Jen. Cumar Xaaji Masale meeshii uu maray iyo
taariikhdii uu ka dhaxlay taliska Tigreega
ee Mele Zanawi waxaad moodaa in Bare
Hiiraale uusan marna ku tusaale ku qaadan ,welina
rajo ka qaba ka mid ahaanshaha
xildhibaanimada dowlada Maquuste oo ah mid
cadowtinimo aad u fog kala dhaxeeysa heebta
Sade,Cumar Xaaji waxaa uu gumaaday reerka uu
ka dhashay bishii August 1996 ciidamada
Ethiopia waxaa eey weerar ku qaadeen dhamaan
degmooyinka Gedo sida Luuq,Doolow,iyo B/xaawo
waxaa dagaalkaa ku dhintay in ka badan 350
qof waxaana eey gubeen guryihii, dadka wax
ka qarsoon maahin in Odayaal reer
garbahaaray ah qaateen in gobolka lagu dhaqo
shareecada islaamka taasina waxaa eey
keentay in uu baheeysto Ethiopia kuna
tilmaamo shreecada islaamka mid aanan la
jaan qaadi karin gobolka Gedo.2006
dabayaaqadeeda xiligii Ethiopia eey weerarka
qaawan ku soo qaaday xooga maxkamadaha waxaa
laga haya Bare hiiraale oraah uusan ka
fiirsan balse xiligaan noqotay qodax aan
weligeed ka hareeyn: inta
Harsan
Ayaan u
Socdaa In
aan
Gumaado waa
oraahdii Bare
Hiiraale W/gaashaandhiga
ciidamada huwanta ee Maquuste mar wax laga
weeydiiyay dagaalkii
Iidaale
iyo Manaas
iyo dhimashada inka badan 1000 qof iyo
halka sedex kuna oo qof eey ku dhaawacmeen
intoodana eey ahaayeen soomaali,Maquuste
waxaa uu weli go´canayaa colaadii uu u
qaaday taliskii Siyaad Bare iyo inta ehelka
u aheeyd,waxaa uu ka wadaa Kismaayo ayaa ka
dhigeeysa in colaada eey weli socoto asna
uusan aheeyn nin xil somali haya balse uu
yahay nin qabiil u daydayaaya gobol soomali
oo dhan eey leedahay.
Waxaa uu abwaan qaali ah dhahay
Duulkii
Ibleeys
saar u
tummo oo la
sabbabaayo
salka
meel ma
dhigo balo
nimeey
soo kac
leedahaye,waxaad
moodaa in Bare iyo Cumar Xaaji eey ku
fashilmeen doonista dowladnimo kana leexdeen
taageerida shareecada Islaamka, xiligaana
2007 eey mudan tahay in leeys weeydiiyo waxa
sabbabay in ninwalb lagu awoorkacsado inta
uu xooga leeyahay kadibna laad lagu dhifto
xiliga uu daciifo noqdo, dib u fiiriya
Xuseen Ceydiid,Muuse Suudi,Qanyare waxaadse
mooda in weli eey jiraan rag wadaa
awoorkacsigii oo weli la doorbiday in
xoogooda lagu adeegto runtiina aan
dareensaneeyn in goordhaw eey daaqada ka
bixi doonaan,hadiise eey fahmaan in arinka
uusan ku socon awoorkacsi balse eey tahay in
Maquuste eey ku celiyaan sharciga dastuurka
dowlada federaalka mudan-tahayne in dalka
uusan gelin dagaal sokeeye iyo kala aarsi
qabiileed sidii 1991, sharcigana uu yahay
midka kaliya ee kala gooyn kara xaqa
qofwalba oo soomali ah iyo waajibka saaran
qofwalba,runtii weey adgtahay in Maquuste uu
kursiga uu ku fadhiisto laguna xasiliyo balse
taas waxaa looga fadhiyaa inta waxgadaka ah
oo aaminsan in dowlad goboleed leh dastuur u
gaara, golo xildhibaan,golo wasiir iyo
madaxweeyne eey yeeshaan kuwa xooga Ethiopia
la dulkeenay ee Hawiye iyo Digil & Mirif
haddiise arigtidooda eey ku ekaato in reer
laga aarsado lana boobo hantida shacbka sida
uu ku socdo Qeeybdiid oo aragtidiisa aan
dhaafsiisaneeyn suuqa bakaaraha aragna in uu
yahay ninka poliska dowlada federaalka ee
uusan aheeyn taliyaha poliska gobolka
Banaadir,waxaa quman in Maquuste ciidamada
uu ka keenay Puntland lagu ururiyada
xirooyinka ciidamada federaalka oo eeyan
runtii ka qeeyb qaadan howlaha gobolka
Banaadir waayo gobolka eey ka yimaadeen
waxaa ka howlgala polis u dhashay
gobolkaa,dowlad goboleedwalbaa waxaa eey
mudan tahay in eey yeelato dastuur u gaar
ah, golo xildhibaan iyo golo wasiiro iyo
madaxweeyne sida Puntland iyo
somaliland,haddii taasi la waayo
nabada,cadaalada iyo wada noolaanshaha
soomali ma aha mid soo muuqada balse gumaad
isku dulnoolaansho ayaa jiridoona,waxaa
mudan in xilka gudoomiye gobol oo laguugu
magacaabo in eeyan qiimo laheeyn marba
haddii uusan jirin aragti ka fog midaa waayo
Maxed dheere xiligaan yuu hoos imaanayaa ma
dowlada dhexe mise waxaa uu u dhaqmayaa
sidii dowlad goboleeydyada Puntland iyo
somaliland oo laöe Ilaah og waxwalba.