Horta Adiga, Hawiyoow Heshii !!!

Ra'yi
 22May2010

ACWW, Talo iyo tusaale ku socda, Beesha Hawiye.

Sida Beesha Hawiye ku wanaagsan, kuna Nabad gali karto una horumari karto.

Beesha Hawiye oo ka mid ah Beelaha Somaliyeed mid ka mid ah ayaa waxaa ay nasiib u yeelatay, dagaalo Sokeeye & mid dibadeedba oo ayada si khaas ah oogu dhaca dad badan oo Somalida kale ka mid ahna, saamayn dhibaato ka soo gaarto, bacdamaa deegaanka Beesha Hawiye degantahay ay Somalida kalana la daganyihiin.

Hadaba waxaa la hubaa inta uu meel dagaal ka jiro in aysan jiri karin wax nolol ah ama horumar ah oo meeshaasi ay yeelato.

Sidaas darteed su,aalaha meesha yaala waxay yihiin (3) su,aalood,

Su,aasha 1aad sidee Beesha Hawiye deegaanadeeda Nabad ku noqdaan?

Su,aasha 2aad Sidee Gobolada Beesha Hawiye loogu helaa Maamul nadiif ah oo Cadaalad ku dhisan?

Su,aasha 3aad

Sidee beesha Hawiye Dowlad Somaliyeed ku dhistaa?

Su,aasha 1aad jawaabteeda.

 Waa in ay Beesha Hawiye la timaado siyaasad midnimo isku duubni Hawiye (First of all)

Waa in Beesha Hawiye ay la tumaado siyaasad ku dhisan raadin nabad kuwada noolaansho oo ay ka raadiso gudaha iyo dibadaba.

Marka aan leeyahay dibada waa ka biloow dowladaha jiraanka ah in ay la heshiiso oo aan lagu dirin oo Beelo dan gaar ah leh ayan ada dagaal u adeegsanin.

Hadii aan wax yar sharoxo arintaas,

Beesha Hawiye dhul ka maqan oo ay Ethiopia ama Kenya ka haysato ma jiro.

Dhul Somali ka maqana anigu ma qabo in uu jiro.

Sidaas darteed ilaa & 1976 waxaa la dagaal galinayey Beelaha Hawiye si dhul been sheegato ah oo aan jirin loogu qabsado xoogooda.

ilaa & hadana arintaasi way socotaa oo hada ayey u sii darantahay.

Somali dhulkeeda waa la yaqaanaa ku filan kana badan, itaal & aqli ay ku mana facaadsatona way la,dahay.

Kuwa reer galbeedkana sidoo kale in aad u ilaalisaan xiriirkooda wax wada qabsi ee ma caabilka aduun aakhirana ninba camalkiisa.  

Waa in ay beesha Hawiye u ekaato ama loo sawirto in ay tahay dad la isku haleen karo oo aamin ah naf & maalba.

Dadka Somaliyeed ee ku nool Gobolada hawiye ee aan hawiyaha ahayn, waa Somali waa in ay dareemaan in la citaraamaayo oo loo tuso in ay dhulkooda jogaan oo ay oola simanyihiin midka Hawiyaha ah.

 Waa in ay dadkaasi ay helaan nabad galyo buuxda iyo xaqdhoowr sidii waayadii horeba lagu yaqiinay Beesha Hawiye, taas oo xitaa lagu sheegi jiray lagu aamaani jiray daris wanaag.

Sidaasna Beeshu waxay ku kasbaneeysaa dadka Somaliyeed ee aan Hawiyaha ahayn iyo waliba indhaha Caalamka oo uu qiraayo in ay Beesha hawiye tahay beel la isku haleen karo oo xil kas ah.

Intaas marka ay kasbato waxay Beeshu heleeysaa Nabad galyo mid ayada la siiyo iyo mid ayada laga helay, taas oo anfacaysa ama ay ku liibaanayaan dadka Beesha Hawiye, aduun & aakhiroba.

 Su,aasha  2aad jawaabteeda.

