Shirka Asmara Waxaan Ka Sugeeynaa Dowlad Raadisa Xornimada Somali

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
Septem 04-2007

Haddii Ilaah idmo waxaa somalida dhawaan u soo noqon doonta sharaftii iyo cisigii eey ku dhex laheeyd caalamka,waxaan fileeynaa dowlad leh dhamaan heykalkii siyaasadeed ee dalka looga xoreeyn lahaa cadowga Ethiopia,waxaan meesha ka maqneeyn xaga difaaca,arimaha dibada iyo hogaan sare oo aan marna ku dhisneeyn 4,5 ama qabiil,sida looga bartay MMI waxaan hubaal ah in eey umada soomaliyeed aad ugu farxi doonto heykalkaa cusub iyo taabagelinta ururinta shacabka gumeeysiga ku hoos nool,somalida qurba jooga ah waxaa eey hiil iyo hooba eey la garab taagan yihiin dowladaa xornima doonka ah ee laga curin doono Asmar,waxaan marnaba la iloobi karin hiiladii iyo sidii eey ugu istaageen soo celinta sharafta iyo cisiga soomali dadka qurba jooga ah,waxaan xusuustaa oo runtii calamka uu aadka ula yaabay xiligii MMI in qurba jooga eey ka qeeyb qaateen.
1)  Nadaafadii gobolka Banaadir.
2) Dhismahii Ariporka iyo Dekeda.
3) Wax walba waxaan la iloobi karin sidii umada soomaliyeed eey ugu aamineen deeqda eey bixiyeen howl wadaneenadii MMI,waayo waxaan shaki ku jirin in         lacagahaasi in eey sidii loogu talo galay loo adeegsaday.
4) Abaarihii  ku habsaday gobolada koonfureed halka ama meesha eey ka istaageen MMI waa mid taariikhda eey qori doonto,intaba waxaa eey ku muteen kalsoonida shacabka ku qabay iyo iyada oo nin walba rumeeysnaa in somali eey soo noqotay sharfteeda iyada oo Talada Ilaah la saranayo.
 
Dowlada Maquuste haddii eey tahay mid u adeegeeysa umada soomalia looma kala hareen balse waxaa eey umada ka dheregsan tahay in eey tahay dowlad Ethiopia eey leedahay,waxaa damiir xumi ah in shir Cali Mahdi ku qabtay xamar in lagu tilmaamo waxa shirk ah  iyada oo eey socdeen dagaalada iyo gumaadka shacabka,MMI waxaa eey ka duulayaan diidan yihiina in soomali eey tahay 4,5 waa wax aanan la laqi karin marnaba,waa kala qeeybin guracan xaqiiqdii,somali ka qeeyb galeeysa oo runtii ah MMI qurba jooga u badan aqoon yahano ka kala yimid dhamaan qaaradaha aduunka,waxaa shirkaa ka soo qeeyb galaya siyaasiyiin aad iyo aad u diidan qaab dhismeedka dowlada Maquuste ee ah 4,5 iyo midka fedralaalisimka ah waayo waxaan nahay hal qowmiyad oo aan kala qeeybsami karin xaqiiqdii.Shirka Asmara waxaa ka qeeyb galaya intii ka damqeeysa ku hoos jirka gumeeysiga Ethiopia,nin damiirlahow kaca,waxaan dhahay 2004 tixdaan oo runtii noqotay mid dhab ah xaga fikirka Maquuste iyo kuwa daba jooga.
 
 
Gurmadkii Garowe iyo Godeey weys Garbinayaane Gaashaan buursi Gaboobaa jiriyo Gaallo Garabsiinta,Gaf beey nagu hayaan iyo Gardaro Gaamurtaye, Garabka ii Saar Gamuun waaba Gubayaaye, ku gumaada Ga trii Cadowga labada Geesoode , Waa in aan Gumaadnaa Amxaar Galinka Maantaa he, Garab maray Ninkaa lahaa Waa u Gacal Guuxa umadiisa, u Galiimay Goodkii duqaa maalin Galinkeeda, haddow kaaga tagi Geed Cidlaa Sida Gool Libaax helaye Ma Gareeysan weli Gaf-kow ka Galay Gacaladiisiiye, isku Guba waa waxeey Galabsadeen Maanta.
 
1954kii Waxa dawladdii Boqortooyadii Ingriiska iyo Itoobiya heshiis ku duugeen in “Hawd and Reserved Area” dhul ahaan ka mid noqdaan dalka Itoobiya maantase waxaa eey Ethiopia eey joogtee caasimada soomali ee Muqdisho,waxaa socda gorgortan xoogan ee xaga qeeyraadka dalka,Chin-aha oo ku socda xawaare aad u dheereeya xaga ka faaiideeysiga qeeyradka afrika ayaa waxaa uu u degdegayaa sidii uu hanan lahaa soomalia,Maquuste waxaa uu la galay heshiis xaqiiqdii noqon doona mid somali lagu xaalufiyo,waayo Maquuste waxaa uu rabaa oo kaliya runtii aragtidiisa yar tustay in xiligaan uu ka qaato lacag hadafkeeda uu yahay in uu ku sameeysto ciidam si uu xukunka u sii haysto,halka Geei uu la galay heshiis dowladaha reer galbeedka sida sheel iwm,la arki doonee haddii qeeyraadka dahan lagu iibsanayo xoog militari,Alow sahal umuuraha.

Waxaa cidwalba oo somali ah ka saaran xil aanan la soo koobi karin sidii uu ugu hortagi lahaa xaalufinta qeeyraadka dalka sida sharci darada ah oo eey kula heshiinayaan dowlada Maquuste iyo xulufadood Ethiopia.

 
 
 
Dr.Ali.A.Hirabe                                                        Hirabe_a@hotmail.com
 

_________________________________________________________