Waxaa mid aad loola
murugooda ah qofka waddankiisa jecel, dadkiisa
jecel, deegaankiisa jecel ,qaraabadiisana jecel
,qaarkiisana jecel in uu arko mar kaliya in
uunan howl wacan ku soo kordhin karin dadkiisa
iyo dalkiisa, isaga oo ay u muuqato si caddaan
ah in maanta dadkiisa iyo waddankiisa ay
horboodayaan ,hoogaamiyayaal aanan garan, iyo
taageerayaashooda oo aanan iyagana garan halka
ay ka biya deysay Haanti waddaninimo,
Haanti(Dhiishi) Calankeeni ku keydsanaa Lix iyo
toban sano ee herdan siyaasadeed oo foolxun uu
waddankeena ka soo jiray, welina uu ka jiro.
Dadka Soomaalida
ah wuxuu u qaybsamay laba koox meelwalba oo ay
joogaan waqtigan xaadirkaa ,labadan kooxna waxay
koox walba u qaybsantay laba koox., kooxahan
isku darkooda wa afar ,isku-qabadkoodana waa
laba, ka faalayntooda waa saddex xun iyo koox
waddani ah ee waqtiga hagraday.
Aan hoos ugu daadegno,
1)kooxi
waa kooxda Mbagathi(Dfkm) oo iyaga iyo Aabaha
Siyaasadooda u yeertay xoogag shisheeye oo ay
horkacayaan Ciidanka Xabashida oo si sharci
darra ah ku qabsaday waddankeena, oo aanan iyaga
layska weydiinayn,waa Xabashidee ,intee la
ektahay cadowtooyada ay u haayaan dadka iyo
dalka Soomaaliyeed.
Kooxdan waa
1A
iyo
1B,
ka faalayntooda hoosana waxaan u dhiganaynaa
gadaal
2)kooxda
labaadna waa koox ka soo horjeedo imaatinka
Ciidanka Xabashida ee dalkeena ku soo duulay..
kooxdan kooxdooda
2C
waa qeyb ka mid ah kooxdaane , layska
weydiin-maayo in uunan hadafkooda ahayn neceyb
ay u qabaan Xabashida ,balsa run ahaanti uu
hadafkooda yahay dano gurracan oo gees cariiri
ah ku jiro, haddii aanan dhihinba waxay
dowr-weyn ka qaateen fududaynta siyaasada ay
Xabashida kula soo duushay dalkeena.
Kooxdan waxay
iyadana kala tahay
2C
iyo
2D.,
ka faalayntoodana waxaan u dhiganaynaa gadaal.
Qalinkayga maanta
ma saaxiba badno, haddana ma saaxibo yaro,
laakin saaxibadiisa waa
kooxda 2D
,waxayna la'ayihiin meel waqtigan xaadirkaa uga
banaan difaacida dadkooda iyo dalkooda ,iyada oo
ay haddana jirto in uunan qorshahooda ka maqnayn
qaabki ay dalkooda iyo dadkooda uga daafici
lahaayeen cadow wejiya badan, isuguna jiro mid
la dhashay iyo mid shisheeya ahba. kooxdan run
ahaanti ma aamusno ,mana qarsano dadaalkooda ,laakin
waxaa ka maqan abaabul isku xiro wax galkooda si
ay howshooda uga dhax muuqato dadkooda iyo
dalkooda.
Markaan meel iska
dhigno, xil iska saarida xaq dhowrka saddex koox
oo ka mid ah kooxahan aan kor ku soo xusnay
qaabka uu fikirkooda yahay iyo waxa ay ku kala
duwan yihiin sheegidooda oo aan hubo in ay dad
badan oo taageero fikirkooda xumaanta ku
fogaatay ka caraysiin doonto, waxaan u gudbaynaa
yoolka qoraalkan oo isaga dhab'ahaanti ah tusmo
iyo turxaanbinta jahwareerka siyaasadeed ee
ummadda Soomaliyeed ku habsaday tan iyo inti ay
dowlada Tigreeda ku soo duushay dalkeena si ka
baxsan xeerarka u dhigan Bulshada Caalamka.
Kooxda
1A
waxaa Aabe u ah ,nin aanan marnaba ka xishoon
sheegida hadafkiisa ,sidaa darteed ma doonayo in
aan ku dheeraado faala ka bixintiisa, waayo
isagaa la soo Mutuxan xumaanahiisa, si cadna
warbaahinta uga sheego,waxaana ka mid ah
waxyaabaha uu noo sheegay tan iyo inti madashi
Mbagathi loogu yeeray Madaxweynihi dalka
Soomaaliya, waa Col Cabdullahi Yusufe ,in uu
yahay Habaarqabe, in uu isaga yahay ninki ugu
horeeyay oo abaabulay duminta iyo ka hor
imaanshaha dowlad dalka si deganaan ah ku
maamusho ,dowladaas qaabka ay doonto ha ku
timaadee ,waxaa kale oo uu noo sheegay ,qarsoodina
aanan ahayn in uu daadka Dayrta raacin doono
kooxaha ka soo horjeedo ,habeenki la doortayna
wuxuu u yeertay Ciidan Shisheeye, isaga oo aanan
la tashi ugu noqon golihi Baarlamaanka ee isaga
jagada Madaxweyninimo u doortay.,wuxuu isla
habeenkaa sheegay in uu labadaba la shaqayn
doono wuxuu ugu yeeray koox habeenka madow
shaqeyso iyo koox maalinti iftiinka ah ku
shaqeyso.Cabdullahi waa ninkaas ,waana nin aanan
la ganban in uu dadka Muqdisho ka dul-qaadi
doono Culayski dul saarnaa tan iyo iyo inti ay
Reer Muqdisho albaabada u laabeen dowaldi
Maxamed Siyaad Bare ,Allah ha u naxariistee.
