بسم الله الرحمن الرحيم
الســـلام عليكم ورحـمة الـله وبــركـــاتــــه. وبعد
Geedi
Waa Xaraarug
Doqonow Magacaa baŽ hadaad diiratay dalkaaga,
dadkii lahaana dabka saartay,
Duunyadiina Dulleeysay,
Darajo dowlad iska Daayee Dulmigaad baday
Dadkeeyga Dacawad baan ka qabnaa, Nika Dabka
soomaali bilaabay iyo Dameerka Zanawi Dooni beey saaran yihiin ee
Zanaawi soo wadataa ama sariirta u seexataaba soomali
waa magaceey muslim waa asalkeey.
Waxaa wax laga naxa ah in reer
Muqdisho xiligaan lagu qaldo Geedi ayaa Hawiye la shiray waxeeyna qaateen
mowqif adag oo ku wajahan sidii dhibka looga saari lahaa umada weli uu
xasuuqu ku socdo,waxaan siweeydiin mudan miyeey reer Muqdisho iloowbeen in
dhibka cida wadaa eey tahay Tigree Geedina uusan xukumin Tigreega balse
xukunka iyo amarada umada lagu xasuuqayo eey ka yimaadeen Mele Zanawi
xiligaana Geedi lagu awrkacsaday awooda dalka jirtana eey tahay mida
Tigreega,waxaa hadaladiisa ka midka ahaa Geedi inta eey socotay ku
awrkacsiga Ethiopia waxaa eey noo hurtay waxa ugu sharafta badnaa ee aadane
loo huro ee ah dhiiga Tigreega si eey dalka nooga xoreeyaan kuwo uu ku
tilmaamay Geedi cadawga soomalia oo runtii ulla jeeday maxkamadihii
Islaamka,Maxed dheere oo ah gacanta midig ee Geedi waxaa uu ku tilmaamay
maatida xamar ka qaxday ee xagaa iyo ceelasha bihaya iyo ceelmacaan in eey
yihiin argagixiso waxaana uu u diiday in la quudiyo biyona loo geeyo,halka
Geedi uu ku sheegay in shacabkaasi eey gumaadeen ciidamada dowlada ee uu r/wasaaraha
ka yahay weliba asaga oo aanan afka soo marsiin ciidamada huwanta ah ee
Ethiopia iyo Ugaanda,sow kaaf iyo kala dheeri maahin waxaa eey mareeysaa
oraahdii aheeyd Reer ba'ow yaa ku leh
reer Muqdisho waxaad moodaa in eeyan weli ka bixin
gumaadka iyo hoog xaqiiqdiina eey weli isku madaalinayaan wax runta ka fog
iyo Geedi ayaa xiligaan umada wax u qaban kara,suaashuse waxaa eey tahay
akhristow miyeey ku kala tahay in muqaawimada xamar ka socotaa eey joojin
karaan Geedi iyo kuwa Hawiyaha sheegta....Maya xaqiiqdii maya weligoodba ha
shireen inta Tigree uu caasimada joogo ilama aha in dagaalka uu istaagayo.
Maxaa sabbabay in xiligaan odoyada
Hawiye iyo Geedi eey shiraan..?????????????
