Soomaliyey idinkana Maanka
ku haaya, nabadaynta dalkiina in aynan ku jirin gacan
dad kale, nabad iyo karaama aad heshaana waxaa ka
horeyso, in aad idinka oo isku duuban u guntataan
xoreynta dalkiina, difaacida diinkiina iyo dadnimadiina,
Soomaaliyeey meel iska dhiga riyada ah, in uu dalkiina
nabad ku soo dabaalo nin umuuraha dalkiisa amar kaga
qaadnayo General Tigree ah oo ay weli ku taalo
buuryadi(Qolofti) hooyadiis ku dhashay.
Qayla-dhaanta ka soo
yeerayso reer galbeedka oo uu Amerikaanka ugu horeeyo,
waa bilowgi dhamaadka dowlad ku sheega uu horkacayo Col
Cabdulahi Yusufka aanan ka xishoon in uu dalkiisa ku soo
hogaamiyo jayshka dowlad cadow ku ah danaha dalkiisa iyo
dadkiisa.
Hadalkan hordhaca ah,
macnihiisa ma'ahan in reer galbeedka doonayaan in dalka
Soomaaliyeed ka ambaqaado dowlad xor u ah maareynta
arrimaha ummadda Soomaaliyeed.
Reer galbeedka waxaa
beyahanba lagu yaqiin,caadana u ahaa, sida lagu arkay
qaabki ay ula dhaqmeen madaxweynihi Afgaanistaan Camiil
Burhaani-diin rabaani, kolki uu soo horkacay ciidanki
Maraykanka ee afka dhulka u daray nidaamki Daalibaan ,
in ay isagana ku yiraahdeen hilfahaada horay u qaado ,waxaynu
haynaa Mr Karazaay aad u jilcan, kaagana haboon la
dhaqankeena waqtigan xaadirkaa,sidoo kale
qolyooyinka(Camiilada) ciidamada Maraykanka ku soo
hogaamiyay dalka Ciraaq,waxay ula dhaqmeen sidaas iyo si
ka xun ,sideedana markaan runta isu sheegno, waa
taariikh soo jireen ah, in camiilka kolki laga dhargo,
loo tuuro dibada, sidi maro duug ah.
War iyo dhamaantiis ,waxaa
beryahan ummadda Soomaaliyeed jahwareeriyay ,warar fara
badan oo reer galbeedka ku sii daayeen mediyaha(Iclaanka),
iyaga oo wararkan hor u dhac uga dhigayaan sidi ay uga
takhalusi lahaayeen Dowlada Cadbullahi Yusuf iyo Geedi
,una yareyn lahaayeen awooda faraha badan ee dowlada
Tigreeda ku leedahay dalka Soomaaliya waqtigan xaadirkaa,
una abuuri lahaayeen kooxa cusub oo u adeego danahooda.
Hadaba annaga oo isku
dayeyno in ka jawaabno Su'aal wareer ku abuurtay dadka
Soomaaliyeed oo ah ,Maxay reer galbeedka wada hadal ula
fureen Shiikh Shariif waqtigan, iyaga oo gacanta ku
haayo dowlad diyaar u ah in ay u adeegto, oo ay ku dhan
yihiin jawaasiisti u fududaysay in ay Tigree soo galaan
dalkeena, cagtana mariyaan nidaamki ay abuureen Isutagga
Maxaakimta Soomaaliyeed, Muqdishana ka arriminayay mudda
lix billod ah?, waxaa iyadana meesha ku jirto, inta
aanan u gudbin ka jawaabida su'aasha hore ,maxay reer
galbeedka wada hadal ula furi waayeen isutagga
Maxaakimta Soomaaliyeed inti uu gacantooda ku jiray
dhulka Soomaliyeed intiisa badan?
Ar aan idiin sheegno war
xiisa leh,jawaabna u ah su'aalahan aan iska weydiinay
arrimaha Soomaalida ,sina uga maqan maanka dadka
Soomaaliyeed, reer galbeedkana aad uga nixiyay ,maqalkeedana
uu anfariir ku reebay naftooda ,kuna noqotay xaqiiqo
aynan malaysanaynin oo ka dhacday dalka Soomaaliyeed.
Waa sidee ,waa maxay
xaqiiqadaas, waa iyada oo reer galbeedka mar kaliya ku
soo tooseen, wiilal is xilqaamay oo ku guulaystay gacan
ku dhigida dalkooda iyo maareynta dadkooda (hadafkooda,
Soomaaliya oo lagu xukumo shareecada ha ahaadee ama
kursi doon ha ahaadee) iyaga oo aanan ku tiirsanayn dal
reer galbeed ah iyo hay'ad reer galbeed ah toona, sina u
garab maray dabinki dadka Soomaaliyeed loo dhigayay in
ay ku dhacaan mudda lix iyo toban sanadood ah,iyada oo
fulinta dabinkaas loo adeegsanayay ,qabqablayal
dagaal,NGO yada faraha badan ee laga furay dalkeena meel
walbo ,saxaaafad bahdilan inteeda badan ,iwm.
