Waxaan ku bilaabaya magaca Ilaaha
wakiilka ka ah aduunka loona noqon doono
xiliga danbe,waxaan aan jeclahay in aan maqaalkaan
ku taageero halganka cusub ee ku wajahan
sidii dalka looga saari lahaa cadowga
Ethiopia iyo xulufada dalka keenay iyo
sida uu howsha u wado Sheekh Shariif
ineey tahay mid xaq ah una baahan sabar
ama dulqaad faro badan,waxaan ka xumahay
in taladii uu soo jeediyay
Eng. Yarisow ee ahaa in uu
siyaasada ka fadhiisto ama ka
nasto,waxaa eey aniga iyo in faro badan
nala tahay in Sheekh Shariif uu sii wado
halganka xaqa ah,uuna muujiyo
sabar,dulqaad,adkeeysi Ilaah u noqo
Ilaahey waxaa uu dhahay:86 surad
Aali-Cimraan لَتُبْلَوُنَّ فِي
أَمْوَالِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ
وَلَتَسْمَعُنَّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُواْ
الْكِتَابَ مِن قَبْلِكُمْ وَمِنَ
الَّذِينَ أَشْرَكُواْ أَذًى كَثِيراً
وَإِن تَصْبِرُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ
ذَلِكَ
مِنْ عَزْمِ الأُمُور
waxaa lagu imtixaana xoolaha iyo
nafta,gaaladana had iyo jeer dhibaa laga
maqlaa waxeeyse u baahan tahay adkeeysi
iyo dhwrsanaasho,dagaalkii sokeeye waxa
kaliya oo eey umada ka dhaxashay oo
faaiido ah waxaa eey tahay in umada
soomaliyeed eey ku baraarugeen in
shareecada Islaamka eey tahay tan kaliya
ee keeni karta nabada,cadaalada,iyo
wadanoolaanshaha umada
soomaaliyeed,waxaan leeyahay wallaalkeey
Dulqaado,Sabir adkeeyso ogowna in aad
hugan tahay mabdá aad qali ugu ah umada
soomaaliyeed runtiina eey haboon tahay
in loo taagnaado,loona sabro,haddii aad
meesha ka baxdo ogow in dhaawaca uu soo
gaarayo mabdaáa aad hogaanka u qabaty
xligii uu Ing Yariisow ku tilmaamay the
Golden Age ama xiligii dahabiga,waxaan
kale oo aan aad ugu diidanahay
wallaalkeey Ing Yariisow in danbiga MMI
uu dusha ugu tuuray eey tahay mid aan
waxba ka jirin waxaana ku sabbabeeynayaa
in Ethiopia eey hore u qabsatay dhamaan
dalka halka u harsaneeydna eey aheeyd
Muqdisho,waxaan la inkiri karin in G/Bay,G/gedo,Gobolada
Puntland G/hiiraan eey hore u joogeen Ethiopia
halka u dhineeydna eey aheeyd magaalada
xamar,waxaanba qabaa haddii eeyan MMI
soo bixi laheeyn Ethiopia xamar waxaa
eey qabsan laheeyd xiligii Maquuste uu
noqday madx kusheega imbagaati ee 2004
balse waxaa Ethiopia eey timid xamar
2006 bishii ugu danbeeysay.
Ing.Yariisow waxaa hadaladiisa
ka midka ahaa:Waxaana kula talin lahaa
inuu ka soo tago Asmara oo uu yimaado
waddamada kale, sida Doha, Dubai, Cairo
iyo Yemen.
Suaasha jirtaa waxaa eey tahay
Carab iyo afrika xiliga lagu jiro in
laga soo dhex halgamo tee roon,dib u
fiiri dowladaha carabta dhamaan weli
taariikhda laguma hayo jabhad laga soo
taakuleeyay oo wax noqotay,Palastiin
ayeey u diideen dhulkooda,bal fiiri
qoxootiga Palastiin ee xiligaann lagu
gumaadayo Lubanan,dowladaha carabta
anaga oo ka mid ah ayeey awoodi waayeen
in eey af dheer ku dhahaan Ethiopia ha
ka baxdo soomalia,Saiydka ayaa waxaa uu
dhahay: maandhow calaacalka iga daa
carabi waa naage,maaha qarnigaan aan ku
jirno waxa uu Sayidka ka dhahay
Carab,Eritareia waa dalka xaqiiqdii sida
weeyn ugu gilgishay foolxumada gumaadka
iyo qabsashada Ethiopia welina afdheer
kaga dhawaaqday in USA eey tahay mida
garabka ku siineeysa Ethiopia qabsashada
soomalia.
