Maalmahan waxaa ummadda
Soomaaliyeed aad u hareereeyay siyaasado daahsoon oo
aynan cadayn yaa garwadeen ka ah, ma Xabashi, misa Cami
Saam, halka ay inta badan ummaddeena ku mashquuleen Prf
Geedi lama ridi karo iyo Col Cabdullahi Yusuf lagama
adkaan karo oo geddigoodba salka ku hayso qabyaaladi la
hartay qaranimadeena, nagana reebtay in aan ahaano ummad
lugaheeda ku taagan ,dibadana aanan laga hagin
ummuuraheeda, keddib marki si aad u weyn loogu
guulaystay in ummaddeena lagu mashquuliyo howshooda in
ay ku ekaato, ku tartanka annagaa u adeegayno danaha
shisheeyaha ka leeyahay dalkeena iyo annagaa u adeegayno
idinkagana haboon qabashada howshaas.
Aan u daadegno nuxurka
qoraalkan oo ah sideen dalkeena uga xoreynaa xabashi ,sideen
ku gaarnaa ahaanshaha dad xor u ah in ay dalkooda
maamulaan, annagoo aanan haddana is moogaysiinayn
hardanka u dhaxeeyo kooxaha Soomalida ee maanta ka jiro
dalkeena ,mid walbana la soo taagan tahay in ay iyada
tahay kooxda dhab'ahaan u taagan in ay dalkeena iyo
dadkeena ka saarto mugdiga uu ku jiro
aaya-ka-talintiisa. Annnagoo dhanka kalana aanan
is-moogaysiinayn danaha ay dowladaha shisheeya ka
leeyihiin dalkeena iyo culayska ay ku haayaan u
madaxbanaanaashada aaya-ka-talinteena.
Prf Geedi
waa tegay waxaana la haray Cami-Saam sida wararka
sheegayaan,Milisna waa awoodi waayay in uu ka dhigo ,meeshi
lagu dhisay iyo meeshi lagu cunayba Ilaahey nama dhigo.
Col Cabdullahi oo
dhanna ka rabay in Prf Geedi dhinac u dhaafo ,dhanka
kalana rabay in uu ridida Prf Geedi u furdaamiyo sidi uu
rabay isaga oo aynan isku xumaan ninka iska leh duudka
uu ku dangiigo(jiifo ),Geedina ku dangiigay, Col
Cabadullahi Yusuf waxaa ku soo baxay oo aanan lahayn
meel looga baxo fulinta awaamirka Cami-Saam oo isaga(
waa Amrikaane) danahiisa ka duwan yihiin danaha Milis
Sanaawi iyo Col Cabdullahi yusuf. markaan hoos u dhigana
Col Cabdullahi Yusuf waxaa horyaal fulinta awaamirta
sare ee Cami Saam oo isaga aad loo xejiyo in uu u
janjeero rabitaanka in fursad la siiyo kooxaha sida
aadka ah mucaarad ugu ah Dowladda uu garwadeenka ka
yahay Col Cabdullahi Yusuf ,maanxiisakana ka yahay Mili
Sanaawi.
waxaasa aad la yaab u ah
sidee Col Cabdullahi ku aqbalayaa ama ula shaqayn doonaa
wasiir koowaad oo ka soo jeedo kooxa uu mar ku tilmaami
jiray Argagixiso, si xooganna taageero ugu leh
Caasumadda Soomaaliya ,garabna ka haysto dowladda
Maraykanka isagoo awoodi kari-waayay in ay wada
shaqeeyaan wiilal ay ku soo dartay Itoobiya una soo
suurta geliyay in uu seexdo Villa Soomaliya, madaafiicba
ha ka hurdi waayee.
Su'aashan jawaabteeda
waxaa kale oo ay abuuraysaa su'aal kale ,wasiirkaas
koowaad waa haddii laga soo doorto reer Asmaro ama uu
noqdo nin uunan cabdulaahi isaga farta ku fiiqin, kana
soo jeedo xoogaga awooda ku leh Caasumada Soomaaliya,
sidee (waa wasiirkaas koowaade) u aqbali doonaa
dastuurka dhigan in laga tago, laguna wada shaqeeyo
rabitaanka Col cabdullahi Yusuf oo iyada ah midi ay ku
kala tageen adeegayaashi Milis Sanaawi oo iyaga
howshooda inta badan dhan kaliya wax u wada waday,
haddii uu aqbalase (waa wasiirkaas koowaade) sidaa u
kasban karaa quluubta Soomaali guud ahaan iyo gaar ahaan
quluubta Reer Muqdisho oo iyaga dhagaha horay uga
furaystay waxay u arkaanba in aynan dan ugu jrin ,welina
feer iyo fara-laab ugu daro.