Akhristo markii uu fashilmay shirkii
beela-kusheega ee Cali Mahdi horboodayay waxaa cadaadis uu kaga yimid
caalamka Maquuste iyo Geedi in eey la heshiiyaan odayada Hawiye iloobaana in
eey la heshiyaan ururka dib u xoreeynta dalka somalia ee uu madaxda u yahay
Sheekh Shariif Sheekh Axmed si loo kala fogeeyo aragtidooda ku aadaneey
Ethiopia dalka haka baxdo oo runtii ahaa mowqifka kaliya ee ka dhaxeeyay
labadaa qolo,maantase Geedi waxaa uu ku guuleeystay in Xaad iyo kooxdiisa
eeyan marna soo hadal qaadin ka bixida Ethiopia dalka somalia xiligii eey la
shirayeen Geedi sawirka qaldan ee la qaatayne waxaa uu ahaa Hawiye ayaa
shiray....Alow sahal umuuraha,waxaase cadaatay in heshiis-kastaa oo la gaaro
uusan dhaqan geli karin inta Ethiopia eey haysato caasimada dalka
somalia.waxaa la dhahaa nin hoyadii ka guuray habaryartii kuma nagaado Geedi
waxa ku aworkacsaday Maquuste iyo Ethiopia xiligaana ilama aha in uu
leeyahay fursad uu dalka kaga noqon karo r/wasaare waayo Maquuste waxaa uu
taagan yahay Geedi haddii aad dowladnimo iyo xukun reeysul wasaare rabtid ha
u dhaqmin sidii Warload
hubkaaga u dhiib Ethiopia taas oo runtii
noqotay mid aan meelna looga gudbi karin,Maquuste waxa uu u socdaa in uu hub
ka dhigis uu ku sameeyo Maxed dheere oo ah ninka kaliya ee ka soo haray
Warloadyadii tunka weeynaa ee
reer xamar beri aan sidaasi u sii fogeeyna ku dagaalamay Jawhar iyo in hubka
hawiye gacanta loo geliyo Ethiopia si uu u noqdo kaligii taliye hoos taga
Ethiopia amarkoodana ku shaqeeya.Maquuste waxaa uu ku guuleeystay in uu
lahaado 61 digil iyo mirif waayo asga ayaa abuuray dhamaantoodna waxaa eey
ka tirsan yihiin SSRC marka laga reebo Xaabsade oo asga lagu so daray bari
danbe,sida oo kale dhamaan inta Dirta shegata marka laga reerbo reer Isxaaq
oo colaad u qaaday Maquuste markii uu xiray G.maxkamada sare,reerka uu ka
dhashay cid kama soo horjeedo,marka maxaa diidaya in uu magacaabo reeysu
wasaare SSRC ah.Halka Muqdishana eey u joogaan ciidamada Ethiopia .....akhristow
adba ka jawab......
Xalka halkee laga raadiyaa....?????????
Aniga iyo in faro badan waxaan
aaminsanahay in la taageero ururka xornima-doonka ee Sheekh Shariif
hogaamiyo inta dalkana eey ku sugan yihiin cadoga Ethiopia ee dalka
jooga,xiligii lagaga awood roonaaday Warload yadii
tunka waaweeynaa xamar umada
soomaaliyeed waxaa eey fahmeen in eey noqon karaan mid kaliya is raaci
karaan ayaga oo kala qabiil ah haddii la helo hogaan cadaaklad ah kuna
dagaalamay sidii eey umada u wada noolaan laheeyd ayaga oo wada simman
shareecadana islaamkana eey u tahay hooyadii isku ururin umada muslimka ah
ee wallaalaha ah xaqiiqdiina waayay nabada niman aan sidaasi u faro
badneeyna eey kala qeeybiyeen kalana qobqobeen,waxaa markaliya israacay
intii lakala hayay ayagoo fahmay in eey is-raaci karaan iyo in shareecada
islaamka eey cadaalada ku jirto,kuwi umada 17 sanno xooga ku haystay iyo
Ethiopia ayaa dalka dib u qabsaday ayagaana mudan in dalka laga saaro oo
laga xoreeyo,macno yeelan meeyso isku reer isku qabiil balse taasi waxaa ka
weeyn caqiidada islaamka,waxaan leeyahay nasriga Ilaah lagama quusto,xiligii
maxkamadaha eey soo baxayeen umada waxaa eey ku jirtay dhib kiisa ugu xumaa
Ilaahse keenay nasriga umada eey isku raacday kuna fahan tahay qaadashada
shareecada islaamka in eey tahay mida kaliya ee somali mideyn karta soona
celin karata cadaalada iyo wada noolaanshaha umada soomali.