laaakin waxay Su'aal adag ka taagan tahay nin
aanan la ganban in uu xun-yahay, Habaar-qabe
yahay, waa sidee xaalka uu ku danbeynayo ninki
ka sugo in uu wanaag u keeno,nabadna u keeno,
kana dul qaado xumaan uu ashtaka(Dacwo) ka ahaa
mudda dheer ,isagana iska qaadi waayay.
Kooxda
2C oo
ka tirsan kooxda Labaad, iyadana waa koox ay
beryahan horboodayaan koox loo yaqaan, kooxaha
aanan heybtooda la aqoon, balse hore iyaga u
ahaa koox la yaqaan oo iyada ku caam baxday in
aynan marnaba ka gudbin diidmada dowlad
Soomaaliya ka ambaqaado, kol haddii aynan iyaga
ahayn madaxdeeda amaba madaxda Dalka iyo dadka
Soomaaliyeed daadihinayso ,Kooxdan doodooda
beryahan waxay tahay Aqbali-mayno Ciidan
Shisheeya, Aqbalimayno Tigree iyo
Dabdhilif-yadooda ,Aqbalimayno Tacbaanayaasha.
Kooxdan waa koox balaaran oo uunan fikirkooda
meel ka soo wada jeedin ,balsa haddeer kooxdan
waxay ka siman yihiin neceybka ay u haayaan
kooxda kale oo ay ku tuhmayaan in ay kala
wareegeen masaalix gacantooda ku jiray,waa
aragtidooda gaabane ,kooxdan waa koox in
mudaaba ay ku dhacday Aabe la'aan(Hogaamiya
la'aan) ,beryahaana ku soo toosay in mid mid
looga saarayo guryihi Dowlada oo ay jihaadka
fogaaday ku degeen, dadka ka saarayana aynan
ahayn kuwa iyagana cadaalad iyo Soomalinimo ku
sifoobay. Kooxdan waa koox agoonima dareentay
kolkay iyaga naf'ahaantooda gadaal ka
wareemeen(toogteen) hogaamiyahi ugu dhowaa,
uguna danbeeyay in uu daladiisa (gacanta midigna
ku sitay Kitaabki Ilaahey, gacanta bidixna ku
sitay Qabiil Xume) ku hoos qariyo, waa
hogaamiyihi Al-Itixaade .
Kooxdan 2C
waxaa Qeyb ka ah koox uu horkacyo Gudoomiyihi
Barlamaanka Shariif Xasan Shikh Aadan oo isaga
iyo kooxdiisaba ku caam baxeen ka laalac-sashada
Markabki ay moodaanba in uu isaga yahay kii ku
furanayay Marsadi(Deggadi) Dowladnimo ,laakin
hunguriweynin ceebtiisa waa sidaas, raggan waxaa
la qarqay(kula quusay badweynta dhaxdeeda)
markabki u danbeeyay oo ay fuuleen,
islamarkaasna ay filayeen in uu isaga yahay kii
ay ku gaari lahaayeen guushi ay ku
ilaashan-lahaayeen manaasibkooda(jagooyinkooda).
.
Kooxdan 2C
waxay leeyihiin saxaafad aad u xoogan ,aadna u
afdheer gudaha Dalka iyo dibadiisaba ,laakin
iyadana, waa saxaafadaane waxay kooxdeeda 2C la
qabtaa dhibaato kaga timid hogaan la'aanta ku
dhacday iyo agoonimada la soo deristay, keddib
kolki laga adkaaday ,qabqablayaashi dagaalka iyo
Arbushaada, iyo Isutaggi Maxaakimta
Soomaaliyeed, oo ay booskooda soo galeen Hogaan
iyo Saxaafad ku shaqeeyo caqligi ay iyaga ku
shaqayn jireen ,howshooduna tahay in ay gacanta
midig ku sitaan Dalka waxaan ka dhiseynaa dowlad
soo celiso kala danbaynti iyo sharciga oo lagu
dhaqmo ,gacanta bidixna ku sitaan Qabiil Xume
Waxaa iyadana
su'aal adag ka taagan tahay khayr ka sugida koox
iyadaba aanan garan halka danteeda ku jirto,
horana u daadshay si dhib-yar weel caano ka
buuxeen oo gacantooda ku jiray in ay u istaagaan
ku maqnaashaha danta guud ee ummad uu halakeeyay
Hogaan xume ku dabadheeraaday.