Warkan dhamaantiis waa jug
jug meeshaadi joog,waa Prf Geedi ninka lagu bedelo ceeb
ka saliim maahan kol haddii uu aqbalo qabashada jagadaas,
Ciidanka Itoobiya oo weli dalkeena ku sugan, ninkan
waxba ku soo kordhin-maayo ummuuraha cakiran iyo danaha
is-khilaafsan ee waddankeena ka jiro , dhib hor-leh
maahine.
Su'aalladahan kor ku xusan
iyo kuwa hooso dhamaan, waxay jawaabtooda si waafi ah
kuugu tilmaamayaan, Xabasho iyo dabadhilifyada ay u soo
wakiilatay qabsashada dalkeena in ay ku socdaan fashil
iyo taariikhda xabashada oo baalkeeda madow lagu qoro
Milis Sanaawi in uu Xabashi gaarsiiyay "Idinkoo awalba
foolxumaa xuun ma idin cunay".
Reer Asmaro, Isbahaysiga
Dib u xoreaynta Soomaaliya amaba si kale u dheh Reer
Asmaro hal garab ayey ka gooyeen xabashida, guul
dheh, marna dheh armaa guushaas bukaan ku jiraa,
Suaa'sha waxay tahay Reer Asmaro iyaga ma
garabkeey gooyeen ayey bedelayaan ,una diyaar yihiin in
ay xabashi la shaqeeyaan iyagoona taa ka dhihi
doono,waa haddii ay dhacdee, annaga xabashi lama
shaqayno laakin waxaa ku nimid balama aan kala galnay
Cami-Saam(Ameerikaan), misa qorshihi ay iclaamiyeen
waxba iskama bedelin iyo in aynan ka tanaasulayn in ay
is dabadhigaan gumaysi kal-kaal iyo wixi la shaqeeyaba.
Reer Asmaro isku
wada duub,danahaoodana aan mid ka soo qaadno si ku
meel-gaar ah ,waxaa iyagana hor yaal balanti ay ku
galeen Asmaro iyo dastuurki ay dhigteen oo ah in ay
gumaysiga Xabashida ka saarayaan dalkeena iyo intaa
keddib oo ay dad badan iyaga ka sugayaan suurtagelinta
gaarista hadafkooda iyagoon dagaal lagu hoobta kaga
hor-tegin Al-Shabaab oo abuu-Mansuur keliya laga yaqaan
madaxdooda ,
Dad badan ayaa iyagana iska
weydiinaya xageey Reer Asmara kaga jiraan muqaawamada
lagu haayo Ciidanka Xabashida, maadaama ay kooxda Al
shabaab iyaga goor-walba sheegtaan dharbaaxooyinka loo
geysto gumaysiga Xabashida, su'aashan jawaabteeda
waxaan u daynaynaa madaxda Isbahaysiga dib-xoraynta
dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale weli Reer
Asmaro lama aynan imaan wax muuqdo saaxada cakiran ee
dalka Soomaaliya marka laga reebo bayaanada siyaasadeed
oo ay soo soo-saaraan marki mudda la joogaba iyo run
ahaanti oo aan iyada la inkiri Karin in abuurida
ururkooda dhaawac weyn u geystay awooda sii jiritaanka
DFKM ama dabadhilifyada Tigreeda.
Al shabaab iyaga
waxaan aniga u aqaan balaayo Ilaahey soo diray oo loo
baahan yahay waqtigan, waayo Xabashi cidi u diido
nasasho iyo wax walbo oo u saamaxayo in ay ku hamiyaan
sii haysashada dalkeena waa dad quman markaan meel iska
dhigno fakirkooda ha xumaado ama ha fiicnaadee.
Al sahabaab waayo iyaga ,
kooxdan in aan isu tilmaano uma baahno ,waayo iyaga
fakir ahaan waa cadaysteen waxay rabaan, waana in dalka
Soomaaliya lagu xukumo sahreecada Islaamka ,mana
aqbalayaan wax ka yar siday u dhigaan bayaanadooda .waxaana
fekirkooda ka heli kartaa Safxada AL-Mujaahid
http://www.almujaahid.com/
http://www.heegan.net/
Shareecada Islaamka in
dalkeena lagu xukumo dadka Soomaaliyeed iskuma diidano,
laakin waxay su'aal ka taagan tahay kooxdan ma tahay
koox u dhega dhugul, dhegaysiga shuyuukhda aan ku fakir
ahayn iyaga ,doonayana sidooda in shareecada Islaamka
lagu xukumo dalkeena balsa kaga duwan kooxdan qaabka iyo
fekerka ugu wacan ee taa lagu gaari karo ,iyagoo rabo in
taa lagu gaaro si caqliyaysan oo cilmiyeysan oo looga
kori karo dalkeena oo uu ku daato dhiig dabada ku haayo
khilaaf diiniyo oo abuuri karo burbur ka weyn midki aan
horay u soo marnay.