Waa in ay Beesha hawiye yeelato ismaqal. Marka ismaqalka la helo waxaa sahlanaanaayo wax kasta oo tasiilaad ah. Waxaa la sameeynayaa maamul loo dhanyahay oo ku yimaado, doorasho dadweyne oo cadaalad ku dhisan.

kaas oo laga ilaaliyo, wax xaqdaro ah ama Laaluush iyo wax la mid ah. In marka ay maamul iyo madax ay Beesha dooraneeyso, lagu martiqaado dadyoowga kale ee Somaliyeed & Dowladaha kaleba, si ay u arkaan Cadaalada iyo Horumarka ay Beesha Hawiye gaartay.

Su,aasha  (3aad) In Beesha Hawiye ay waligeed isku duubnaato, iskana ilaaliso munaafaqada ama marba meel la jirista.

Dagaaladii Sokeeye ee dalka Somalia ka dhacay, waxay ku dhisnaayeen isbahaysi Qabiil.

Kuwaas oo ahaa Hawiye & Daarood.

Hadaba waxaa dhacday in markii la ridaayey, Rajiimkii Mohamed Siyaad Barre's ay Beesha Hawiye u dhanayd"  ka dibna waxaa biloowday kala tag, isdagaal, abuurid cadaawad oo Beesha dhexdeeda ah & tanfaraaruq.

Waxaa dhacday in Beel ka tirsan Beesha hawiye ay xiriir saaxiibtinimo oo ku dhisan Goboleeysi la yeelato, Beelaha Somaliyeed, Beel ka mid ah, taas oo markii hore meel ay ooga soo wada jeeday.

Waxa ay la bexeen magac gaar ah oo la yirahdo, Walaalaha Galguduud.

Isla markaasna ay wada jir ola dagaalameen Beel ka mid ah Beesha Hawiye oo deegaankeeda ay ogu tageen si gardaro ah, ayna ku laayeen kuna dhibaateeyeen halkaasi.

Arintaasna waxay ka dhacday Gobolada Jubooyinka.

Sidaas darteed waa in ay ka fogaato Beesha Hawiye khaladaadka noocaas oo kale ah ee aan soo sheegay.

Waa in ay noqotaa Beesha hawiye Beel Nabdeed oo lagu soo hirto.

Waa in Beesha hawiye ay ka faa,ideeysato deegaanadeeda ilaah ku manaystay ee khayraadka badan, dadkeedana ay ka gaajeeysanyihiin maanta.

Kuwa diinta islaamka sida xun u turjumayoow, ka waantooba arintaas waxba kuma gaaraysaane.

Ummada Somaliyeed waa wada muslim, ee ka daaya mabda,a xun ee xaqa alle ka fog oo ay jeebka idiin galiyey kuwa kale oo dhulkooda & dadkoodaba baabi,inaya ee naxariista daran.

Hadii aan jeleeco Dowlada Sheikh Shariif, ma ahan sideedaba Dowlad ay ummada Somaliyeed ay soo doorteen. 

Dowlada Sheikh Shariif, tii Abdulahi Yusuf, tii Abdiqaasim, tii Ali Mahdi, tii Mohamed Farax Caydiid, tii Mohamed Siyaad Barre & tii Abdirashiid Ali Sharmaarke intaba.

Dowlad xalaal ah waxaa nogu dambeeysay Dowladii naxasriistii janno aale ha ka waraabiye, Adam Abdulle Osman.  

Hadana ayadoo ay sidaas tahay ayaan waxaan leeyahay war Dowlada halala heshiiyo oo dagaalka gacanta ah halaga daayo ee afka halagala dagaalamo.

Dowlad xun Dowlad la,aan ayaa ka sii xun.

Dowlad xun waa la badali karaa lakiinse meel dowladba jirin waa khatar ee ha ogolaanina Dowlad la,aan.

Ogu dabeeyntii waxaan leeyahay Beesha hawiye,

Hadii idinka kaligiin magaalada Xamar aad Dowlad ka dhistaan, Somaliweyn Xamar ayey idiinku imaanaysaa ee bal idinku intaad isu taktaan oo heshiisaan Dowlad xitaa dhamaanteedba wada Hawiye ah dhisa, Somali waa idin raacaysaaye.

Al muhiim waa Nabad, Nabad, Nabad Nabad,uun la imaada Hawiyoow.

Mahadsanidiin

By. Mohamed Omar Osman

 world9peace@yahoo.com

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

 

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 
                                                 Read Akhriso
              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

_________________________________