بسم الله الرحمن الرحيم
الســـلام عليكم ورحـمة الـله وبــركـــاتــــه. وبعد
 
 
Maquuste oo Ka Qanimeeystay Geedi
 

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
 November 01/2007

بسم الله الرحمن الرحيم

 الســـلام عليكم ورحـمة الـله وبــركـــاتــــه. وبع

Maquuste oo Ka Qanimeeystay Geedi
 
Waxaa weli ilxumi la soo taasi waayay taageerayaashii Geedi ku taagri jiriy indha laáan,waxaanse aniga iyo in faro badan ka quusanay xiligii uu siyaasada la soo galay been iyo daba dhucleeynta Maquuste iyo Ethiopia,waxaan qoray maqaalo faro badan oo aan umada ugu sheegayo in Geedi uusan aheeyn nin wadani ah,kana tarjumi karin darajada uu wato,waxaan dhahay Gar kuuma taal Goof abkaa guri amxaar ku faagwareeg,waxaase xiligaan ka sii foolxun in M.dheere uu wado gumaadka reer Muqdisho alow sahal umuuraha.
 
Hadddii ninkii proff ahaa garaadkiisa uu noqday in uu dalka keena Ethiopia lugna gumaaday shacabkii Hawiye ee xamar ku dhaqanaa maxaad fileeysaa kan aan aqoonta laheeyn ee xooga ku jira anan kala reeban karin in uu u qabto reer Muqdisho wax uun waa gumaad.waxaase ka sii daran labada nin waa isku jufo ilaah ugu gargaaray wax walba,waxaa eey noqdeen jufada kaliya ee heshay xildhibaan r/wasaare wasiiro,waxaa eey lahaayeen dekeda ceelmacaan iyo mida ceel-cade,gobolka sh/dhexe ayeey ka talin jireen, waxaa ilaah ka dhaladsiiyay Iimaanka reerka arinku xagee ka qaldan yahay...........????????? ma aqoondaraa jirta mise habaar ayaa reerka ku dhacay...........??????? arimaas oo dhan dhawaan ayaan soo bandhigayaa haddii ilaah idmo.
 
Haddii aan u noqdo Maquuste waxa u ka qanimeeystay Geedi runtii cidna kama qarsoona,Geedi waxaa laga qaatay in ku dhaw 60 gaarida tiknikada loo yaqaan iyo in ka badan 200 qori dagaalka oo eey wateen ciidamada qaaska u ahaa Geedi,waxaa intaas sii dheer in ciidamadii Geedi ilaada u ahaa in lagu amray in madax laga xiiro dabeedaeedna loo gudbiyo xirada Manaas si loogu dhaqan celiyo,weli waxaa socda firxadkii cidamadaa oo qaarkood eey soo gaareen xamar,waxaase ugu foolxumeed markii Maquste uu aad iyo aad ugu bahdilay fadhiga barlaamka xiligii Geedi uu is casilaayay:War mee ragii la socday Geedi oo iga soo horjeeday,Mee Maxed Qanyare Afrax ,mee Muuse Yalaxow,mee Caato,mee ninkii timaha cadaa ee c/sheekh ismaaciil....runtii waxaa eey aheeyd bahdilidii ugu foosha xumeed ee taariikhda somali laga qoro qarnigaan aan ku jirno.
 
Geedi waxaa uu danbi ka galay ilaaladii daba joogtay 3da sanno ee uu ahaa r/wasaare dhibkana uu kaga soo gaaray ilaalinta Geedi,waxaa uu qalday odoyada Hawiye iyo heshiiskii uu la galay,waxaa uu maro habaabiyay 126 xildhibaan oo eey isku fikir ahaayeen maantase Maquuste laga filaayo in uu mudankooda mariyo,haddii eey difaaceeyeen sharciga iyo dastuurka dhaaquudka maxaa sabbabay in uu uga baxo balankii eey wada galeen,Geedi waxaa uu qalday dad faro badan oo 2  isbuuc ee ugu danbeeyay u arkay in uu xaqiisa soo dhacsanaayo kuna socdo dariiqii saxda ahaa,waxaa uu qalday xaaji abuukar Cumar Cadaan oo uu ku soo booqday dalka Jabuuti intaba waxaa eey noqdeen kuwa taariikhda gala si fududna aanan lagu iloobi karin , Alow sahal umuuraha.
 
Websidka Abqaarow.com oo ah webka Tigreega ee afka somaliga ku hadla ayaa waxaa uu qori jiray xiligii Geedi uu ahaa r/wasaare erayo runtii umada soomaliyeed eey aad ugu xumaato waayo kuwa aan aduunka karaamo ku laheeyn (Geedi iyo Maquuste) ayeey dhihi jireen xafidu-laahu iwm,maantase waxaa eey qorayaan in Geedi uu yahay dagaal ooge guracan,waxaan qaadan waayay xafiduhu-laahu iyo dagaal ooge,sida oo kale waxaa eey aad u taageeraan Maquuste kuna tilmaamaan xafidu-laahu iwm waxaase isweeydiintu eey tahay ma laga yaabaa haddii Maquuste laga ceeyriyo xilika in eey dhihi doonaan dagaal ooge ....maxaa diiday adba ka jawaab akhristo, waayo webkani waxaa leh Tigree ku hadasha afka soomaliga,waxaad halkaas ka garan kartaa in marka laguugu shaqeeysto lagaa yeeli karo wax walba.Alow sahal umuuraha.
 
 
 
Geedi Goofkina Waa Gadatay  Guulwade M.Dheere Weli Waa Gumaadaa
 
 
Dr.Ali.A.Hirabe                                    Hirabe_a@hotmail.com

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.