Dalkaan waxaa uu soo maray xili
la dhihi jiray:Angoola iyo Muzanbik
indooshayna sharqul awsad irdahaa
jabuuti abidkoodba ha xorowaan
abidkoodba ha xorwaan,soomalia waxaa eey
ka midka aheeyd dowladihii faro ku
tiriska ahaa ee ka soo qeeybqaatay
xoreeynta dowladado faro badan oo
aduunka xiligaan xor ku ah,koonfur
afrika,Angoola
Muzanbik,Eritareia,Jabuuti Plastaan
ayeey ka midka ahaayeen dowladihii aan u
qeeyli jirnay xornimadooda,sidaas
awgeed ayaa cadowlaga USA iyo Ethiopia
ayaana weli caalamka uu ka aamunsan yahay
Waxa maanta dunidaan ka socdaa ayaa ah
in aanan marnaba raali laga aheeyn in
Shareecada Islaamka leeysku xukumo,
waxeeyse gaareen MMI in umada
soomaaliyeed eey u soo bandhigaan wax
xaqa ah iyo in umada eey ku baraarugto
xukunka Ilaah, lix bilood waxa eey
qabteen MMI maaha wax lagu soo koobikaro
maqaal balse ninwalbaa waa eey taabatay
sharafta iyo cisiga diinta eey leedahay,
shareecada oo la qaatay waxaa eey dhaxal
siisay shacabka Muqdisho
nabada,cadaalada iyo wada noolaansho,
koleey ilama aha in Calmaaniyiinta
Maquuste eey awoodaan 10% waxa MMI eey u
sameeyeen umada soomaaliyeed,inta
dhimatay Ilaah naxariis ha siiyo inta
noolna koleey waxaa na horyaal imtixaan
adag oo loo baahan yahay in lagu sabro
loo dulqaato,Diinta ma dhiman iyadaaana
baaqi noqoneeysa, kuwa u dhintayne waa
shuhado balhum waa axyaa xaga Ilaah,inta
taageerada u haysay MMI waxaa eey
taageerayeen hirgelinta shareecada
Islaamka ee ma taageereeyn qabiil iyo
shaqsi taana waxaa ka marqaati kacaya in
soomaali oo dhan eey u istaagtay
qaadashada shareecada Islaamka, welina
waxaan aaminsanahay in shareecada oo la
qaataa eey wax badan ka bedeleeyso soo
celinta nabada,cadaalada iyo wada
noolaansha umada soomaaliyeed.Ilaah nagu
filan oo akliya ee talada Ilaah saarta.
فَإِن تَوَلَّوْاْ
فَقُلْ حَسْبِيَ اللّهُ لا إِلَـهَ إِلاَّ
هُوَ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَهُوَ رَبُّ
الْعَرْشِ الْعَظِيمِ
Waxaan aad ugu xumahay in Xaaji Cabdi
Imaan iyo C/aahi sheekh xassan hortooda
uu Maquuste ugu sheego in Ethiopia
eeyan ka baxeeyn dalka inta eey ka
nabadeeyneeyso suaashuse waxaa eey tahay
nabada soomaliya ma waxaa laga rabaa
Ethiopia mise soomali,ninwalba diintiisa
ayuu waxaa uu dhaafsaday xogaa Ilaahaana
sheegay kuwa noocaas ah waa Suurada
An-naxl aayada 94 aad oo leh: ha ku
gadanina balanka ama cahdiga ilaah qiimo
yar وَلاَ تَشْتَرُواْ بِعَهْدِ اللّهِ
ثَمَنًا قَلِيلاً إِنَّمَا عِندَ اللّهِ
هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ
تَعْلَمُونَ Ilaah waxaa agtiisa ah ayaa
idiin qeeyr roon haddii dadow aad wax
ogtihiin.
إِنَّا أَنزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ
بِالْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ
بِمَا أَرَاكَ اللّهُ وَلاَ تَكُن
لِّلْخَآئِنِينَ خَصِيمً