ,hadaba sidaa darteed
shaqsi walbo oo dadaal ugu jiro qaabaynta iyo diyaarinti
qaabki waddankeena looga bixi lahaa Isticmaarka madow iyo
dabadhilifyadiisa, waa in uu horta isaga ka digtoonaada la
dhaqanka shaqsiyaadkaas aan kor ku soo sheegnay,.wax dhib ah
kuma jiro in laga faa'iidaysto waqtigan, Aritree naca ay u
hayso nidaamka ka Arrimiyo Addis-Ababa iyada oo aanan maanka
laga saarin in uu Asaasi Afooriqi yahay nin aad u neceb
araga dal Islaam ah oo deris u ah ee isku ku xukumayo diinta
Islaamka.
DFMk uma soo
jeedo dhegaysiga dhinacyada siyaasadeeda iyo joogitaanka
tigreeda ee waddankeena aad u diidan ,sidoo kale dhinacyada
siyaasad ahaan DFKM ka soo horjeedo ,aadna u diidan
joogitaanka tigreeda ee waddnkeeda waxaa aad uga dhax muuqdo
shaqsiyaad aan u taagnayn dan waddaniyeed ,arrintoodana
aynan dhaafsiisnayn doonista dana aad gurracan, oo marki
horaba sabab u ahaa in dalkeena ay ku dabadheeraato ku
jiritaanka dhibaato aan gacanteena ku abuurnay.
Talo ku jeedo
ruux walbo oo waddani ah ,doonayana maslaxadda ummaddeena
Soomaaliyeed ,taladaas waa in uunnan ruuxaas ka soo dhax
muuqan dad loo yaqaan in ay gacan aad u mugweyn ku lahaayeen
dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed,waxaa kale oo aan kula
talinaynaa ragga ay ka dhab tahay u taagnaashada waddankeena
oo ka xoroobo Tigree, in haddii ay dhacdo in laga fursan
waayo ka tashiga shaqsiyaadkaas waqtigan xaadirkaa, in ay
taladooda haddeer ku darsadaan sidi ay uga digtoonaan
lahaayeen in aynan kuwaas dhankooda marnaba kaga imaan falal
iyo hadalo waxyeelayn karo u istaagida in dalkeena laga
xoreeyo tigreeda ku soo duushay iyo dabadhilifyadooda..
Tigree,Dabadhilifyadooda Iyo Wixi Xunba Ha Na Daayaan
10/08/2007
Abdullahi
Moallim Mahamud
(Cabdullhi
Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com