Waa xaqiiqo ,taageersanow
ama diidanow ,sax u arag ama khalad,annaga oo aan u
hoos ugu daadegin ka hadlida khaladaadki Siyaasadeed oo
ay galeen Madaxda sar-sare ee isutagga Maxaakimta ,waxaa
hubaal ah in raggi horkacayay Maxaakimta mudadi ay dalka
xukumayeen in uu dalkeena(Caasumadeena) noqday, dalka
kaliya ee adduunweynahan xor ka ah, fulinta awaamirta ka
soo baxdo dalalka reer galbeedka .
sidaa darteed Ameerikaanka
iyo reer galbeedka waxay Shikh Shariif Shikh Axmed u
doonteen in ay ceebeeyaan muddadaas taariikheed ee
Soomalida ka diiwan geliyeen baalasha lagu qoro
taariikhaha adduunka ,waxayna doonayaan in ay Shikh
shariif ka dhaadhiciyaan in uu dalka dib ugu soo noqdo,
kana qeyb qaato sidi dowlad ku sheeg Salbalaaran looga
dhisi lahaa dalka Soomaliya ,dowladaasna ay ahaato mid
bedasho dowlad ku sheega ay hadda horboodayaan
jawaasiisti loo adeegsaday burburinta iyo ku tumashada
karaamada ummadda Soomaliyeed kolki ay ogolaadeen in uu
Milis sanaawi sariirti lagu marti geliyay isaga oo diif
ah ,maanta nagu yiraahdo ,cidnana marti ugama ihi ku
jiifkeeda.
Ujeedada loo doontay Shikh
Shariif waa in isaga lagu beer laxawsado jago dowladeed
oo wasakhaysan, si uu ula mid noqdo kuwa maanta dalkeena
ku soo hogaamiyay Tigreeda na qabsatay,halkaana ay ku
dhamaato taariikhdi wacneed oo ay maxaakimta ku qoreen
baalasha Soomalida iyo in ay Soomaliya ka jireen rag
bedeli karo masiir(jid) xumaaday oo ay keeneen wiilal
Soomaliyeed oo u badan juhalaa aan wax badan ka aqoon
qiimaha ay leedahay diinta Islaamka, keddibna
Soomaaliweyn lagu yiraahdo waa ummad aanan jirin, kuna
kooban xoogaa yar oo dhuuntooda maro ,ama jago ceebeed
oo la siiyo, laguna fadhiyo taariikh kooban.
Aan u dego ,yoolka
qoraalkan oo ah ,in aan Shikh Shariif iyo jameecadiisa
uga digno in ay aqbalaan qaabka ay wax u doonayaan Reer
Galbeedka waqtigan xaadirkaa, oo iyada ah in dalka
Soomaliya laga bixiyo gacanta ku meel gaarayaasha hadda
maamulo dowladi lagu soo dhoodhoobay magaalada Mbagathi
ee dalka Kenya, keddibna la dhiso koox cusub oo dadka
Soomaliyeed loogu sheego in ay bedeleen kooxihi ay
intooda badan diidanaayeen, laguna bedelo kooxo ka
tirsanaa maxaakimta iyo kooxo kale oo aan weli la soo
bandhigin ,laakin hubaal ah in ay reer galbeedka meel ka
mid ah waddamadooda ugu diyaar-san yihiin shaqsiyaad la
mid ah, Karazaygi Afgaanistaan loo soo magacaabay oo
kale.
Shikh Shariif waxaan ugu
yeeraynaa in uunan aqbalin jago ceebeed iyo in uu
shuruudiisa ku ekeeyo .
Xabasho oo dalka ka baxdo ,dowlad
la soo dhisaana ay ku xirnaato shirweyne Soomaliweyn la
isugu keeno, laguna qabto dalka gudihiisa iyo in isaga
intaas keddib uu soo dhoweynayo hogaanki ay Soomalida si
madax banaan ugu doortaan dalkooda, si looga koro
ceebeyn loo geysto taariikhdi wacnayd oo ay sameeyeen
isaga iyo kooxdiisa.
Intaa keddib Shiikha waxaan
ku wargelinayna ,hubaalna ah, in aynan shuruudahiisa
aqbalayn dowladaha reer galbeedka ,taasna ay soo
gabagabynayso jiritaanka dowladan lagu keenay
dabaabadaha Tikreeda dushoodo, asbaaba badan awgood.
