Waxaan aad ugu xumahay in leeysku qaldo dowlada
Tigreega xukumo iyo xulufada Maquuste uu u yahay
dagaal Oogahii ugu da-da weeynaa in loo kale arko
laba qolo,wayo waxaad arkeeysaa kuwo dhahaya dowlada
haddii hoobiyaha iyo madaafiicda laga deeyn lahaa
waxaa la heli lahaa nabada iyo kala danbeeyn,waxaa
mudan in aan is-weeydiino dalka ma waxaa ka taliya
xoogaga la soo kireeystay ee Tigreega ah mise kooxda
Maquuste ?????? Waxaan jeclahay in aan kala garano
xaqiiqda jirta iyada oo aan soo qaadan doono
dhacdooyinki ugu danbeeyay.
Ugu horeeyn dowladi dadkeeda ama shacabkeeda ma
gumaado,ma barokiciso,xabsi uguma eey dhigto
Ethiopia ,dowladi wasaaradii gaashaan-dhiga ee
somalia kuma eeyan hooyseen Tigreega oo ahaa
cadowgii ugu da-da weeynaa taariikhda somalia soo
martay,dowladi in eey biliqeeysato xoolihii
ganacsatadii dalka,dadka u gargaarayay bal xiligaan
dib u fiiri suuqa Bakaaraha iyo waxa ka
taagan,dowladi ma caburiseen warbaahinta u soo hano
qaaday dalka ee ka soo shaqeeyneeysan 17
sanno,dowladi waxaa eey xushmeeysaa sharciga lagu
heshiiyay xitaa umada somalia waxaa eey la yaaban
yihiin in Maquuste iyo kooxdiisa eeyan weli
ixtiraamin sharuucdii lagu soo wada heshiiayay,dib u
firi sharciga dastuurka dhaaquudka Imbagaati oo
qirayay in nina uusan xirnaan karin in ka badan 24
saac isaga oo aanan maxkamad la geeyn waxaa mudan in
aan fahano in dalka eey u taliyaan Tigreega Gabre
Maquustene uu yahay daba dhilif dalka,dadka
gadanaya,waxaa waxwalba nooga filan in Tigreega uu
la shirayo qabaailada somalia,in Tigrreega xili
walba uu ka wado howlgalo eeyan la socon kuwa
sheegta dowladnimada,shacabka somalia gumaadka eey
ku hayan Tigreega cidna kama hadasho balse kuwii ka
cararay dagaalada ee baro kacay ayaa waxaa loo
diidan yahay in eey helaan biyo iyo rashin,Maquuste
xagee xukumaa??????? Waxaanan shaki ku jirin in uu
yahay gudoomiyaha jabhada Tugree ee somalia welina
aanan helin fursadii uu dalka ku qabsado,weli waxaa
jira xoogag aaminsan jiritaanka somalia xilna iska
saaray in dalka laga difaaco cadoga soo weeraray
dalka iyo kooxda Maquuate.Gobolada dalka xagee ka
taliyaa,dib u fiiri 18 ka gobol,ciidamada calooshood
u shaqeeystayaasha uu wataa waxaa eeyn weli xukumi
la`yihiin caasimadii Muqdisho,Jubooyinka kama
takiyaan,somaliland sida oo kale,Puntland waa
caadifad qabiil ayeey ku taagersan tahay waayo
haddii aad fiiriso waxaa ey isku rogtay
Majeerteenland G/dhexe kama uu taliyo xagee ka
taliyaa Maquuste ma cisbitaalka London ku yaal
dhxdiisa mise dal….akhristow adba ka jawaab.
Waxaa akhristow kaaga filan in aad dib u fiiriso
Maquuste iyo kooxdiisa oo ah runtii kuwa dalka,dadka
somalia ka galay danbiyo dagaal xiliyadii 1991 ilaa
iyo xiligaan aan joogno,cid ka maqan ma jirto
dhamaan hogaamyaashii dagaalada ee burburiyay
dalka,dib u firi SSDF waa Maquuste,Cade
Muuse,Darwiish,C/rashiid Seed,Al-azhari,Barabari
qurun oo dhan,sida oo kale USC waxaad arkeeysaa
Muuse Suudi Madfac side oo la ogyahay taariikhdii
iyo gumaadkii uu ka geeystay xamar,sida oo kale
Qanyare,M:dheere,C/qeeybdiid,Cusmaan caato iyo
quranle oo dhan,USP cumar jees iwm,dhamaan kuwii
iskugu tagay Kenya maanta waxaa eey ka wada tirsan
yihiin baarlaanka Tigreega u shaqeeyo ee fadhigoodu
yahay Baydhabo.
Waxaan jeclahay in aan maqaalkaan ku soo gabagabeeyo
akhristow dowlada Tigreega maamulo dalkaan kama
talin karto,Maquuste iyo kooxdiisana waxaa xaqiiq ah
in eeyan ku heshiin karin dastuurka dhaaquudka ah oo
hadba ninkii qoriga wataa uu u weecin karo meesha uu
rabo,waxaa mudan in laga hortago tuugada dalka
gadaneeyso Ilaahna talada la saarto.
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com