Akhristow Somali waa eey kala
luntay qaar waa calmaani sida
Puntland iyo somaliland kuwa
koonfureedna waxaa eey
gumeeysiga ugu dhaceen
qaadashada diinta iyo shareecada
islaamka,Cali mahdi waa uu
ogyahay in dhiiga soomaali uu
qiimo yeeshay xiligii
maxkamadaha islaamka maantase uu
yahay dhiiga soomaali midka ugu
qiimaha yar ee aduunka,waxaa uu
raali ka noqday in soomali eey
gumaado Ethiopia asagoo og waxa
xamar ka dhacay iyo weli
gumaadka gumeeysiga uu
wado,dadka soomaali waa muslim
runtii qabiilwalba oo soomali ah
waa uu aga dhaw yahay midba
midka kale Ethiopia waayo
Ethiopia dalkaan ma laha,isku
diin ma nihin,isku dhaqan iyo
luqad ma nahin ma waxaan u kala
cararnaa kuwa cadowga Ilaah iyo midkeena
ah...Ilaahow garadsii soomaalida
caqliga u saaxiibka ah,reer
Muqdisho xiligii sheeekh shariif
sheekh Axmed umada waxaa eey
heleen cisi iyo sharaf,waxaa
bilaabatay in qaluubta shacabka
soomaaliyeed uu isku soo dummo
ilaa iyo soomaali weeyn ayaa u
hiilanaa qaadashada shareecada
islaamka waatuu Cade Muuse lahaa
waan qaadanay kadibna Ethiopia
ugu yeertay sidii loo baabin
lahaa nasriga dhulka
yimid,maantase waxaa uu kala
maareen la yahay xukunkii
calmaaniga ahaa ee uu ka
doorbiday shareecada
islaamka.Ilaah waxaa uu
dhahy:102 Suurat-Aali-cimraan
Kuwa xaq rumeeyow ka cabsada
Eebe cabsi dhab ah ,hana soo
dhimanina idinkoon aheeyn
muslimiin.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ
اتَّقُواْ اللّهَ حَقَّ تُقَاتِهِ
وَلاَ تَمُوتُنَّ إِلاَّ وَأَنتُم
مُّسْلِمُون
Waxaadse moodaa in umada lagu
celinayo
jahliga,dulmiga,mugdiga
iyo in aan aamino qabiilka kuna
dhimano, Ilaah ma dhihin soo
dhinta idinka oo ah Doorood ama
hawiye ah iwm balse waxaa uu
dhahay adiga oo muslim ah,Cali
Mahdi iyo Maquuste waxaa eey
jecel yihiin in umada eey u
dhintaan qabiilka alow sahal
umuuraha.Askariga u shaqeeya
huwanta maxuu u dhimanaa maxuuse
u dilaa shacabka intaba waa
aqoondaro xoogan oo xaga diinta
ah,haddii eey ogaan lahaayeen
meesha eey cirbtooda tahay ama
mida danbe waxaa laga yaabi
lahaa in eey is daba qabtaan.
Bandowga waxaa uu joojiyay
cibaadeeysiga salaada cisha
waqtiga Muqdisho,waxaa marwalba
masaajidyada ka dhacay bililiqo
iyo boob huwan gumaad iyo
naceeybka dadka eey ka muuqato
sunnada salaada,haddii aad gar
leedahayne iska daayo waxaa
lagaa qabanayaa dariiqyada taasi
waxaa eey ku soo kordhisay Muqdisho
in huwanta Ethiopia dagaalkooda
in uu ku wajahan yahay mida
diinta islaamka,xijaabka oo laga
joojiyay gabdhaha waxaa eey
aheeyd midii ugu horeeysay ee ka
hirgashay Muqdisho,waxaan hore u
dhahay nin safar ahaa Tigree
watee talo rabaase meel run taal
waa in aan laga quusan Ilaah
abuuray aduunka keeni kara
nabada iyo cadaalo umada
soomaaliyeed ku
noolaato,Ilaaheey waxaa uu
dhay:2 Suurat Al-Cankabuut Ma
waxeey u maleeyeen dadka in
looga tagayo inay dhaan waan
rumeeynay oo aanan la
imtixaaneeynin.ama garka
halagugu noco mama xijaabka
halguu diido waxaa quman in aad
sabartaa Ilaahan aad talada
saarataa waayo Ilaah waa
wakiilka aduunka Al-wakiil.
أَحَسِبَ النَّاسُ أَن
يُتْرَكُوا أَن يَقُولُوا آمَنَّا
وَهُمْ لَا يُفْتَنُونَ
Ilaaheey waxaa uu dhay cidna
loogama tagayo oo kaliya waan
aaminay waan rumeeyay Ilaah iwm
basle waxaa lagu marinayaa
imtixaan adag waxaana laguugu
fiirinaa in aad ku sabarto adiga
oo rumeeysan Ilaah,haddii aad
dib u fiiriso waxa eey soo
mareen umadadihii naga horeeyay
imtixaanada eey soo mareen oo
runtii Kitaabka Quraanka lagaga
qisoonayo waxaa quman in aan ku
waano qaadano qisooyinkaa,waa in
lagu sabraa dhibkasta oo umada
soo wajahdo,Maquuste waa safar
xaqana cidna ma qarin
karto,waana uu soo bixi doona
xaqa goordhaw,Ilaahaan ka
baryeeynaa in uu naga qabto
Maquuste iyo huwantiisa
Ethiopia.Dr nimda Maquuste ma
bixiyo waayo in faro badan ayaa
aad ugu xun Dr nimada balse
waxaan ahay Dr diidan Maquuste
iyo huwantiisa cid damiir lehna
ma raaci karto huwanta Maquuste
iyo Ethiopia.