Waxaan isku dayaynaa in aan
soo koobna asbaabaha soo dedejin karo, burbur dhaqsiyo
oo ku yimaado dowladan xanbaarsan, sirta Soomaali-weyn
looga soo maleegay Addis-Ababa,Nayroobi iyo caasumadaha
dalalka reeer galbeedka oo kulligoodba isku bahaystay
neceybka ay u qabaan dalka Soomaliya oo uu ka hergalo,
xukun salka ku haayo ku dhaqanka shareecada Islaamka ama
ugu yaraan dowlad horkacayso Soomali xor u ah maareynta
waddankooda.
Burburka DFKM waxaa soo
dedejinayo asbaabahan.
1)DFKM waxaa horboodayo
madax aynan jirin mabda'a kaliya oo kulmiyo.
2)dowladaha faragelinta ku
haayo arrimaha Soomaliya oo aan ka mideysnayn qaabka loo
furdaaminayo howlaha ay dalkeena uga haayaan shaqsiyaad
midba qolo ka mid ah qolooyinkan u shaqeeyo.
3)Ameerikaanka oo ku
qanacsanayn gacanta muga weyn oo ay Tigreeda ku leedahay
awaamir-siinta dowladda hadda ka arrimiso dalkeena.
4)Milis Sanaawi iyo
Tigreediisa oo aanan ogolayn in ay Soomali ka ambaqaado
dowlad dhexe oo xoog leh, kana arrimiso dalka
Soomaaliyeed oo dhan .
5) soomaalida oo aan ku
heshiin Karin dowlad daciifa hoosteeda.
6)Talyaaniga oo aanan
doonayn in looga saro maro gacan ku lahaashada
mustaqbalka Soomaaliyo dowlad ka taliso dalkeeda iyo
dalal kale oo reer Yurub ah oo iyagana sidaa si u eg u
dhaqmo beryahan, marki laga hadlo arrimaha Soomalida,
keddib marki ay dalalkooda ku abuureen Soomali daciif ah
oo dalkeeda ka fuliso dana guracan oo ay dalalkaas ka
leeyihiin dalkeena.
7) Col cabdullahi Yusuf oo
aanan ku cibra qaadan muddadi dheereed oo ay Soomalida
ku jireen dhib ku dabadheeraaday ,iyo isaga oo maanta
isu haysto hogaamiya mayal adag ee gaaray hadafkiisa ,maantana
fulin karo in uu Soomaaliya u daadihiyo dhinici uu doono.
8)Wasiirka Kowaad oo
isagana col Cabdulaahi Yusuf u haayo xarash ,ogna sidi
uu uga soo shaqeeyay in uu ka takhaluso wasiirnimadiisa
kolki ay DFKM deganeed magaalada Baydhabo, haddana is
mooday nin muruq ku leh deegaanka Muqdisho ,baari
fogaadana u ah Tigreeda ka arrimiso dalkeena.
War iyo dhamaantiis ,aan
idin xasuusiyo in ay maanta Soomalida gaareen guul weyn
oo aanan maanta xisaabka ugu jirin, dad badan oo
saadaaliyo arrimaha Soomalida halka ay ku danbeyn
doonaan ,aadna u jeclaa in ay arkaan dalkooda oo lagu
dhaqo shareecada Islaamka.
Waa su'aale, guushaas maxay
tahay,guushaas waa in dadka Soomaaliyeed intooda badan
aqbaleen in dalkooda lagu xukumo ku dhaqanka shareecada
Islaamka, iyaga oo aanan arrimaha ka fiirinayn, waayo
qolada horkacayso maxaakimta , ama qoladan ma yihiin dad
wacan oo nagu hogaamin karo diinta Islaamka ,balse
ummadda Soomaaliyeed waxay wax walba ku soo koobeen,
meelna ugama harno Kitaabkaas Ilaahey oo kor loo
qaaday,waxaa kale oo ay dadka aamineen ruuxi ka been
sheego diinta Islaamka, in uunan ka harayn qolooyinka ka
soo horjeedo in dalkeena lagu dhaqo shreecada Islaamka.
Haddaba waxaan qoraalkan
ku soo gunaanadayaa Soomaaliyeey nafta khayr u sheega ,waayo
ilaahey wuxuu balan qaaday in wax walba oo fiican,oo aan
la imaano in uu noogu bedalayo waxyaaba badan oo fiican
,waxaana hubaal ,waa sida aan aniga u arkaa in aad la
timaadeen wax fiican ,aadna aqbasheen in dalkiina lagu
xukumo shareecada Islaamka, sidaa darteed qolooyinka
dabaabadaha lagu keenay iyo qolooyinka keenayba waa na
dhaafayaan goor dhow haddii Ilaahey Idmo ,waxaana haddii
Ilaahey idmo ,mar dhow dalkeena ka aarimin doono, kuwa
si niyad san ugu istaago difaacida dalkooda iyaga oo
aanan luqunta labada garab u dhaxeyso ku sidan qool ah
qabiil jeceyl iyo kursi jeceyl midnaba.
28/01/2007
Abdallah Moallim
Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)