Dhinaca kale kooxda
Al-Shabaab shaki badan ayaa ku xeeran ka tirsanaantooda
Aururka loo yaqaan Al-qaacida waayo waxaanan ka muuqan
caadooyinki lagu yaqiin kooxda hooyada u ah tandiimka ay
sheegtaan in ay ka tirsan yihiin lana yiraahdo
Al-Qaacida
Caadada kooxaha ku
abtirsada Alqaacida waxaa lagu yaqaan in la yaqaan
magacyada madaxa fulinta kooxaha ka farcama kooxahooda
iyo madaxdooda saraba ,ugu yaraan haddii aanan magacooda
runta ah la aqoon waxay sheegtaan naanaysta ay ku dagaal
galaan sida Abuu fulaan, kooxdan waxaa laga yaqaan oo
kaliya nin ay ku tilmaameen Afhayeenkooda ,lana yiraahdo
Abuu Mansuur oo ay aad ugu muuqato in uu yahay nin aanan
meel fog ka gaarin barashada diinta Islaamka ,waayo mar
laga wareystay iddacada layska arko ee Universal
wararkiisa oo dhan waxay ahaayeen taag taag oo iyada ah
mid aanan lagu aqoon dhaqamada culumada ku takhasustay
diinta Islaamka, ogowna afhayeen looma magacaabo nin
aanan tandiimkiisa(ururkiisa) ku soo kordhin Karin
taageerayaal hor leh, hadalkan macnihiisa wuxuu yahay in
uu aad u balaartay shakiga awalba laga qabay ee ku aadan
ururkan xagee laga maalgeliyaa, yaasa gadaal ka taagan
ma Al-qaacida misa Dad ku danaysanayaan dhalintaan, dana
kalana ka leh dagaalka ay ku haayaan Xabashida .
Midda kale ururkan waxay
saaxada Soomalida la yimaadeen dhaqan aanan meelna kaga
tirsanayn diinta Islaamka oo ah in la banaysto dhiiga
nin aynan jirin cid ku cadeysay murtadninmo, jidkana
aanan u istaagin nin muslima ee duulaan ku ah gaalo
dagaal ku hayso diinkiisa,dadkiisa iyo dalkiisa.
Falaanqayn iyo faalo ka
bixin kooxaha maanta isku haayo hogaaminta dalkeena iyo
dadkeena keddib, waxaan Dhamaadka qoraalkan u gartay in
aad adiga kala doorato waqtigan hadda la joogo, yaa ugu
haboon in aan ku taagerno gacan ku qabashada masiirka
ummadda Soomaliyeed
Ma kooxda Col Cabdullahi
Yusuf uu hogaaminayo, markaana laga filaayo in uu
wasiirkooda koowaad noqdo nin ay Ameerikaanka farta ku
fiiqeen in uu isaga yahay mid ay ku gaari karaan
masaalixi ay dalkeena ka leeyihiin iyaga iyo Xabashi,
maankana ku haay oo marnaba yey ku reed marin, waxa waa
Amrikaanki xoreeyay Ciraaq, lana soo shir tegay Howlihi
ay Abuu-Gariib ka fuliyeen iyagoo taa ula jeeday in ay u
gargaarayeen dadka Reer Ciraaq.
Misa kooxda Al shabaab
oo warkooda cad yahay "na soo raac ama naftaada ka
tanaasul" ,wiilashan wada hadal ma laho, warkoodana
wuxuu ku kooban yahay siday wax u rabaan in aad ku
raacdo ,in dagaalkooda aad u istaagto iyo aad ka
haajirto meeshay joogaan wax u dhaxeeyo ma laho sddexdaa
umurrood.
Misa kooxda Asmaro,Shikh
Shariif iyo shikh Cumar Iimaan iyo kooxdooda oo ay
sida caqliyeysan isugu keneen ,oo iyaga rabo in ay dalka
ka xoreeyaan Xabashi ,keddibna diyaar u ah in ay dhigaan
gogol ay soomaali uga wada tashato aayaheeda siday ayaga
u dhigeen dastuukooda, bayaanadoodana ku cad.
Fiira gaar ah,ma jirto koox
aan farta kuugu fiiqayo marka laga reebo faalada aan kor
kaga bixiyay umuuraha dalkeena ka socdo haddeer iyo in
xaqiiqada gundhiga hadalkan uunan ahayn mid aniga iga
yimid ee uu yahay mid ay koox walbo bareeraheeda si cad
ugu sheegto bayaanadoodo .
Abdallah Moallim Mahamud