Kooxda
1B waa
dhowr koox oo ka mideysan rabitaanka dowlad ka
ambaqaado dalka Soomaaliya ,kana mideysan
taageerida DFKM oo ay iyaga ogyihiin wadada ay
ku timid in ay khalad tahay iyo waddada ay ku
socotaba in aynan ahayn mid suuban ,haddana
taageeradeeda waa ka siman yihiin, iyaga oo taa
ku nacaynayo
kooxda
2C oo
iyada hor-istaagtay mudda dheer in dhinaca
dhulka loo dhigo fitnada ay waddankeena ka
abuureen ,dibna loo soo nooleeyo dowlad ka
dhaxeyso dadka Soomaaliyeed oo dalkeena ka
arrimiso. Kooxdan xoogooda waxaa daadihiyo
taageerayaasha Wasiirka Koowaad, kooxdan waa
koox deegaan ahaan culays ku leh Caasumada
Soomaaliyeed Muqdisho, laakin kooxdan ma laho
qaab maamul oo waxtar u leh taageerayaashooda
iyo guud ahaanba Soomalida , kooxdan fikirkeeda
ku aadan arrimaha waddankeena ma cad-cado
waqtiga xaadirkaan marka laga reebo sida kooban
oo ay kuugu jawaabayaan kolki aad wax ka
weydiiso xaalada uu waddankeena ku sugan-yahay
waqtigan, oo ah ,waxaanba nacnay dowlad diid
burcad ah ,kuwaas waxaa dhaamo Tigree wax lala
qeybsado iyo Cabdullahi Yusuf oo la bilo.
kooxdan waxaad moodaaa in uu dhib weyn u geystay
qaabsamadi fikirkooda culayski ay saaareen
siyaasiyiinti iyo taageerayaashi
kooxda
2C oo
iyaga hortaagnaa lix iyo toban sano in ay
dalkeena ka ambaqaado dowlad dib u soo celiso
nabadi iyo anshaxa ummadda Soomaaliyeed
Kooxdan kolkaad
tiraahdo Habaarqabe haddii lagu bedelo
Habaarqabe ,kolkaa sow howshiina maahan 'jug-jug
waa meeshaadi joog" , waxaay kuugu jawaabayaan "Dhurwaay
dool ah ,hoyna aanan ku lahayn deegaanka ,kuma
dhiiran karo xag-xagashada Maroodi duq ah oo sii
jeed weyn".
Kooxdan waxay
ka tageen in ay ku dhaqmaan "Haddii Aad Dhimayso
Dhareerka Waa Layska Duwaa" oo ay iyaga iskula
talin-jireen kolki ay ku soo baxdo xaalad
cakiran, foolxumana dabada kula jirto,waxaa kale
oo ay isku dhihi jireen "Waa Baahantahay Baqti
Looma Cuno", maahmaahooyinkan wacan waxay ku
bedeleen maamaahdan "Maslaxadaada Masala Eeyaad
Ayaad Loogu Seexdaa" oo aynan dad badan u arag
anshax iyo usluub lagu ilaalin karo
walaaltinimada kaala dhaxayso dadyowga kale ,xitaa
haddii ay dadka kale yihiin dad uu hogaankooda
ku sifoobay xumaan cad oo dabadheeraatay.
Waxaa iyadana
isweydiin Mudan, koox iyagaoo intaan ka xoog
badan ka taag dhigay iska celinta waraabe
sukeeye sida ay isaga celin karaan waraabo dool
ah kolka uu lugihiisa ku fidsado dushooda.
Kooxda 2D
waxaan kaga soo faaloonay qeybta kore ee
qoraalkan,waxaansa kooxdan ugu baaqayaa in ay ku
dhiiradaan dhaqaajinta Tareenka wanaaga si
ummadda Soomaaliyeed la isugu doono, loona dhax
dhigo Daawo iyo Heshiis u soo celiyo dowlad u
sinaato dadkooda ,soona celiso kala danbaynti
iyo sharciga oo lagu dhaqmo. kooxdan ma'ahan
koox yar ,waaana in ay is doontaan si dhaqsiya
,una abuuraan xoogag bedelo kooxahan waddankoodi
ku bedshay calooshooda iyo dana gaaban oo aanan
marnaba laga gun-gaarayn.
Dagaalka
wejiyada badan ee maanta ka taagan dalka
Soomaliyeed, ma'ahan kaliya mid ku kooban
kooxaha Soomaalida ee waa mid ay iyagana
daadihintiisa dowr weyn ku leeyihiin dalalka
deriska la ah Soomaaliya iyo shisheeyaha fogba..
ka faala bixinta dhaqan xumida shisheeyaha ay
dalkeena ka wadaan, iyadana waxay u baahan-tahay
qoraal dheer iyo daraaso si cad u turxaan bixin
karto waxa nalaga doonayo ,waxa aan aqbali karno
,waxa nalala qeybsan karo iyo qaabka aan isaga
moosi karno daad xumaha ay horkacayaan dalal
naxriislaabayaal ah ee dalkeena ka doonayo dano
xun oo aanan la aqbali Karin.
18\03\2007
Abdallah Moallim
Mahamud
(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
webmaster@calaayle.com