Haddaan shaashka derejada Dallacaada laga nixin

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
June 17-2007

Waxaa isa soo taraya inta xilalka tigreega uu siiyay damiirlayaasha u shaqeeya Ethiopia in dhegta dhiiga loo daray,welina eey socoto dilalka isdhaca,is ugaarsiga iyo gumaadka eey wadaan cadowga tigreega iyo xulufadiisa,waxaan la soo toosay gabaygii iyo tixdii abwaankii weeynaa ee Maxed Ibraahim warsame(Hadraawi)xiligii s.n.m ta ugu jirtay ka xoreeybta taliskii Siyaad Bare gobolada waqooyi,waxaa uu dhahay: Haddaan shaashka derejada Dallacaada laga nixin Dal Allay u kibirtee Haddaan iilka lagu degin Haddaan meydku duurkiyo Derrimaha ka fara badan Sanqadhaa dabayshiyo Haddaan fiinta laga didin.waxaad moodaa in abwaanka xiliga uu gabyay eey tahay xiliga lagu jiro,somaali waa eey kala guurtay kuwa weli waxaa eey galeen marxalad gumeeysi la dirirka  Ethiopia,kuwa dan iyo heelo kama eey laha waxa ka socda koonfur cida eey dhibtaa waa uun reer koonfur,waxaase leeyahay Ilaah ayaan ka quwad weeyn cidwalba waxaan leenahay Ilaahow qaladkood ku qabo Maquuste iyo inta daba joogta, raxmada ilaah lagama quusto waxaa umada u banaan oo kaliya sabar iyo in leeyska celiyo gumeeysiga cusub ee Ethiopia iyo huwanteeda,imtixaanka xiligaan lagu jirana la ogaado in umada eey dib isku saxdo Ilaahan loo dhawaado waayo Ilaah ayaa ka awood badan cadow kasta oo jira. 
 
Maquuste:
Daa-imow Allahayoow adaan dunida moogeeyne,  Nin Amxaar diidayaan ahoo Adoonsi dooneeynin, Miyaan Dabi geeystay hadaan Dambiilaha Duqaa Dunida  maanta u Sheegay.Markii dib u heshiin laga hadloow dirir ku faanaaye, Diirku iima naxo nimay Amxaar deris wadaagaane, Dusha sare dal laga maamulaa Damacday maalmaha- ne,Ku soo daad-guree Amxaar kuwa Danaanoway, u  danee kufaarada jiraa, adna Diracyo  soo qaado,Aday deeyrshay maantaan lahaa dirirto waa ceebe, Adigay dafiray sidii a-noo duul shihseeye ahe,Dal burburay dadkiisuna is nacay hadaad maanta kala geeyso,Godeey Garb ka doon adaa diiday nabdiiye, Duqii  ka quus Qaran  in uu dhisaa abide,Qabyaaladaa ku weeyn  iyo Qolo Cidiisiiye, Dulmi aad u culusbuu ku dhacay iyo daanno xoog badane, waa tuu kufaar u dalbaday umada soomaali.
 
Dadkii waa kala  Qeeybiyoo midow  Qabiil iyo Qori ku dilay miyeey Qaladkooda garan, Ilaaheey waa Qiroo hadaan Diin xukun aheeyn Qanyare waxuu Qoraa Maquuste magaca ku helay miyaa Diin ka Quwad weeyn, Qeeybdiidna waa Qirtoo in uu Cadowga Diinta yahay Qanyarow Qaladkaaga Qiro oo Qandiga Qeeybdiid ka Saar, Qiyaamase waa jirtaa ee Alow Qaladkood ku Qabo.
 
Geedi:
Amxaaro waa asal raac ortodagis aan la aqoonin adoonsiyeey u socdaan, ee hadaad amxaaraka dalka keento habar calaseey lagu xaabsho oday jimcaalena la saarto sow aduunyo  gadoon umad maahin, duligaad maanta ku beertay sow diin la aan umda maahin, Caliyow Ilaah ma ciseeynin kol hadaad Amxaarka ciso mooday, Caasi- yiinta Ilaah caradeeyna ka saar, dib u fiiri Ciraaq Baqdaad ha ka yeelin bananaadir, Baasuuke iyo Baroon, Baaruda dhamaan uma baahna Banaadir, ee Zanaawi soo dejisaa ama Yahuud soo noqotaa soomaali waa magaceeyga Muslim waa asalkeey ee dagaalkaad maanta bilowday difaaciisa la how.
 
gabaygaan waxaan tiriyay xiligii Geedi loo doortay r/wasaare mase garan weli dhibka ugu badan xiligaan waxaa uu ku dhacay Geedi kuwa uu ku abtirsado waayo waxa hada la gumaadaya waa Abgaal Alow sahal umuuraha. 
 
Cabdulle Raage waxaa uu tiriyay ( Ilaahow  kuu naxariiso ) xiligii uu C/aahi yuusuf ahaa SSDF ee uu joogay Ethiopia gabay eey is dhafsadeen nin C/aahi ku heeb ahaa,tani waa jawaabtii uu ka tiriyay Cabdulle Raage xiligaa,waxaanse weli garan doqonada daba jooga Maquuste oo runtii taariikhda soomali aanan waxba ka aqoon.waxaa uu dhahay.
 
 
 Ninka magaca Soomaliyeed, midabbaduu yeelay,Waa nimaan minhaaj iyo ku dhalan, meher xalaaleed,Oo aan mufti iyo hooyadii, macallin loo geyn, mugdi uu islaantii ku galay, muudal gudayaa, Mujrimyada munaafaqa fakaday(Maquuste 1978 dii), midigta siinaaya, Maqanaha iyo joogaha ra'yiga, meel ka wada Qaata,Oo aragtidooduna mid tahay, kalana meeraysta, Mataanaha habeenkii u shira, murugada Soomaali, Haddaad mooddey inan moognahoo, marayo baaqiinnu, Marti kibirtey waa ba'an tahay, iyo magan carootaaye, Isa soo mutuxa waa waxaa, naga macaashtaane.
 
 
July 28, 2004   waxaan qoray maqaal magaciisyu ahaa:Dabar gooy baan Islahaaye Ma Diintaa Igu Naaxday xiligaas ayaan soomaali uga digay qatarta ku soo food leh iyo shaxda Maquuste uu wato,maantase waa eey na haysataa ee.Alow sahar Umuurah.
 
 
 
Dr.Ali.A.Hirabe                            Hirabe_a@hotmail.com
 

_________________________________________________________